Guddoomiye Cumar Filish oo xarigga ka jaray Kawaanka Ansalooti ee Degmada Xamar Jajab

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xarigga ka jaray Kawaanka Ansalooti ee Degmada Xamar-jajab oo uu Maamulka Gobolka Banaadir dib-u-dhis ballaaran ku sameeyay.

Munaasabaddan xarig jarka Kawaanka Ansalooti ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Xamar-jajab iyo qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Maamulka Gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa Shacabka Degmada Xamar-jajab kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan sidii ay u ilaashan lahaayeen dib-u-dhiska lagu sameeyay Kawaanka isla markaana ay ka shaqeyn lahaayeen bilicda iyo nadaafadda, wuxuuna ballan qaaday in mashaariic kale oo horumarineed laga hirgelin doonno Degmada Xamar jajab.

Taliye Biixi oo kormeeray tuulooyin ka tirsan Gobolka Mudug

Gaalkacyo- Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi iyo Saraakiil uu hoggaaminayay ayaa kormeeray tuulada Dheghaye oo u dhaxeysa Wisil iyo Bacaadweyne gobolka Mudug.

Taliye Biixi ayaa saraakiisha iyo ciidamada halkaasi ka wada howl-gallada ka dhanka ah Argagixisada ku bogaadiyay guulaha ay kasoo hooyeen baacsiga haraadiga Al-Shabaab.

Ciidanka Xoogga qeybta 21 iyo Daraawiishta Galmudug ayaa wada qorshe malaeshiyada Argagixisada ee Al -shabaab looga saarayo Koonfurta gobolka Mudug.

Shirka madasha Garsoorka oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirka madasha garsoorayaasha, (Judges Forum) ayaa maanta ka furmay Muqdisho, kaas oo ay soo qabanqaabisay maxkamadda sare ee Soomaaliya ayaa looga hadli doonaa arrimaha caddaaladda iyo garsoorka dalka.

Guddoomiyaha maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed, oo shirka furay ayaa sheegay in kulankan uu noqon doono mid saddex bille ah oo lagu lafa-guri doono xeerarka dalka iyo caqabadaha lasoo gudboonaada horumarka garsoorka.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa shirka xeer illaaliyaha Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud, Guddoomiyaha Maxkamadda  gobolka Banaadir Cabdi Qadar Maxamed Xasan iyo Garsoorayaasha degmooyinka Gobalka Banaadir.

Ujeeddada Shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallo dib loogu habeeynayo adeegga Garsoorka si ay u noqoto madal joogto ah oo leysku dhaafsado cilmiga iyo aqoonta Garsoorka ee dalka si loo ballaariyo adeegga cadaaladda ee loo fidiyo shacabka Soomaaliyeed.

Ururka Midowga Afrika oo War ka soo saaray Rabshadaha ka socda Koonfur Afrika.

Midowga Afrika ayaa cambaareeyay rabshadaha ka socda Koonfur Afrika oo sida lasheegay ay ku dhinteen 72 qof.

Dibadbaxyada looga soo horjeedo xariga madaxweynihii hore Jacob Zuma, ayaa isu badalay bililiqo iyo burbur hantiyeed gobolada qaar.

“Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, wuxuu si adag u cambaareynayaa rabshadaha sababay dhimashada dadka rayidka ah iyo muuqaalada naxdinta leh ee dhaca hantida shacabka iyo kuwa gaarka loo leeyahay” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saareen Guddiga.

“Guddoomiyuhu wuxuu ku baaqayaa in si deg-deg ah loogu soo celiyo kala-dambayntii, nabadda iyo xasilloonida dalka iyadoo si buuxda loo ixtiraamayo ku dhaqanka sharciga,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Wuxuu sheegay in ku guuldareysiga xalinta rabshadaha ay “saameyn xun” ku yeelan doonto dalka iyo gobolka oo dhan.

Rabshadaha ka jira Koonfur Afrika oo sababay dhimashada in ka badan 72

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in dowladdu ay ka shaqeyneyso sidii loo soo afjari lahaa rabshadaha iyo bililiqada, taasoo ku faaftay gobolka uu ka soo jeedo Zuma ee KwaZulu-Natal ilaa Johannesburg, oo ah magaalada ugu weyn dalka, iyo gobolka ku xeeran ee Gauteng.

Booliska Koonfur Afrika ayaa sheegay goor dambe oo Talaadada ah in dad gaaraya 72 qof ay naftooda ku waayeen, halka in ka badan kun iyo laba boqol loo qabtay mudaaharaadyada  u xuubsiibtay bililiqo iyo gubid loo geysanayo goobo ganacsi.

Dibadbaxyadaan ayaa  ka dambeeyay xarigga usbuucii la soo dhaafay loo geystay madaxweynihii hore Zuma iyo caro badan oo ku saabsan sinaan la’aanta weli taagan 27 sano ka dib dhamaadkii midab kala sooca.

Saboolnimada iyo Shaqo la’aanta ayaa aad u saameysay dadka reer K/Afrika,iyadoo ay taasi ka sii dartay xanibaadda daran oo uu  dhaqaalaha u geystay cudurka faafa ee COVID-19.

Xukuummada Federaalka Soomaaliya oo baaq u dirtay dhigeeda South Afrika

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay muujinaysaa sida ay uga walaacsantahay rabshadaha iyo bililiqada ay burcad hubaysan ku dileen afar qof oo Soomaali ah, kuna dhaawaceen kuwa kale, kuna boobeen goobahooda ganacsi oo ku yaalla deegaanno kala duwan oo ka tirsan gobolka KwaZulu-Natal ee Koonfur Afrika intii lagu gudo jiray 72 saacadood ee la soo dhaafay.

Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa Dowladda Koonfur Afrika inay dadaal ballaaran ku bixiso ka ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed falalka arxan darrada, si loo hubiyo badbaadada noloshooda, dukaamadooda iyo ilaalinta xuquuqdooda.

Soomaaliya waxay ku faanaysaa xiriirka taariikhiga ah ee ay la leedahay dadka Koonfur Afrika intii ay ku jireen halgankii ka dhanka ahaa midab kala sooca iyo heerka ay gaarsiisneyd taageerada badan ee siyaasadeed, dhaqaale iyo istiraatiijiyadeed ee ay siisay in muddo ah.

Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan la qaatay Guddida Amniga doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Guddiga amniga doorashooyinka, kuwaas oo isugu jira Taliyeyaasha Booliiska heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed, Gobolka Banaadir iyo Taliska AMISOM.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo dardargelin lahaa howlaha horyaalla Guddiga Amniga, isla markaana ay u xaqiijn lahaayeen  hannaanka amniga ee doorashada dalka iyo goobaha ay ka dhaceyso.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xasuusiyay xubnaha guddiga amniga masuuliyadda adag ee loo xil saaray in ay u gutaan si mas’uuliyadi ku dheehan tahay.

Ra’iisul Wasaaraha  dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa leh masuuliyadda hoggaaminta hannaanka doorashooyinka, gaar ahaan kor joogteynta iyo la xisaabtanka guddiyada kala duwan ee ka shaqaynaya doorashada.

Guddiga amniga doorashooyinka ayaa Ra’iisul Wasaaraha warbixin ka siiyey shaqooyinka  ay qabanayaan ee ay ka mid tahay in  goobaha ay ka dhaceyso doorashada la geeyo ciidammo Booliis ah oo isugu jira heer Fedaraal, heer dowlad goboleed iyo Booliiska AMISOM.

Calas Axmed Xirs oo ka tirsanaa Al Shabaab ayaa isku soo dhiibey Ciidamada Booliiska Galmudug.

Dhuusamareeb- xubin ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibey ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb, kaddib markii uu xiriiro lasoo sameeyay Saraakiisha Ciidanka Boliiska ee Deegaanka Ceeldheere ee qaybta ka ah degaanada  howlgalada culus ee Alshabab looga saarayo goobaha ay  dhuumaaleysiga ku joogaan ee aaga u dhexeeya Ceeldheere iyo Ceel-lahelay.

Xubintan oo uu magaciisa Af-garashadu ahaa Careys, ayaa sheegay in uu ka tanaasulay fikirkii gurracnaa ee Argagixisada, wuxuuna codsaday in la cafiyo, haatanna uu diyaar u yahay in uu la dagaallamo Al-Shabaab.

Calas Axmed Xirsi, oo loogu yeeri jiray (Careys), ayaa sheegay in uu Al-Shabaab ugu soo baxay xasuuqa ay u geysanayaan Ummadda muslimiinta ah ee Soomaaliyeed, Dadkuna ay macna la’aan ku gowracayaan, isla maraakan uusan waxba ka qaban karin.

Calas oo iminka gacanta dowlada ku jira 7-cisho, ayaa sheegay in uu ka soo dagaallamay deegaano ka Tirsan Galmudug oo uu kooxda kala shaqeynayay.

Madaxweyne Laftagareen oo qaabilay Wafdi ka socda Qaramadda Midoobay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Qasriga Madaxtooyada kumeel gaarka u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi uu hogaaminayey Agaasimaha Taakulaynta Xafiiska Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Atul khare.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Wasiiro xildhibaano iyo masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.

Madaxweyne Laftagareen ayaa warxbixin guud ka siiyey wafdiga xaalada guud ee deegaanadda koofur galbeed , asigoo sidoo kale xusay horumaradda laga sameeyey

dhanka Arrimaha Bulshada.

Kuuma aanan guursanin inaan kula ciyaaro

Waxay is guursadeen sheeko jaceyl oo qurux badan kadib, labo todobaad markay wada joogeen ayuu ninkii u soo toosay si uu shaqo tago. Musqusha ayuu aaday si uu wajigiisa u dhaqo, muraayada ayuu ka arkay wajigiisa oo ay ka buuxaan sawiro midabyo kala duwan leh.
Xaaskiisu waxay ahayd da ’yar oo waxay lahayd qalbi aan waxba galabsan. Wejigiisa ayay ku sawirtay wadneyaal markuu hurday, waxayna u samaysay jacayl weyn oo ay u haysay, inay subaxda wada qoslaan ayay rabtay.
Ninka ayaa wejigiisa dhaqday isaga oo xanaaqsan, wuxuuna aaday jikada si uu u cabo kafeega oo ay inta badan subax walba u sameyso. Ma uusan helin kafeegii, wuuna ka sii xumaaday, wuxuuna u tegey iyadii.
Way dhoolla caddeysay, maxaa yeelay waxay is lahayd wuu kugu qosli doonaa, oo wuxuu ku odhan doonaa erayo jacayl ah.
Laakiin wuu dharbaaxay ilaa ay ka dhacday, wuuna ku qayliyay isaga oo leh: “Kuuma aanan guursan inaan kula ciyaaro, anigu waxaan ahay nin ee ma ihi ilmo yar.
 Waxaan kuu guursaday inaad samaysato qoys aad carruur ku yeelato, Ma waxaad dooneysaa inaad ku noolaato sheeko jacayl oo ku saabsan filimada iyo sheekooyinkaas aad aqriso? Toos, sheekooyinkaasi guri ma samaynayaan, cuntana kuma siinayaan, carruurna kuuma korinayaan, maantana waxaan casuumayaa saaxiibbaday qadada ee waxaan rabaa in wax walba ay diyaar noqdaan markaan soo laabto ma fahantay?
Wuu baxay wuxuuna isu arkay inuu yahay sayidka guriga. Wuxuu ka tagay iyada oo qalbi jaban, aadna u ooyaysa si fiican uma neefsan karto.
Way xanuunsan tahay oo markay ooydo waxay u dhawaataa inay suuxdo. 💔
Kadib si deg deg ah ayey u kacday si ay qadada u diyaariso, ilmaduna dhabanadeeda kama dhammaan.
Ninkii ayaa u tegey oo u sheegay saaxiibkiis wixii dhacay isagoo qoslaya: wuxuuna yidhi
” haweenka maantu Waxay u maleynayaan in guurku uu yahay jacayl jilliin ah. Tani waa sida loola dhaqmo haweenka, saaxiib, haddii kale waligeed ma baran doonto mas’uuliyadda. Ma noqonayso hooyo wanaagsan. Waa inay ogaataa in guurku uusan ahayn sida ay u aragto ama u aqriso sheekooyinka.Waxay u baahan yihiin inay bartaan in guurku aanu ahayn ciyaar ama sheeko-xariir. “
Laakiin nasiib wanaag saaxiibkiis ma uusan noqon sidiisa oo kale, umana oggolaan inuu dhammeeyo sheekadiisa, wuu joojiyay isagoo leh: “Nin caynkee ah baad tahay? Rasuulka (Naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi: “U dabacsan haweenka, waxay la mid yihiin muraayadaha indhaha”
Waa inaad si tartiib ah ula macaamishaa ood u jilicsanaataa, oo aadan qalbiyadooda  jabin. Barakada iyo Nabiga Eebbe korkiisa ha yeelee wuxuu kaloo yidhi: (Adduunyadu waa farxad ku-meel-gaadh ah, farxadda ku-meel-gaadhka ah ee ugu wanaagsan adduunyaduna waa haweenay suuban.)
Ka digtoonow waxa aad in yar ka hor ii sheegtay ee ku saabsan cunnada iyo korinta carruurta. Iyada kuma ahan qasab, laakiin u dabacsanaanta iyada waxay ka dhigeysaa inay adiga ku sii jeclaato, oo ay xamaasad kuu qaado, intaas oo dhana way sameyn doontaa adigoon u sheegin. Waa inaad ogaataa inaysan iyadu ahayn addoonkaaga. Ku soo noqo dareenkaaga saaxiib, oo u toobad keen eebbe. Kuna noqoXaaskaaga, oo iyada sharaf, hana ka murugaysiin mar dambe.
Ninkii wuxuu dareemay murugo wuxuuna ka qoomameeyay wixii uu sameeyay.
Kadib wuxuu go aansaday inuu waco xaaskiisii si uu ugu sheego inuu baajiyay casuumaadii qadada ee asxaabtiisa, isla markaana uu kalidii u diyaarinayo qado.
Telefoonkii wuu dhacay laakiin jawaab kamuu helin.
Si dhakhso ah ayuu ugu noqday guriga oo uu gambaleelka u garaacay laakiin cidna kamay jawaabin.
Wuxuuna iloobey furayaashiisii ​​subaxnimadii, maxaa yeelay wuxuu soo baxay isagoo careysan.
Si lama filaan ah ayuu telefoonkiisii ​​u soo dhacay, wuxuu ahaa xaaskiisa walaalkeed.
Xaaskiisa ayaa u wacday walaalkeed markay dareentay inaysan fiicnayn, si loogu qaado isbitaalka.
Walaalkiis xaaskiisa ayaa ku yiri: “walaal, waxaan ku jirnaa isbitaalka.”
Codkiisa waxaa ka muuqatay murugo, taas oo ku kaliftay ninka qalbigiisa inuu ku dhawaado inuu joojiyo cabsida, iyo fikirka ah in wax xun ay ku dhaceen xaaskiisa.
Wuxuu joojiyay Taksi wuxuuna aaday isbitaalka, wuxuu halkaas ku arkay xaaskiisa qoyskeeda oo dhan.
Wajiyadooda waxaa ka muuqday murugo.
Wuxuu u maleynayay inay isaga ku caroon doonaan, laakiin waxay u muuqataa inaysan ogeyn waxa dhacay.
Wuu salaamay wuuna sugay dhaqtarka.
Dhawr saacadood ka dib dhakhtarku wuxuu  soo baxay isaga oo hoos u foorara, wuxuuna ku yidhi: “Murugo iyo tiiraanyo weyn, Alle ha u naxariistee, Wadneheeda oo daciif ah ayaa naloo keenay xilli dambe.”
Qof walba wuu ooyay, gaar ahaan ninka. Wuu ka qoomamey oo wuu is eedeeyey.
Hooyadeed ayaa maydhay iyada oo isla maanta la aasay.
Fiidkii seygii ayaa gurigiisii ​​ku noqday ka dib markii uu furihii ka qaatay walaalkiis xaaskiisii ​​dhimatay.
Gurigii ayuu soo galay oo wuxuu arkay miiskii oo dedan. Daboolka ayuu ka qaaday oo wuxuu helay suxuunta ugu fiican oo macaan ka buuxo, wuxuuna arkay warqad sudhan albaabka qabooj.
W/Q:abwaan Cabdiraxmaan Fiili