Madaxweyne Laftagareen oo qaabilay Wafdi ka socda Qaramadda Midoobay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Qasriga Madaxtooyada kumeel gaarka u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi uu hogaaminayey Agaasimaha Taakulaynta Xafiiska Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Atul khare.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Wasiiro xildhibaano iyo masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.

Madaxweyne Laftagareen ayaa warxbixin guud ka siiyey wafdiga xaalada guud ee deegaanadda koofur galbeed , asigoo sidoo kale xusay horumaradda laga sameeyey

dhanka Arrimaha Bulshada.