Boliiska Gobolka Banaadir oo dhagar-qabo ka tirsanaa Al-Shabaab ku dilay degmada Kaaraan

Ciidanka Boliiska Gobolka Banaadir ayaa maanta duhurnimadii ku dilay Degmada Kaaraan xubin ka tirsanaa malleeshiyada Al-Shabaab.

Dilka ninka ka tirsanaa Argagixisada ayaa yimid markii ay kooxo hubeysan weerar ku qaadeen Askari ku sugnaa Waaxda Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan, iyagoo u geystay dhaawac fudud, waxaana dhawaqa rasaasta kusoo baxay Ciidan howl-gallo nabad sugid ah ka waday halkaas, taasi oo sababtay in goobta lagu toogto dhagar-qabaha.

Ciidanka Boliiska Gobolka Banaadir ayaa maalmahan labalaabay howlgallada lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda,iyagoo ugaarsanaya Burcadda hubeysan iyo kuwa maleega dembiyada abaabulan.

La wadaag cid kale