Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan la qaatay Guddida Amniga doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Guddiga amniga doorashooyinka, kuwaas oo isugu jira Taliyeyaasha Booliiska heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed, Gobolka Banaadir iyo Taliska AMISOM.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo dardargelin lahaa howlaha horyaalla Guddiga Amniga, isla markaana ay u xaqiijn lahaayeen  hannaanka amniga ee doorashada dalka iyo goobaha ay ka dhaceyso.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xasuusiyay xubnaha guddiga amniga masuuliyadda adag ee loo xil saaray in ay u gutaan si mas’uuliyadi ku dheehan tahay.

Ra’iisul Wasaaraha  dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa leh masuuliyadda hoggaaminta hannaanka doorashooyinka, gaar ahaan kor joogteynta iyo la xisaabtanka guddiyada kala duwan ee ka shaqaynaya doorashada.

Guddiga amniga doorashooyinka ayaa Ra’iisul Wasaaraha warbixin ka siiyey shaqooyinka  ay qabanayaan ee ay ka mid tahay in  goobaha ay ka dhaceyso doorashada la geeyo ciidammo Booliis ah oo isugu jira heer Fedaraal, heer dowlad goboleed iyo Booliiska AMISOM.