Rabshadaha ka jira Koonfur Afrika oo sababay dhimashada in ka badan 72

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in dowladdu ay ka shaqeyneyso sidii loo soo afjari lahaa rabshadaha iyo bililiqada, taasoo ku faaftay gobolka uu ka soo jeedo Zuma ee KwaZulu-Natal ilaa Johannesburg, oo ah magaalada ugu weyn dalka, iyo gobolka ku xeeran ee Gauteng.

Booliska Koonfur Afrika ayaa sheegay goor dambe oo Talaadada ah in dad gaaraya 72 qof ay naftooda ku waayeen, halka in ka badan kun iyo laba boqol loo qabtay mudaaharaadyada  u xuubsiibtay bililiqo iyo gubid loo geysanayo goobo ganacsi.

Dibadbaxyadaan ayaa  ka dambeeyay xarigga usbuucii la soo dhaafay loo geystay madaxweynihii hore Zuma iyo caro badan oo ku saabsan sinaan la’aanta weli taagan 27 sano ka dib dhamaadkii midab kala sooca.

Saboolnimada iyo Shaqo la’aanta ayaa aad u saameysay dadka reer K/Afrika,iyadoo ay taasi ka sii dartay xanibaadda daran oo uu  dhaqaalaha u geystay cudurka faafa ee COVID-19.