Jubbaland oo soo saartay digniin ku aadan la macaamilka kooxda argagixisada Al-shabaab.

ILAYSKA DALKA:-Shir ay isugu yimaadeen Golaha Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland oo shir gudoominayey Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa looga hadlay u diyaar garowga doorashooyinka dalka.

Dowlad Gobaleedka Jubaland ayaa  digniin adag kasoo saartay la Macaamilka Argagixisada Al Shabaab, Digniinta ayaa sigaar ah u quseysa odayaasha dhaqanka oo la faray in aysan wax wadashaqeyn ah la yeelan karin Al-Shabaab xilli loo diyaargaroobayo Doorashooyinka Dalka.

Sidoo kale Shirka ayaa Waxaa lagu go’aamiyey in la joogteeyo shirarka amni ee maalinlaha ah oo ay yeeshaan Hay’addaha Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland.