Afar Qof oo ku Geeriyootay Kaawo ay qodayeen oo ku soo duntay

Dad gaaraya Afar ruux oo mid ay tahay haweeney ayaa geeriyooday kadib markii ay ku soo duntay kaawo ay qodayeen oo ku taala deegaanka Jasiira ee duleed Muqdisho.

Goob jooge la hadalay warbaahinta Qaranka  ayaa sheegay in uu arkay meydadka afartan qof ee dhimatay iyo laba qof oo dhaawac ah, isaga oo  intaas raaciyay in dadka degaanka ay u gurmadeen dadkan muruq maalka ah ee ay kaawada ku soo duntay.

Ciidamada XDS oo hawlgallo ka sameeyay duleedka Magaalada Beledweyne

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka  iyo kuwa Ammaanka Dowlad gobaleedka HirShabeelle ayaa howlgallo Amniga lagu xaqiijinayay  ka sameeyay degaano ku yaal duleedka Galbeed  ee magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Howgalka oo u hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxman kheyre,  ayay Ciidanka Ka sameyeen Degaanada, baali, burjada ciinta, doon Maleeyka, oo 25 KM dhanka Galbeed  ugu bageen Magaalada Beledweyne.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle Maxamed Cabdiraxman kheyre, ayaa ciidamada ku bogaadiyay xaqiijinta howlaha sugida Amaanka ee ay kawadaan Magaalada Beledweyne iyo  Degaanada hoosyimaada.

Sidoo kale Wasirka ayaa Ciidamada ku amray inay dardar geliyana howgallada iyo sugida amniga maadaama Magaalada Beledweyne ay kamid tahay Gobaha loo asteeyay in dhawaan ay ka dhacaan doorashoyinka Baarlamaanka dalka.

Guddiga doorashada maamulka Puntland oo doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeen

Doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka guddiga maamulka doorashada heer Dowlad goboleed ee Maamul  ee Puntland ayaa maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho.

Musharixiinta C/kari muse Maxamed ayaa loo doortay Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Puntland waxaana cod  gacantaag ah kuu ansixiyey 11 Xubnood Guddiga kamid ah ,Ma jirin qof kale oo la tartama

Gudoomiye ku xigeenka ayaa isna waxaa u tartamay jagaadas. Caynaanshe Yusuf Husein, ma jirin musharax kale oo kula tartamay  waxa uu uuna helay 11 Cod,guddoomiye ku-xigeenka Guddiga doorashada.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Galmudug oo Al-Shabaab ka saaray Deegaanno dhowr ah

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed qeybta 21 aad iyo Daraawiishta Galmudug ayaa xalay qaaday Howlgal jahooyin kala duwan lahaa oo Ururka Al shabaab looga saarayay Koonfurta Gobolka mudug waxaana lagu qabsaday magaalada Bacadweyne iyo Tuulooyinka Qeycad, Hareeri dheere, Cimaamad iyo kuwa kale.

Ciidamada XDS iyo kuwa amniga ee Galmudug ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay  deeganadaasi,waxaana haatan socda howlgal lagu sifeynayo kooxaha nabad-diidka.

Taliyaha La dagaalanka Argaguxisada Daraawiishta Galmudug Geedi Qalabxoor ayaa sheegay inay wadaan Baacsiga Maleeshiyaadka Al shabaab ee ku dhuumaalaysanayay Deegaanadaas.

Kooxda argagixisada Alshabaab ayaa ka firxaday goobo teelteel ah oo ay ka joogeen deegaanada.

Xildhibaan Ilhaan Omar oo ganacsatada ku dhiirigalisay doorkooda waxqabad

Xildhibaan Ilhaan Omar oo maal-mahaan ku sugnayd Magaalada Minneapolis ayaa la kulatay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku howlan horumarinta adeegyada lagama maarmaanka ah ee ku xiran nolosha bulshada.

Xildhibaan Ilhaan oo booqatay goobo ganacsi oo dhowr ah waxaan halkaaa ku soo dhaweeyey Cisman Sheikh iyo Mursal Sheikhdoon oo ah Milkiilayaasha Xarun cusub oo loogu magacdaray  US Xalaal Foods .

Xildhibaanada ayaa ku ammaantay dhallinyarada Soomaaliyeed dadaalka ay ugu jiraan horumarinta ganacsigooda iyo magaca ayu soo hooyeen bulshada .

Wakiilka warbaahinta qaranka Cabdixakim Cabdi Ismaaciil ayaa soo shegay in xildhibaanadda ay sidoo kale la kulantay qaar ka mid ah ururada bulshada ee ku dhaqan Magaalada Minneapolis.

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland oo shir-guddoomiye shir looga hadlayey sugida Amniga

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa shir gudoomiyay shirka looga hadlayey dardargelinta sugida amaanka deegaamada maamul goboleedka jubaland.

Shirkan ayaa diirada lagu saarayay xaaladihii u danbeeyay ee dhinaca amniga gaar ahaan sugida amniga Doorashooyinka iyo wada shaqaynta dhinacyada kala duwan.

Ku-simaha Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo laamaha amniga ka codsaday in ay sii laba jibaaraan sugida amniga Baladweyne

Balad weyne– Ku-simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Ahmed Hagar Dabageed oo ay weheliyaan qaar ka mid ah golaha wasiirada maamulkaas ayaa maanta kormeer ku soo maray qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Baladweyne.

Mas’uuliyiintan ayaa u kuurgeliyay xaaladda amni ee magaalada oo ay ku soo fool leedahay doorashada xildhibaanada Soomaaliya.

Wasiirka amniga maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa sheegay inuu amniga magaalada Baladweyne wanaagsan yahay,islamarkaana laamaha amniga wax badan ka qabteen.

Madaxweyne ku-xigenka maamulka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar dabageed ayaa ka codsaday saraakiisha ciidamada in ay sii laba jibaaraan howlgalada amniga lagu suagyo.

Magaalada Baladweyne ayaa laga dareemayaa diyaargarowga doorashada kuraasta  Baarlamaanka Soomaaliya oo halkaas lagu wado in lagu qabto.

Guddiga doorashada maamulka K/galbeed oo doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku-xigeen

Doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka guddiga maamulka doorashada heer Dowlad goboleed ee Koofurgalbeed ayaa maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho.

Musharixiinta kala ah Yuusuf Abduqaadir Maxamed iyo Maxamed Cabdullaahi Sheikh Xasan ayaa isku soo taagay xilka Gudoomiyaha guddiga Doorashada.

Ka dib doorashadii dhacday, waxaa guddoomiyaha guddiga doorashada heer Dowlad goboleed ku guuleystay Yuusuf Cabduqaadir Maxamed, wuxuuna helay 10 cod.

Halka guddoomiye ku-xigeenka guddiga ay u tartameen Nuuradiin Ibraahim Aadan iyo Cabdullaahi Cabdi ibraahim,waxaana ku guuleystay Nuuradiin Ibraahim Aadan in uu noqdo guddoomiye ku-xigeenka Guddiga doorashada.

Shirka wadatashiga wasaaradaha caafimaad oo ka furmay Garowe

Garowe – Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa maanta ka furmay shirka wadatashiga Wasaaradaha caafimaadka Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Shirkan oo ay martigelisay Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa socon doona muddo saddex cisho ah, waxaana dib loogu eegi doonaa waxa ka qabsoomay shirkii ka dhacay Muqdisho sanadkii tagay.

Shirkaan waxaa ka soo qeyb galay Wasiiradda caafimaadka Puntland,Galmudug, Hiirshabelle,Jubbaland, Koonfurgalbeed iyo wasiirka wasaaradda caafimaadka Dawladda Federaalka Soomaliya.

Wasiiradii caafimaadka ee shirka ka hadlay ayaa dhammaantood muujiyay ahmiyadda uu shirka leeyahay, iyagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in natiijo wax ku ool ka soo baxo.

Wasiirka caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Fowziyo Abiikar Nuur oo furitaanka shirka ka hadashay ayaa hoosta ka xariiqday muhiimadda horumarinta caafimaadka dalkeena.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Hay’adda DRC oo kala saxiixday Heshiis wada-shaqeyn

-Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish iyo Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Basma Caamir Axmed ayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda DRC, kaasi oo loogu hadlay Xoojinta Xariirka Wada shaqeyn iyo dar-dar gelinta caawinta dadka Danta Yar ee kunool xeryaha Barkacayaasha.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa Caasimada iyo Hay’adda DRC ayaa kala saxiixday Heshiis wada-shaqeyn oo ku xusan Qorshaha iyo Habraaca Mashaariicda Horumarineed ee laga fulinayo Gobolka Banaadir si loogu saleeyo baahiyaha dadka danta yar.