Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo gaaray Buulo-barde.

Taliyaha Ciidanka Xoga dalka Genaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta gaaray dagmada Buulo-burde.

Waxaa garoonka ku soo dhaweeyay Taliye Odowaa Taliyaha Qeybta 27 General Axmed Maxamed Calasow (Tareedish) iyo taliyeyaasha qeybta 27aad ee CXD.

Ujeedka socdaalka Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa ah daah-furka Taliska qeybta 27 oo laga dhigay dagmada Buulo-burte.

Dawladda Qatar oo si kulul u cambaaraysay weerarkii lagu qaaday Taliyaha Guud ee Booliska Gobolka Banaadir

Dawladda Qatar ayaa si kulul u cambaaraysay falkii argagaxisanimo oo lala eegtay kolonyadii uu la socday Taliyaha Guud ee Booliska Gobolka Banaadir , kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.

War kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda ayey dawladda Qatar ku cambaraysay falkaas cadownimadda ah, dawladda Qatar ayaa uga tacsiyadaysay Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed dhimashadda shacabkii ku dhintay weerarka iyadoo dhaawacana u rejaysay in ay caafimaad helaan.

Xoghayaha guud ee gobolka Banaadir oo kulan la qaatay Safiirka dalka Qatar

Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xiireey Axmed Roble ayaa ku booqday Xarunta Safaaradda Qatar ay ku leedahay Caasimadda Muqdisho Danjire Hassan Hamza Asad Hashem.

Danjire Hamza iyo Xoghayaha ayaa waxa ay ka wada hadleen xoojinta dhameystirka Mashaariicda ka socda Magaaladda iyo sidii loo Horumarin lahaa Mashaariicda la filayo Mustaqbalka oo ay Safaaraddu wakiilka uga tahay Dowladda Qatar iyo dhamaan Hay’adahooda Kheyriga ah.

Kulanku wuxuu kusoo idlaaday is afgarad iyo isfaham dhamaystiran waxaana lagu balamay in la joogteeyo kulamadda noocaan ah.

Weerar Lagu Dilay Dad Shacab ah Ayaa ka dhacay Duleedka Deegaanka Saax-qurun

Weerar Lagu dilay dad Shacab ah Ayaa ka dhacay duleedka deegaanka Saax-qurun oo dhacda galbeedka Galkacyo ee Gobolka Mudug.

Weerarkaasi xalay saqdhexe dableyda hubeysani ee aan haybtooda la aqoon ay ku qaaday Qoyskaas ayaa waxa ku dhintay 2 Caruur ah iyo Aabahood oo lagu magacaabo Xasan Diiriye Cilmi Waalid, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay wiil yar oo 8 deed jir ah.

Hooyada Caruurta dhashay ayaa la sheegay inaanay goobta joogin marka uu falkaasi dhacayay. Sida uu sheegay wakiilka warbaahinta Qaranka ee Galkacyo.

Tahriibayaal ku geeriyooday shil Gaari oo ka dhacay Turkiga

Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhimatay 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii bas yar oo ay saarnaayeen Tahriibayaal sharci darro ah uu ku dhacay bariga gobolka Van ee dalka Turkiga maanta oo Axad ah.

Sida ay masuuliyiintu sheegeen, shilka ayaa ka dhacay degmada Van’s Muradiye, halkaas oo gaariga uu dab qabsaday ka dib markii uu ku dhacay god.

Kooxaha caafimaadka, dab-damiska, ciidamada amniga iyo sidoo kale shaqaale gurmad ah oo ka socda Hay’ada Maareynta Masiibooyinka iyo Maareynta Degdega ah ee Turkiga (AFAD) ayaa loo diray goobta.

Turkiga ayaa marin muhiim ah u ahaa tahriibayaasha sharci darrada ah ee ujeedkoodu yahay inay u gudbaan Yurub si ay u bilaabaan nolol cusub, gaar ahaan kuwa ka soo cararaya dagaallada iyo cadaadiska. Si kastaba ha noqotee, safaradu badanaa waxay isu rogaan dhimasho, ha ahaato safar gaaban oo Griiga loogu maro badda iyada oo la raacayo doonyo aan ammaan ahayn ama basaska yar yar iyo gawaarida xamuulka ah.

Xigasho: Daily sabah.

Madaxweynaha Turkiga oo la kulmay dhigiisa Falastiin Mahmoud Abbas

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo dhigiisa Falastiin Mahmoud Abbas ayaa kulan albaabadu u xiran yihiin ku wada yeeshay magaalada Istanbul ee dalka turkiga,kulanka ayey labada madaxweyne kaga wada hadleen isbedelka gobolka iyo talaabooyinka lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Madaxweynaha Turkig ayaa sheegay in Turkigu marna ka aamusi doonin dulmiga Israel ku hayso shacabka Falastiin,isagoo dhanka kale xusay in aanay suurto gal ahayn marnaba in nabad waarta ka dhalato gobolka inta ay sii socoto siyaasadda ku dhisan qabsashada dhulka falastiin ee Israel wado.

Shirkan labada hoggaamiye ayaa waxa goob joog ka ahaa Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu, agaasimaha isgaarsiinta Fahrettin Altun, afhayeenka madaxweynaha Ibrahim Kalin, iyo madaxa hay’adda sirdoonka qaranka Hakan Fidan.

Xigasho:anadolu.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo kormeeray taliska ciidanka Xoogga ee degmada Garbahaarey+Sawirro

Ilayska Dalka :- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqasho uu ugu kuur-geliyey baahiyaha ciidanka ku tagey xerada Ciidanka Xoogga dalka kaga sugan yihiin degmada Garbahaarey.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ku boggaadiyey ciidanka difaaca dalka iyo howlgalada ay ku beegsanayaan kooxaha argagixisada.

Guddiga doorashada Kuraasta labada Aqal ee Somaliland oo doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen+Sawirro

Ilayska dalka:-Xubnaha Guddiga Maamulaya kuraasta labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ku doortatay guddoon cusub.

Xilka guddoomiyaha guddiga waxaa loo doortay Khadar Xariir Xuseen, halka Guddoomiye Ku-xigeen loo doortay Mudane Najiib Xuseen

 

Shir looga hadlayo Horumarinta Waxbarashada Dalka oo la filayo in Garoowe uu ka furmo

Waxaa maanta magaalada Garoowe ee xarunta maamul-goboleedka Puntland gaaray wafdi ay horkacayso Guddoomiye ku xigeenka bulshada iyo wacyigalinta Gobolka banaadir.

Socdaalka Guddoomiye ku xigeenka bulshada iyo wacyigalinta Gobolka banaadir waxaa ku wehliya Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Gobolka Banadir.

Garoowe ayaa lagu wadaa in uu ka furmo shir looga hadlayo Horumarinta Waxbarashada Dalka kaa oo ay ka qeyb galayaan Masuuliyiinta Waxbarashada dowladda Federaalka iyo Maamul-goboleedyada dalka.

Shirkaan waxaa Hogaanka u haysa Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya,waxa uu na socon doonaa saddex maalmood, sida ay sheegtay Guddoomiye kuxigeenka Arimaha Bulshada Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Shakeeti.

Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan la yeeshay Guddiga Doorashooyinka Jubaland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Kismaayo kula kulmay Guddiga Doorashooyinka Jubaland isagoo kula dardaarmay in ay howsha doorashada u maamulaan si hufan oo caddaalad iyo daahfurnaan leh.

Ra’iisul Wasaaraha oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa kulamo kala duwan la yeelanayay dhinacyada ay quseyso arimaha Doorshooyinka iyo xalinta khilaafaadka Gobolka Gedo ee Jubaland.