Ra’iisul wasaare Rooble oo gaaray magaalada Kismaayo

ILAYSKA DALKA:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Dowlad-goboleedka Jubaland

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa halkaas si diiran ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha Jubalanad Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo Jubaland waxa uu kulammo la yeelan doonaa madaxda, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jubaland oo uu kala hadli doono arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, nabadgelyada iyo horumarinta, isagoo u kuurgali doona xaaladda guud ahaan Jubaland.