Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo casho sharaf u sameeyay Wasiirada Caafimaadka ee heer Federaal iyo Dowlad Goboleedyada

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Gobaleedka Puntland, Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada casho sharaf ugu sameeyay Wasiirada Caafimaadka ee Heer Federaal iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Garowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland.
Waasaaraddaha caafimaadka dowlad gobaleedyada xubnaha ka ah DFS, iyo wasaaradda caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya,ayaa waxaa maalmahanba ugu socday shir ku saabsan wadatashi iyo sidii loo dardar gelin lahaa wadashaqeynta xoogan ee ka dhaxeysa wasaaradaha caafimaadka heer dowlad goboleed iyo wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya kaa oo ka socday magaala madaxda Puntland ee Garowe.

Shirkan oo ujeedkiisu ahaa sidii loo sii xoojin lahaa wadashaqeynta wasaaradda caafimaadka dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa kusoo gabogaboobay jawi qurxoon.

Dhamaan Wasiirada Caafimaadka ee heer Federaal iyo heer Dowladd gobaleed ayaa ka mahadceliyay casha sharafta iyo sida diiran ee loogu sameeyay soo dhawaynta qurux badan.