Waa sidee xaalka dekadda Dubai oo maalinti shalay dab ka kacay?

Markab qaada konteenarada ayaa dab ku qabsaday mid kamid ah dekadaha ugu mashquulka badan caalamka ee Dubai, gelintii dambe Arbacadii shalay, mas’uuliyiinta maxaliga ah ayaa sheegay in dabkan uu Khalkhal geliyay xarunta ganacsiga ee Imaaraadka Carabta.

Qiiq iyo holac ayaa is qabsaday markii markabka ku xirnaa dekada Jamalu Cali oo ah tan ugu mashquulka badan Bariga Dhexe uu dab qabsaday.

“Dabka waxaa uu ka dhashay mid kamid ah konteenarada saarnaa markabka dekada Jamalu Cali waana la xakameeyay dabka, ma jiro qof wax ku noqday dabkaas,” sidaa waxaa lagu yiri Twitter qeybta warbaahinta ee dekadda.

Dhismiyaasha ka ag dhowaa dekada ayaa waxaa soo gaaray waxyeelo daaqadaha ayaa soo daatay taas oo sababtay waxyeelo soo gaarta ugu yeraan sadex qof.

Ilaa iyo hadda lama oga inta uu la eg yahay khasaaraha ka dhashay dabka qabsaday markabka qaada konteenarada, sidoo kalena laga shaacin waxa sababay dabka.

Saraakiisha dekada waxay sheegeen “ waxaa qaadnay dhammaan talaabooyinkii lagama maarmaanka u ahaa in la hubiyo si shaqada dekada si caadi ah ugu soo laabato iyadoo aan wax caqabad ah jirin”.

Telefishinka Al-Carabiya oo soo xiganaya xukuumadda Dubai waxaa uu sheegay in dhammaan shaqaalaha markabka si nabad ah looga soo daad gureeyay.

Dekada Jamalu Cali oo ku taala dhanka waqooyi ee Dubai waa dekadda ugu weyn ee caalamka waxay isku xirtaa dunida bari iyo galbeed.

Shirkadda DP World oo dekadaas maamushana waxay ku sifeysay marinka ugu muhiimsan ee isku xira ganacsiga caalamka oo dhan.

Hawlgallo ciidan oo ka socda Mudug iyo Galgaduud

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Gal-mudug mudane falagle ayaa sheegay in ay socdaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo la doonayo in kooxaha nabad-diidka looga sifeeyo goobaha teelteelka ah ee ay ka joogaan deegaanada Mudug iyo Gaalgaduud.

Wasiirka oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ciidamada howgal ay fuliyeen ay ku Soo qabteen maxaabiis,islamarkaana ay wadaan baaritaano,wuxuuna tilmaamay in howgaladaan ay noqon doonaan kuwo joogto ah.

Wasiirku,waxa uu beeniyay Warar sheegay in Al-shabaab la Wareegeen Bacaadweeyne wuxuuna qiray in Ciidamadda Xoogga Dalka iyo ku wa Daraawiishta ay si buuxda gacanta ugu hayaan magaalada Bacaadweyn,isla markaana ay deggan tahay xaaladda deegaankaasi.

Wararka aynu ka heleyno aaga ay Howgaladu ka Socdaan ayaa sheegay in Al-shabaab ay ku jabeen weerar ay ku Soo qaadeen fariisimo ay Ciidamada ku lahaayeen deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka mudug halkaasi oo looga qabsaday tiro maxaabiis ah .

Hawlgaladaan ay Ciidamadda Xoogga dalka iyo ku Wa daraawiishta Gal-mud ay ka Wadaan Gobolada Mugud iyo Gaalgaduud ayaa ku soo beegmaya xilli Maamulka uu u diyaargoaroobayo martigalinta doorashada golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Dalka.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo casho sharaf u sameeyay Wasiirada Caafimaadka ee heer Federaal iyo Dowlad Goboleedyada

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Gobaleedka Puntland, Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada casho sharaf ugu sameeyay Wasiirada Caafimaadka ee Heer Federaal iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Garowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland.
Waasaaraddaha caafimaadka dowlad gobaleedyada xubnaha ka ah DFS, iyo wasaaradda caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya,ayaa waxaa maalmahanba ugu socday shir ku saabsan wadatashi iyo sidii loo dardar gelin lahaa wadashaqeynta xoogan ee ka dhaxeysa wasaaradaha caafimaadka heer dowlad goboleed iyo wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya kaa oo ka socday magaala madaxda Puntland ee Garowe.

Shirkan oo ujeedkiisu ahaa sidii loo sii xoojin lahaa wadashaqeynta wasaaradda caafimaadka dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa kusoo gabogaboobay jawi qurxoon.

Dhamaan Wasiirada Caafimaadka ee heer Federaal iyo heer Dowladd gobaleed ayaa ka mahadceliyay casha sharafta iyo sida diiran ee loogu sameeyay soo dhawaynta qurux badan.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kormeeray Dekadda Kismaayo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kormeer shaqo ku tagey dekedda Kismaayo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay horumarinta iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa kormeeray habsami u socodka howlaha dekadda & qeybaha ay ka kooban tahay oo ka soconayeen shaqooyinka maalin laha ah.

Wasiirka dekedaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Maryam Aweys ayaa sheegtay in Xukuumaddu ay ku howlan tahay balaarinta iyo dib u habeynta dekedaha muhiimka ah ee dalka, si dib loogu soo noolaayo kaalintii ay ka qaadan jireen dhaqaalaha dalka.

Shirka Wadatashiga Wasaaradaha Caafimaadka Dowlad Gobaleedyada iyo Dowlada Federaalka oo maanta soo dhamaday.

Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Garowe shirka wadatashiga wasaaraddaha caafimaadka Dawladaha xubnaha ka ah dawlada federaalka iyo wasaaradda caafimaadka Xukuumada federaalka Soomaliya, shirkaan oo ay martigalisay wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa soconayay saddex maalmood waxana intii uu socday dib loogu eegay laguna lafaguray sidii la isku kaashan lahaa loona hormarin lahaa caafimaadka dalka.

Shirka waxaa maanta ku soo biiray hay’addaha caalamiga ah kuwa wadaniga ah iyo qaar kamid ah macaahidda cilmi baarista Puntland, waxaa sidoo kale qaabka Onlineka ah uga qaybgalay qaar kamid ah wakiilada wadamada taageera caafimaadka Soomaliya.

Shirka ayaa ku bilawday presentations ku saabsan qaabka diyaarinta Qorshaha iyo Istaraatiijiyadda Caafimaadka ee 3 dexaad (HSSP-III), si ay ugu qeybtaan, uguna biiriyaan fikirkooda iyo taladooda taasoo gundhig u ah shaqada ay qaban doonaan khubaradda diyaarinay Qorshaha iyo Istaraatiijiyadda Caafimaadka ee 3 dexaad (HSSP-III),Sidoo kale Xirmooyinka Caafimaadka aasaasiga ah- (EPHS), Qorshaha maalgalinta caafimaadka (IC).

Wasiirka caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan oo xiritaankii shirka ka hadlay ayaa xusay muhiimada uu lahaa shirkaan iyo in la iskaga xog waraystay qorshayaasha caafimaadka dalka, waxaa sidoo kale wax la iska weydiiyay guulaha la gaaray caqabadaha jiray shirkii kan ka horeeyay ee ka dhacay Muqdisho.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay wasiirka caafimaadka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Marwo Foosiyo Abikar iyo wasiiiradda dawlad goboleedyada kaso qaybgalkooda shirka iyo inay wax badan ku darsadeen kana go’antahay sidii si wada jir ah looga wada shaqayn lahaa caafimaadka dalka.

Wasiirka wasaraadda caafimaadka Xukuumada Federaalka Soomaliya Marwo Foosiyo Abikar Nur oo shirka soo xirtay ayaa dhankeeda xustay muhiimada shirkaan wadatashiga uu ulahaa dalka iyo shacabka Soomaliyeed, waxay dhankeeda uga mahadcelisay dadaalkii iyo garab istaagii ay sameeyeen masuuliyiinta wasaaradda iyo siday ugu fududeeyaan in shirkaani uqabsoomo sidii ugu quruxda badnaa.

Wasiirka aya hoosta ka xariiqday in shirkaan uu ka soo baxay qorshe si wadajir ah loogu hogaamin doono laguna hormarin doono caafimaadka dalka.

Waxay hay’addaha caalamiga ah iyo wadamadada ka shaqeeya ama taageera caafimaadka Soomaliya fartay inay ugu danbeeyaan wasaaraddaha caafimaadka ee dalka ka jira baahiyaha ay soo gudbiyaana ay wax kala qabtaan.

Ugu danbeyn waxay sheegtay in shirkaan midka xiga lagu qaban doono Juballand uuna martigaliyay wasiirka caafimaadka Juballand.

Ra’iisul wasaare Rooble oo gaaray magaalada Kismaayo

ILAYSKA DALKA:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Dowlad-goboleedka Jubaland

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa halkaas si diiran ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha Jubalanad Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo Jubaland waxa uu kulammo la yeelan doonaa madaxda, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jubaland oo uu kala hadli doono arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, nabadgelyada iyo horumarinta, isagoo u kuurgali doona xaaladda guud ahaan Jubaland.

Ra’iisul wasaare Rooble oo xariga ka jaray VISA Card cusub ee Bangiga IBS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xirigga ka jara adeega VISA Card cusub oo uu soo kordhiyay Bangiga IBS, kaas oo qeyb weyn ka qaadanaya horumarka Ganacsi ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey dadaallada ganacsatada Soomaaliyeed ee ku qotoma hal abuurkooda Ganacsi ee ay kusoo kordhinayaan wadankooda si ay ugu haqab tiraan baahiyaha Bulshadooda ay u qabaan waxyaabaha nolosha aysan ka maarmin asigoo xusay in Ganacsatada Soomaaliyeed ay mar walba yihiin kuwo ka fakara horumarka dalkooda.
Ra’iisul wasaaraha ayaa maamulka Bangiga IBS ku amaanay doorka ganacsi ee ay kaga jiraan dalka asigoo ku bogaadiyey adeegyada cusub ee maalinba maalinta ka dambeysa ay kusoo kordhinayaan dalkooda.

TPLF oo aqbashay Heshiis Xabbad joojin ah oo horey u diiday

Jeneraal Tsadkan Gebretensae, oo ah hoggaanka Militiriga ee TPLF, ayaa ku dhawaaqay in ay diyaar u yahiin dhaqaqn galinta xabbadjoojin heshiis lagu yahay iyo in xal siyaasadeed laga gaaro colaadda ka taagan gobolkaas.

Tsadkan oo la hadlay wakaallada wararka ee Reuters ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay ku guulaysan weyday dagaalka, haddana la joogo xilligii ay dhinacyadu geli lahaayeen wadaxaajood ku aaddan xabbad joojin buuxda si lo gaaro xal nabadeed.

“Waxaan isu xakameyneynaa si xal siyaasadeed looga gaaro mushkiladda oo dhan. Waxaan jeclahay in Beesha Caalamka ay fahanto xaaladda taagan, haddii la waayo xal kale, waxa xiga ee aan sameyneyno ayaa ah in aan arrinta ku wajahno cudud milateri,” ayuu yiri Jen. Tsadkan.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo Isniintii khudbad u jeediyay baarlamaanka Itoobiya ayaa sheegay in aan looga adkaan dagaalkii ka dhacay gobalka Tigre, balse taa bedalkeeda aad loo wiiqay awoodda TPLF, waxuu intaa ku daray in ka bixitaankii magaalada Mekelle uu ahaa mid muddo la qorsheynayay oo tashi badan ay gelisay Xukuumadda.

TPLF ayaa horay ugu gacan sayrtay xabbad joojin dhinac ah oo ay ku dhawaaqday xukuumadda uu hogaamiyo Abiy Axmed kadib markii ay ciidamadeeda kala baxday Mekelle.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo lagu wado inuu maanta safar ku gaaro Jubaland

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa inuu maanta safar ku tago Dowlad Goboleedka Jubaland.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble safarkiisa Kismaayo ayaa aad looga dareemayaa guud ahaan Dowlad Goboleedka Jubaland, safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa noqonaya kii ugu horeeyey oo uu ku tago Dowlad Goboleedka Jubaland Mudadii uu Xafiiska Joogay, isaga oo hore u booqday dhammaan maamul goboleedyada kale ee Dalka.

Sidoo kale waxa la filayaa inuu Ra’iisul Wasaaruhu dhagax dhigi doono mashaariic hormarineed oo laga hirgalin doono Jubaland.

Ra’iisal Wasaare Rooble oo masuul ka ah arrimaha Doorashooyinka dalka ayaa aad loogu ammaanay sida habsamida leh ee uu u wado hirgelinta doorashooyinka qaranka.

Taliska AFRICOM oo ku wareejiyey Gadiid dagaal Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Gadiid Dagaal kala wareegay Taliska Ciidanka maraykanka “AfRICOM” Ee Hawlgalka U joogga Soomaliya.

Gadiidkan ayaa waxa Loogu Tala galay in ay ku Hawlgalaan Ciidanka kumandooska danab ee Xoogga dalka soomaliyeed

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage aya uga mahad celiyay Taliska Mareykanka ee AFRICOM Gaadiidkan ay kusoo wareejiyeen.

Sarakiil u hadashay Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika ee AFRCOM ayaa sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo inta badan Gobolada dalka ka wada howlgallo ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.