Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole ayaa ka badbaaday Qarax loo adeegsaday gaari kaas oo lagu weeraray kolonyadda taliyaha oo marayay meel u dhaw Isbitaalka Banaadir.
Ra’iisul wasaare Rooble oo u kicitamay Garbahaareey
Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta u kicitimay degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo, halkaasi oo ka mid ah goobaha ay ka dhaceyso doorashada Kuraasta Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha oo ay ku weheliyaan Guddigii heerka Wasiir ee dib u heshiisiinta ayaa la xidhiidha geedi socodka Arrimaha Doorashada iyo xalinta khilaafka Gobolka Gedo.
Magaalada Garbahaarey ayaa laga dareemayaa soo dhawaynta Ra’iisul wasaaraha iyadoo magaalada lagu dhajiyay boorar soo dhawayn ah oo sawirada Ra’iisul wasaaraha lagu xardhay.
R/wasaaraha XFS oo Kismaayo kulan kula yeeshay Saraakiisha Ciidamada AMISOM.
Ra’iisul wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo uu la socday Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Xaaji, ayaa maanta Magaalada Kismaayo kula kulmay taliyeyaasha sare ee ciidamada Amisom qeybta 2-aad ee ka howlgala deegaannada dowlad goboleedka Jubbaland.
Ra’isul wasaaraha ayaa kala hadlay saraakiishasi arrimaha amniga doorashada iyo iskaashiga ay la leeyihiin ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.
Sidoo kale Ra’isul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha Jubbaland gaar ahaan howl-galada ka dhanka argagixisada Al shabaab ee ka socdo deegaannada Jubbaland.
Nadaafadda Deegaanka waa waajib saaran Cid kasta (warbixin)
Dadnimo wanaagsan waxaa la helaa ama ay imaan kartaa marka qof , qoys ama ummad ay garato in la dhowro deegaanka,lagana hortago wax kasta oo dhibaato u keeni kara goobaha laga fuliyo adegyada bulshada sida waddooyinka,suuqyada iyo wixii kale oo la mid ah.
Nadaafada waa aasaaska nolosha ,waana iimaanka barkii,taasoo macnaheedu yahay in dadku ay ku xisaabtamaan in mar kasta oo qashin uu deris kula yahay uu kuu dhow yahay cudurku,sidaa aawadeedna ay haboon tahay in lagu baraarugo Kahortaggu in uu ka wanaagsan yahay raadinta xalka dhibaatada.
Haddaba, maxaa sababay in dad badan ay caado ka dhigtaan in wadddooyinka iyo xaafadaha ay ku daadiyaan biyaha wasaq ah iyo qashin aad u fara badan oo ka haray waxyaabaha daruuriyaadka ah ee lagu isticmaalo guryaha iyo alaabooyinka kale ee lagu qaato adeegyada,sida bacaha iyo baakadaha ?.
Si looga fogaado nadaafad darida ay sababaan cudurada faafa,sida Mallaariyada,Tifoowga,Shubanka iyo dullinka dad ku noolka ah,Waxaa lagama marmaan ah in maamulka degmo kasta ay sameystaan ciidamo ama kooxo u howlgala wax ka qabashada qashinka iyo biyaha wasaqda ah ee lagu qubo waddooyinka xaafadaha.
Waxaa qasab ah in ay jiraan goobo loogu talagalay in la dhigo qashinka iyo diyaarintii gawaari ka qaada haraaga wasaqda,sidaa daraadeed dowladda Federaalka iyo kan gobolka waxaa looga fadhiyaa in ay ku dhaqaaqaan wax ka qabashada arimahaa.
Maaamul wanaagsan ayaa xil iska saara sidii mudnaanta loo siin lahaa fayo qabka deegaaanka ,iyadoo mar kasta xoogga la saarayo dhismaha haaman iyo booyado loogu talagaly in lagu qaado qashinka iyo biyaha wasaqda ah ee yaalla inta badaan xaafadaha magaalada Muqdisho.
Waa in la sameeyo wacyigelin joogto ah oo dadka loogu sheegayo in biyaha iyo wasaqda ay ka ilaaliyaan waddooyinka oo dayactirkooda iyo dhismahoodu ay ku baxeenlacago fara badan iyo in sidoo kale dadka lagu baraarujiyo halista nadaafad daridu ay u keento bulshada.
Sidoo kale,waxaa habbon in cid kasta ay u howlgasho qurxinta deegaanka ama goobta ay ku nool yihiin,iyadoo xoogga la saarayo gannaax lacageed oo lagu soo rogo ciddii isku dayda in ay qashin iyo biyo wasaq ah ku shubaan waddooyinka ama xaafadaha .
Waxaa farxad ah in ay socdaan dadaallo gaabis ah oo la doonayo in lagu qaado haraaga qashinka ay ka tageen biyaha roobka ee ku soo rogmaday qeybo ka mid ah waddooyinka iyo xaafadaha gobolka Banaadir.
Gabagabadii,maamulka gobolka iyo qeybaha bulshada ee degmooyinka ,waxa looga fadhiyaa in ay dib u eegis ku sameeyaan howlaha kutalagal ee horyaalla,gaar ahaan kahortagga burburka ku soo noq-noqda waddoooyinka illa hadda la dayactiray,iyadoo sidoo kale ay lama huraan tahay in wax laga qabto faafidda cudurada qatarta ah ee ka dhasha biyaha wasaqda ah ee lagu daadiyo waddooyinka iyo xaafadaha..
W/qoray Shire Xasan Kulmiye
R/wasaare Rooble oo kulan dhiiri-galin ah la qaatay Ciidanka Xoogga ee 43-aad
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay ciidamada taliska qeybta 43-aad ee ka howlgala Jubbooyinka ayaa ku boggaadiyey ciidanka difaaca dalka iyo howlgalada ay ku beegsanayaan kooxaha argagixisada.
Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlay ciidamada ayaa uga warbixiyay dadaalka dowladda iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in laga jawaabo baahiyada ay qabaan ciidamada.
R/wasaare Rooble,waxa uu ciidanka ku ammaanay guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan kooxaha Nabad-Diidka. Isagoona balan qaaday in xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siin doonto wax u qabashada ciidamada.
Ra’iisul Wasaaraha waxaa kulamada uu la qaatay ciidanka ku weheliyey Madaxweynaha Dowlad-goleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Wasiirro, Xildhibaann iyo madax heer federaal iyo dowlad-goboleed ah.
MADAXWEYNE FARMAAJO OO CASHO SHARAF KU MAAMUUSAY GUDDIGII IYO HAWL-WADEENNADII XUSKA TODDOBAADKA XORRIYADDA
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo Saynab Cabdi Macallin oo casho sharaf ku maamuusay Guddigii iyo Hawl-wadeennadii Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda, Kooxaha Qaran ee Fanka iyo Maamulka Warbaahinta Gaarka Loo Leeyahay ayaa dhammaantood uga mahad naqay kaalintii ay ku lahaayeen Munaasabadihii Xuska Toddobaadka Xorriyadda.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in maalmaha xorriyaddu ay yihiin astaan qaran oo mudan in la weyneeyo si loo xoojiyo wadajirka bulshada, ubadka Soomaaliyeedna loogu barbaariyo waddaniyad iyo dal jacayl, isaga oo Hawl-wadeennadii munaasabadda lagu casuumay ku bogaadiyey doorkoodii abaabulka, wacyi gelinta bulshada iyo baahinta Munaasabadihii Toddobaadka Xorriyadda.
“Waxaan dhammaantiin idiinka mahad celinayaa sidii quruxda badnayd ee aad uga wada qaybqaadateen Xuskii Toddobaadka Xorriyadda. Miro-dhalka dadaalkiinnii waxaa laga dareemay sidii ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu dabbaal degeen Xuskii Maalmaha Xorriyadda ee sannadkan.”
Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ku bogaadiyey sida qiimaha badan ee ay uga qayb qaateen weynaynta Xuskii Toddobaadka Xorriyadda, iyaga oo muujiyey dal jacayl iyo waddaniyad, soona bandhigay sida ay ugu faanayaan halyeeyadii naftooda u huray Gobannimada.
Munaasabaddan waxaa sidoo kale ka qayb galay, Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish, Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda Mudane Cismaan Abokor Dubbe iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda.
DHAMMAAD
Ciidanka Danab oo Gobolka Sh/Dhexe ka fuliyay howlgallo nabad sugid ah
Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska danab ayaa sakay waabarigii waxay howlgal qorsheysan ka fuliyeen tuulada lagu magacaabo jameeco jiliyaale oo ka tirsan gobolka shabeellada dhexe.
Howlgalkaasi waxaa intii uu socday ay ciidanka ku burburiyeen fariisimo ay maleesiyada Al-shabaab ku lahayeen deegaankaasi,iyagoo sidoo kale halkaas ku gubay mooto sadax lugooley ah oo kooxdaasi ay iskaga kala gooshi jireen tuulooyinka ku xeeran deegaanka.
Howlagalka oo u dhacay sidii logu tala gala waxaa goobo dhowr ah oo la baaray laga helay agab ciidan sida tuutooyin iyo qori Ak-47 .
Soomaaliya oo ka qeyb-gashay shirka Ururka Ganacsiga Aagga Xorta ah
Wasiiru-dawlaha wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha XFS mudane; Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa maye, ayaa maanta ka qeyb-galay shirkii lixaad ee ay yeeshaan wasiirrada ganacsiga dalalka Afrika ee ku bahoobay heshiiska ururka aagga ganacsiga xorta ah ee Afrika( African continental free trade area).
Shirka oo ku qabsoomay aaladda fogaan-aragga ayaa looga hadlaayay dhammeystirka heshiiska iyo sidii loo billaabi lahaa dhaqan-gelintiisa iyo siddii waddamada Afrika ay iskaashi uga sameyn lahaayeen horumarinta dhinacyada ganacsiga iyo siddii meesha looga saari lahaa caqabadaha ganacsi ee ka jira Qaaradda.
Kulanka ayaa daba socday shir hore oo agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha ganacsiga Afrika ay ku yeesheen wadanka Gana, waxaana uu heshiiskani kor u qaadi doonaa suuqyada Afrika ee ay Soomaaliya la lee dahay waddamada Qaaradda oo ay u dhoofin doonto wax-soo-saarkeeda ganacsi, iyada oo sidoo kale noqon doonta xuddun isku xirta qul-qulka ganacsi ee adeegsan doona Badweynta Hindiya.
Boliiska Gobolka Banaadir oo dhagar-qabo ka tirsanaa Al-Shabaab ku dilay degmada Kaaraan
Ciidanka Boliiska Gobolka Banaadir ayaa maanta duhurnimadii ku dilay Degmada Kaaraan xubin ka tirsanaa malleeshiyada Al-Shabaab.
Dilka ninka ka tirsanaa Argagixisada ayaa yimid markii ay kooxo hubeysan weerar ku qaadeen Askari ku sugnaa Waaxda Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan, iyagoo u geystay dhaawac fudud, waxaana dhawaqa rasaasta kusoo baxay Ciidan howl-gallo nabad sugid ah ka waday halkaas, taasi oo sababtay in goobta lagu toogto dhagar-qabaha.
Ciidanka Boliiska Gobolka Banaadir ayaa maalmahan labalaabay howlgallada lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda,iyagoo ugaarsanaya Burcadda hubeysan iyo kuwa maleega dembiyada abaabulan.
La wadaag cid kale
Madaxweynaha maamul goboleedka hir-shabeelle oo lago soo dhoweeyey Moqdisho
Madaxweynaha maamul goboleedka Hir-shabeelle Mudane Ali Guudlawe Hussein oo maalmihii lasoo dhaafay safar shaqo ku joogay wadanka Turkiga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.
Madaxwaynaha waxaa garoonka diyaaradaha Aden Cadde International Airport ku soo dhaweeyey Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble Wasiiro heer Federaal, Xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka JFS, Xubnaha Golayaasha maamulka goboleedka Hir-shabeelle Gudoomiyihii hore Gobolka Banaadir dhalinyaro Haween, qaar ka mid ah Odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan Magaalada Muqdisho.










