Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo la kulmay Guddiga Doorashooyinka heer maamul Goboleed ee Jubbaland

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay Guddiga Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Dowlad Goboleedka Jubaland.

Madaxweynaha Jubbaland iyo xubnaha Guddiga ayaa ka wada hadlay arrimo la xiriiro doorashooyinka iyo masuuliyadda saaran Guddiga Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbland.

Xubnaha Guddiga ayaa Madaxweynaha Jubbaland uga warbixiyey sida ay howlahooda u socdaan iyo waxyaabaha u qabsoomay Dhanka kale Madaxweynaha ayaa ku booriyay Xubnaha Guddiga in ay howsha doorashada u maamulaan si hufan oo caddaalad iyo daahfurnaan leh.