Weerar Lagu Dilay Dad Shacab ah Ayaa ka dhacay Duleedka Deegaanka Saax-qurun

Weerar Lagu dilay dad Shacab ah Ayaa ka dhacay duleedka deegaanka Saax-qurun oo dhacda galbeedka Galkacyo ee Gobolka Mudug.

Weerarkaasi xalay saqdhexe dableyda hubeysani ee aan haybtooda la aqoon ay ku qaaday Qoyskaas ayaa waxa ku dhintay 2 Caruur ah iyo Aabahood oo lagu magacaabo Xasan Diiriye Cilmi Waalid, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay wiil yar oo 8 deed jir ah.

Hooyada Caruurta dhashay ayaa la sheegay inaanay goobta joogin marka uu falkaasi dhacayay. Sida uu sheegay wakiilka warbaahinta Qaranka ee Galkacyo.