R/Wasaare Rooble oo sheegay in wadada kaliya ee lagu gaari karo horumar ay tahay midnimo iyo wadajir

Ra’iisul Wasaare Rooble”Waxaan maanta u Dabbaal degaynaa 1-da Luulyo oo ku beegan Sanad guurada 61-aad ee ka soo wareegtay Xorriyaddii Gobollada Koofureed ee dalkeenna, Midowgii Koofur iyo Woqooyi iyo Dhalashadii Qarankeenna.

61 sano ka dib, waxaan baahida ugu weyn u qabnaa midnimo iyo wadajir oo ah jidka kaliya ee aan ku gaari karno horumarka aan hiigsaneyno, kulana tartami karno dalalka iyo dadyowga asaaaggeen ah.”