Sidee ayey Argagixisada Alshabaab Warbaahinta ugu adeegsadaan marin habaabinta Bulshada?

Ururka Gumaadka Umadda Soomaaliyeed waxa ay xasuuq ba’an ku hayaan shacabka Soomaaliyeed. Guryaha Soomaaliyeed badankood waxaa gaaray xanuunka geerida oo ay sabab u ahaayeen Argagixisada Alshabaab, haddana wali waxaa jira dagaal yahano marin habawsan oo safafkooda ku jira, haddaba Sidee ayey Argagixisada Alshabaab u askareeyaan dagaalyahanadooda? Qaabkee ayey se dagaal yahanadaa u aaminsiiyaan fikirka Xagjirnimada iyaga oo ka indha tiraya xaqiiqada nool ee jirta?

E X Alshabaab Macalin Siciid Cabdulle Dilib oo loo yaqaan  Seerjito waxa uu ku dhashay magaalada Marko sanadku markii uu ahaa 1986, Waxbarashadiisa dugsiga hoose ilaa heer Jaamacadeed waxa uu ku qaatay Muqdisho, waxa uuna ku tkhasusay Culuumta Network Engineering.

Sanadkii 2008dii ayuu argagixisada Alshabaab kaga biiray magaalada Muqdisho, kedib markii ay arkeen horjoogayaal Xagjiriinta hogaan u ahaa aqoontiisa luuqadaha iyo Tikniloojiyadda waxa ay garteen in Macalin Siciid EX Seerjito uu qeyb ka noqdo koox cusub oo markaa ay sameynayeen taa oo ka shaqaynaysa Probogandhada iyo qurxinta fikradaha gurracan ee Gumaadka Shacabka Islaamka ah ee Soomaaliyeed. Macalin Siciid oo sharaxaya sida uu ugu biiray UGUS waxa uu yiri:-

“Markii ugu horeysay Cabdiraxmaan Cusmaan aa ila soo xiriiray, Shaqadii ugu horeysay ee uu iisoo bandhigayna waxa ay aheyd Tarjumo luuqadaha Englishka, Carabiga iyo Soomaaliga, keddibna Alifaadda. Marka intaan meeshaas joogay in aan talooyin ka geysto u keysiinta warbaahinta dhaqanka Soomaaliga oo aan adeyganso Gabayada iyo Suugaanta Soomaalida, marka maba aheyn warbaahinta mid hormarsan oo ka fekeraaya maxaa fariin ah oo aan u gudbinaa dadka? Intee u marnaa? Waa iclaamkaad aragtay oo isaga soo celceshanaysa Anaashiidda Carbeed.” Ayuu yiri.

Baraha uu Seerjito sheegayo in Argagixisadu u isticmaali jireen faafinta fikirkooda, hadda intooda badan ma shaqeeyaan, mana helaan fursado ay ku soo bandhigaan ku faanidda dhiiga Islaamka ee ay daadiyaan maaddaama dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda Caalamka ay iska kaashadeen dabar jarka shabakaadka Online-ka ah ee ay Shabaabku ku soo bandhigi jireen aragtidooda. Haddaba  dib aynu ugu laabano waayihii tagay.

Shabaabku waligood kuma aysan dhiiran jirin in ay bulshada ka soo dhex muuqdaan iyaga oo duubanaya muuqaalo ay saarayaan barahooda Internetka, marka laga reebo Xerooyinkooda tababarka oo mararka qaar ay u ekeysiiyaan tuulooyin ay dad degan yihiin, haddaba halkee ayey ka keenaan muuqaalada aadka u qaabka daran ee ay Xagjiriintooda ku tusayaan in ay u dagaalamayaan qaddiyad sax ah? Mar uu arintaa ka hadlaayayna waxa uu yiri:-“Arimahaas waxa ay isaga ekeysiiyaan warbaahinta Alqaacidda, sida Alsaxaab, Almalaaxim iyo qolooyinkaan Jasaa’ir joogo Warbaahin ay leeyihiin oo kale. Filmka in uu ka hadlo dhibaatada lagu hayo Muslimiinta, anaashiid ay gabayo ka sameeyeen oo qofka carabiga yaqaano dareenkiisa kicinayso iyo waxa ugu muhiimsan dhalinyarada dagaalamayso, kuwa xabadda ridaayo kuwa is qarxinaayo waxa ugu badan ee dhalinyarada saameynta ku yeeshay waxaas waaye.” 

Run ahaantii waa arin la yaab leh in Muuqaalo laga keenay waddamada Falastiin, Xabsiyada Israa’iil, Xabsiyada dhinacyada ku loolamaya Suuriya kedibna dadka loogu sheego in ay yihiin gudaha Soomaaliya ama Xabsiyada Dowladda ee Muqdisho. Koleey aniga, adiga iyo inta wax baratay ama ku dhex nool bulsho fiyoow ma aamini karaan waxa ay Macalin Siciid iyo dhigiisa u soo bandhigi jireen Bulshada.

Marin habaabinta Bulshada iyo u soo gudbinta fikarado aanan maan gal aheyn waa wax uu ka xishoodo wariyaha ama hay’ad Warbaahineed oo Bulshada ay ka sugeysa jawaab celinta waxa ay u soo bandhigaan balse Argagixisada Alshabaab midna ma sugaan oo waxa ay fikradahooda u soo bandhigaan sida ay iyaga doonaan iyagoonan eegayn Jawaab celinta indheer-garadka iyo aqoonyahanku ay ka keeni karaan waxa ay soo bandhigaan.

 Muuqaalada Argagixisada Alshabaab ay soo bandhigaan waxa ay diiradda ku saari jireen dadka Ajaanibta ah ee dalalkooda siyaabooyin kala duwan baxsadka uga ahaa, kuwaa oo ay ugu sheegayeen in Soomaaliya ay hoy u noqon karto Xagjiriinta Sida Abuu Mansuur Al amriiki, Saalax Nabhaan, Fowsuul Cabdalla iyo kuwo kale balse marnaba uma aysan sawirin Saaxiibadood ay kula bohoobeen daadinta dhiiga Islaamka in sida Hawdka badda Madow, daynuunaay iyo Baraawe ay ugu noqotay guri ay habeen seexdaan in ay ugu noqon karto qabuuro ay abid ku jiraan sida ku dhacday saddexdaa argagixiso ee Caalamiga ahaa ee ay Soomaaliya soo af-jartay noloshoodii ku dhisnayd burburinta iyo baadda.

Macalin Siciid Cabdullaahi Dilib waxa uu Gungaar u sheegay in samaynta warbixinada iyo muuqaalada laga soo min-guuriyay shabakaadka Xagjiriinta Caalamiga ah sida Alsaxaab, Al-kataa’ib iyo kuwa kale oo Al-qaacidda ay leedahay ay inta abdan xooga ku saari jireen soo jiidashada dadka Qurba joogta ah ee aanan war badan u hayn Nolosha Dhabta ah ee Soomaaaliya ka jirta.

Hadda waa ay soo gaba-gaboobeen adeegsiga Warbaahinta, Qalabkii Idaacadda Andalus oo aheyd warbaahintii ugu weyneyd Shabaabka, waxa uu saran yahay gaari Cabdil bille ah oo maalinba la istaajiyo mid ka mid ah tuulooyinka fara ku tiriska ah ee gacantooda ku haray banaankeed. Shabakad wax soo saarta oo shaqaale iyo xafiisyo lehna warkeedba daa. Alshabaab madaxdoodii soo duubi jiray fariimaha Gabayada, maansooyinka iyo waxyaabaha kale ee beer laxawsiga ahba leh waxa ay maanta baxsad ku yihiin geedo hoostood. Haddaba dadkii lagu marin habaabin jiray muuqaaladii gacan-ku-rimiska ahaa, maanta sidee ayey ku askareystaan?

“Hadda ree miiga ayaa lagu dhahaa caruurta keena waxbaan idin bareenaaye, haddii uu xanuunsado waa loo soo celiyaa oo mid kale keena ayaa la dhahaa. Haddii canuga uu baxsado waxaa la xiraa hooyadii, aabihiina waxaa la dhahaa soo celi canuga baxsaday, qof ay xaaskiisii xiran tahay waa uu ku qasban yahay in uu soo celiyo wiilkiisa meel walba oo uu jiraba.” Ayuu yiri.

Hadda waxa ay iskugu soo aruureen Maafiyada Shabaabku afduub, dil, goodis iyo qarxinta Bulsho Muslimiin ah oo ay ku beegsadaan siyaabooyin kala duwan. Askareynta qasabka ah ee Caruurta, dhaca xoolaha reer miiga iyo argagax gilinta Bulshada waxa ay noqotay awoodda kaliya ee ay door bidayaan Shabaab sida uu inoo sheegayo X Alshabaab Macalin Siciid.

“Hadda ismaba weydiiyaan maxaan dadka ku takfiirinaa? Maxaan kula dagaalanaa? Sideen ku wajahnaa rimaha noocaas ah? itixaadkii oo kale markii ay ku jabeen dagaalkii gedo oo kale waxa ay qaateen in ay dib dacwadii ugu noqdaan, anaga maxaa nala gudboon? Waxaas oo dhanba uma muuqato ee waa dad hamigoodu yahay maanta Xamar ayuu qarax ka dhacay, Wasiir ayaa la dilay ama qof ayaad dishay.”

 Macalin Siciid hadda waxa uu aaminsan yahay in Fikirku Shabaab uu yahay kan ugu mudan in dadku ay ka soo wada hor jeestaan oo la dagaalamaan. Haddaba, woodda Shabaab xiligan halkee ayey mareysaa?

“Alshabaab hadda waxa ay joogaan sidii xiligii Nabi Suleymaan markii uu dhintay waxa uu ku sii taagnaa ushiisii oo uu ku taagsaday, jinku waxa ay u heysteen in uu nool yahay ilaa ushii uu Aboor cunay oo ay jabtay, markaa ayey Jinkii xaqiiqsadeen dhimashadiisa. Shabaab hadda way dhinteen ee ushaa oo kale ayey ku taagsan yihiin oo loogu maleeyaa in ay nool yihiin.” Ayuu yiri.

Shabaabku waxa ay noqdeen awood jirtay, balse sii liicday oo gabalkeeda dhacay sida ku dhacday kooxdii ay ka tirsanaayeen ee Alqaacidda. Balaayaba Balaayo ayey ka cuudu bileysataaye, Waxaa bilowgii 2014kii soo ifbaxay Argagixiso kale oo la baxday Daacis, taa oo xagjiriin badan oo dareemay in Calankii Alqaacidda uu damayo Usaama Bin laaddin kedib ay u jahesteen ku biiritaankooda. Rag badan oo Argagixisada Alshabaab ahaa ayaa ka mid noqday kuwa ku biiray Daacish, taa oo dagaal ka dhex abuurtay Kooxdii shalay baaddilka ku midowday Alshabaab, waxaana ka dhex bilowday is-qaarijin iyo in ay iskuula noqdaan wixii ay Bulshada Soomaaliyeed ku hayeen.

Macalin Siciid Cabdulle Dilib waxa uu ka mid ahaa dagaal yahanadii isla xiligaaba u wareegay dhanka Daacish waxa uuna inoog war bixiyay waxa uu ku xushay Maafiyadaas labaad.

“Markaan ISIS aadaayay waxaan qaatay go’aan shaqsi ah ayaan qaatay oo ah in aan hadda keddib Jamaaco daacad u noqon, nimankaan maaddaama aan niman asxaab ah nahay waxyaabo yar-yar oo ay iga codsadeen oo aan samayn karay oo ah in aan nimankaas oo kale xiriirkooda iyo in aan u soo badbaadiyo qof oo xataa badbaadintiisa aan ajar ka helaayo, waxyaabo noocaas oo kale ah ayaan horta u sameeyay. Waana rabay in aan maqlo codkooda, manhajdkooda iyo sida ay wax yeelayaan.” Ayuu yiri.

Macalinku waxa uu si dhuumashaal uga baxsaday Alshabaab, waxa uuna u dhaqaaqay dhankaa iyo buuraha Galgala si Argagixisada Daacish uga mid noqdo, halkaa ayuuna kula kulmay Cabdiqaadir Muumin oo ah hor-joogaha Kooxdan Cusub. Kooxda Daacish ee Soomaaliya waxa ay ka faa’iidaysatay Khibraddii iyo aqoontii Macalin Siciid, balse isaga dhankiisa waxba waa ay uga siyaadi waayeen Daacish oo waxa uu u tagay Arxan laawayaasha Alshabaab oo magacii uun badashay, sida uu Gungaar u sheegay.

Shabaab iyo daaacish maxay ku kala duwan yihiin?

“Waxba kuma kala duwana oo way kala caqli badan yihiin kaliya. Shabaabku marka uu dan kaa yeesho waxa uu ku siinayaa wax walba oo u baahan tahay, waxa uuna ku dedaalayaa in aadan gacantiisa ka bixin.” Ayuu yiri.

Seerjito waxa uu aaminsanaa in Daacishta Soomaaliya ay noqonayso meel uu talo ku leeyahay maaddaama uu ka caawiyay arimo asaasi u ahaa in ay ka mid noqdaan Maafiyada Caalamiga ah ee Daacish balse waxa u uku hungoobay Rajadiisii. Shaqsiyan waxa uu aaminsan yahay in Daacish aanu xubin ka noqon balse waxa uu moog yahay in uu ka caawiyay sharciyeyntoodii ku biiritaanka Ururka Xagjirka Caalamiga ah sida uu sheegay.

Barnaamijka Gungaar ayaa fursad u siiyay in uu fariin u diro saaxiibadiisii shalay kuwaa oo wali iska indha tirayo xaqiiqada dhabta ah ee jirta, waxa uuna yiri Macalin Siciid.

“Haddii ay i maqlaayaan, waxaan leeyahay ilaahay ka baqa dadkaan muslimiinta ah ee aad dhibka ku heysaan, Jihaad na waxba kama taqaanaan, sharci illaaheyna maadan baran, Sharciga illaahay waa kaad ka xanaaqdaan marka la idiin sheego. Waxaad ka xanaaqdaan oo aad ka san taagtaan marka la idin yiraahdo war dhiiga Muslimka ah daaya, aqoonna ma lihidiin, diina ma taqaanaan, umadna wax u tari maysaane orda oo ilmihiina u xiirta”. Ayuu yiri.

Hadda Macalin Siciid waxa uu ka baxay Alshabaab, waxa uuna maray shuruucda iyo qawaaniinta dowladda Soomaaliya uga yaala Xubnaha laga soo qabto Alshabaab. Waxa uu xaqiiqsaday fikirka Xagjirka ah ee Alshabaab dhibka uu u geystay umadda iyo sida uu u ragaadinayo in talaabo loo qaado dhanka horumarka iyo nolosha.

Dhamaaad

Maxkamadda Ciidamada Oo Xukun Ku Riday Rag Dhac Ka Geystay Magaalada Muqdisho

ILAYSKA DALKA:-Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo waxaa ay xukuno kala duwan ku riday Rag lagu helay inay si farsameeysan dadka ku nool Magaalada Muqdisho u dhici jireen.

Raggan oo laba ah ayaa waxaa lagu kala Magacaabaa Cabdifitaax Cali Cumar iyo Nuur Cali Xasan, waxaana  si gaar ah Cabdifitaax Cali Cumar loogu helay in, isaga oo wata Gaari nooca raaxada ah uu si farsameeysan dadka uga dhici jiray Mobeelada, halka Nuur Cali Xasan loo heysto in uu mobeelada u iibgeyn jiray.

Cabdifitaax Cali Cumar oo qirtay dambiga lagu soo eedeeyay ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in sida farsameysan uu dadka u dhici jiray uu kasoo Min-guuriyay Filim Hindi ah oo uu daawaday, isaga oo sidoo kale soo bandhigay tirada dadka uu dhaca u geystay.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun 10-sanno oo xabsi Ciidan ku riday Cabdifitaax Cali Cumar, halka Nuur Cali Xasan isna lagu xukumay 2-sanno oo xabsi ah, sida uu ku dhawaaqa Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute

Xukunsanayaasha ayaa heysta muddo ku siman 30 Cisho oo ay racfaan qaadan karaan, sida lagu sheegay Warka kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada.

Banaanbaxyada rabshadaha wata oo ku sii baahaya dalka Koonfur Afrika

Banaanbaxyo rabshado wata ayaa kusii baahaya dalka Koonfur Afrika, kaa oo lagu dalbanaya sii deynta Madaxweynihii hore Jecob Zuma oo maalintii 5 aad xabsi ku jira.

Dadkaan ayaa boob baahsan u geystay suuqyo ku yaalla magaaloyinka Durban oo boobku ka bilowday iyo Johannesburg, waxaana barbar socday meelaha qaar oo ay dab qabadsiinayeen.

Afar muwaadinin Soomaaliyeed ayaa shaqaaqooyinkan ku naf waayey, 8 kalena waa ay ku dhaawacmeen, waxaana boob loo geystay ganacsiyo badan oo ay Soomaalidu ku leedahay magaalooyinka Durban iyo Johannesburg.

Cabsi badan ayaa soo wajahday ganacsatada Soomaaliyeed waxaana gabi ahaanba la xiray ganacsiyada ay Soomaalida ku leedahay magaalooyinka Johannesburg iyo Pretoria.

Madaxweynaha Koonfur Afrika oo ka hadlay qalalaasahan dalkiisu ka bilowday ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado, waxa uuna faray ciidamada militariga iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran inay xakameeyaan dadka rabshadaha wada.

Cismaaciil Cabdi Aadan oo ka mid ah Jaaliyadda Soomoaaliyeed ee magaalada Durban ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in cagta la mariyay ganacsiyada Soomaalida ay ku leedahay Durban iyo naxaawigeeda.

Koonfur Afrika oo ay ka mid dalalka ay Soomaalida ku badantahay ayaa sanad walba waxaa lagu dilaa muwaadiin Soomaaliyeed, iyadoo boob baahsan loo geysto hantida Ajaaniibta oo ay Soomaalida ku jirto.

Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka oo gobolka Minnesota ka bilaawday adeega bixinta Baasaboorka.

Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Washington DC ee magaalo madaxda dalka Maraykanka oo in dhawaalaba ku howlaneyd dadaallo ku aadan sidii ay u heli lahaayeen muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankaasi Mareykanka gaar ahaan Gobolka Soomaalidu ay ku badantahay ee Mennesota ayaa bilowday bixinta baasaboorrada si Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ugu fududeyso helidda adeegyada oo ay ugu horeyso helidda Bassaboorka.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Mareykanka ayaa dadaal ugu jirto sidii ay si hufan ugu adeegi lahayd shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Mareykanka si ay ugu haqab tirto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool halkaasi adeegyada ay u baahan yihiin.

Jubbaland oo soo saartay digniin ku aadan la macaamilka kooxda argagixisada Al-shabaab.

ILAYSKA DALKA:-Shir ay isugu yimaadeen Golaha Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland oo shir gudoominayey Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa looga hadlay u diyaar garowga doorashooyinka dalka.

Dowlad Gobaleedka Jubaland ayaa  digniin adag kasoo saartay la Macaamilka Argagixisada Al Shabaab, Digniinta ayaa sigaar ah u quseysa odayaasha dhaqanka oo la faray in aysan wax wadashaqeyn ah la yeelan karin Al-Shabaab xilli loo diyaargaroobayo Doorashooyinka Dalka.

Sidoo kale Shirka ayaa Waxaa lagu go’aamiyey in la joogteeyo shirarka amni ee maalinlaha ah oo ay yeeshaan Hay’addaha Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland.

 

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo la kulmay Guddiga Doorashooyinka heer maamul Goboleed ee Jubbaland

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay Guddiga Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Dowlad Goboleedka Jubaland.

Madaxweynaha Jubbaland iyo xubnaha Guddiga ayaa ka wada hadlay arrimo la xiriiro doorashooyinka iyo masuuliyadda saaran Guddiga Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbland.

Xubnaha Guddiga ayaa Madaxweynaha Jubbaland uga warbixiyey sida ay howlahooda u socdaan iyo waxyaabaha u qabsoomay Dhanka kale Madaxweynaha ayaa ku booriyay Xubnaha Guddiga in ay howsha doorashada u maamulaan si hufan oo caddaalad iyo daahfurnaan leh.

 

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo xarigga ka jaray Xarunta Taliska qeybta 27-aad ee Degmada Buula-burde

Buula-burde- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah xariga uga jaray xarunta taliska qeybta 27-aad oo si ku meel gaar ah ugu shaqeyn doona dhismihii shiirkole ee degmada Buula-burde ee gobolka Hiiran.

Muunasabada xarag jarka waxaa ka soo qeyb galay taliyaha Qeybta 27-aad taliyaha ciidamada AMISOM,  madax weyn ku-xigeenka Hirshabeelle , xildhibaano iyo maamulka gobolka Hiiraan ,kan degmada Buula burde, odayasha dhaqanka iyo marti shaqaf Kale.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo ka hadlay munaasabadda ayaa uga mahadceliyay taliyaha ciidanka xoogga dalka, maadama taliska qeybta 27-aad u gartay in ay fariisin ka dhigaan degmada Buula-burde, wuxuuna ka codsaday in cadowga laga sifeeyo deegaaanada Hirshabeelle.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka soomaliyeed Generaal Odawaa Yuusuf Raage oo soo xiray munaasabada Xarig jarka taliska qeybta 27-aad ayaa sheegay in taliska uu mas’uul ka noqon doono  dhul aad u baaxad weyn kana codsaday bulshada kudhaqan dagmada iney lashaqeyan ciidanka difaaca dalka.

Guddiga Doorashada Maamulka Hirshabeelle oo doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeen

Doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka guddiga maamulaya doorashada heer Dowlad goboleed ee maamulka Hirshabeelle ayaa maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho.

Xilka guddoomiyaha guddiga doorashada waxaa ku tartamayay Maxamed Xasan Diini iyo Aamino Cabdullaahi Cusmaan, waxaana codeyn dhacday ka dib, guddoomiyaha guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle ku guuleystay Axmed Xasan Diini, halka guddoomiye ku-xigeen loo doortay Xalliimo Maxamed Cismaan.

Munaasabadda Doorashada waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Doorashooyinka Heer Federal iyo heer maamul Goboleedyada.

Dilkii Madaxweynihii hore ee Heyti oo loo xiray Dhaqtar muhiim ah

Booliska Heyti ayaa sheegay inay xireen dhaqtar ay rumeysan yihiin inuu yahay eedeysane muhiim ah oo la tilmaamay in uu ka dambeeyay abaabulka dilkii todobaadkii hore loo geystay Madaxweyne Jovenel Moïse.

Boliiska ayaa sheegeen in Christian Emmanuel Sanon, oo ah 63 jir u dhashay Haiti, uu ku soo galay dalka diyaarad Jet ah horraantii Juun isagoo leh ujeeddooyin siyaasadeed oo gaar ah.

Dakhtarka la xiray ayaa la sheegay in uu ahaa nin dhaliila siyaasadda madaxda dowladda Heyti,waxaana uu deganaa oo uu xarun ku lahaa magaalada Florida ee dalka Mareykanka.

Madaxweynihii Heyti oo ahaa 53 jir ayaa lagu dilay gurigiisa 7dii July, waxaana dilkiisa ka dambeeyay 28 qof oo calooshood u shaqeystayaal ajnabi ah, sida ay ku warameen ciidamada Boliiska.

Xaaska madaxweynhihii hore ee Heyti ayaa ku dhaawacantay falkaasi lagu khaarajiyay Jovenel Moïse,waxaana daaweyn loola cararay dalka Mareykanka.

Madaxweyne Farmaajo oo Hambalyo u diray Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed guusha uu xisbigiisa ka gaaray doorashooyinkii baarlamanka ee dalkaas ka dhacay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay twitter-ka ku yiri “Waxaan ugu hambalyeynayaa Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed inuu sharciyad xooggan ka helay shacabka Ethiopia.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay sii wadi doonta wada-shaqeynta dowladda Ethiopia “si loo sii xoojiyey xiriirka labadeena dal si ay uga faa’iideystaan labadeena shacab iyo gobolka oo dhan.”ayaa lagu yiri qoraalka.