Calas Axmed Xirs oo ka tirsanaa Al Shabaab ayaa isku soo dhiibey Ciidamada Booliiska Galmudug.

Dhuusamareeb- xubin ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibey ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb, kaddib markii uu xiriiro lasoo sameeyay Saraakiisha Ciidanka Boliiska ee Deegaanka Ceeldheere ee qaybta ka ah degaanada  howlgalada culus ee Alshabab looga saarayo goobaha ay  dhuumaaleysiga ku joogaan ee aaga u dhexeeya Ceeldheere iyo Ceel-lahelay.

Xubintan oo uu magaciisa Af-garashadu ahaa Careys, ayaa sheegay in uu ka tanaasulay fikirkii gurracnaa ee Argagixisada, wuxuuna codsaday in la cafiyo, haatanna uu diyaar u yahay in uu la dagaallamo Al-Shabaab.

Calas Axmed Xirsi, oo loogu yeeri jiray (Careys), ayaa sheegay in uu Al-Shabaab ugu soo baxay xasuuqa ay u geysanayaan Ummadda muslimiinta ah ee Soomaaliyeed, Dadkuna ay macna la’aan ku gowracayaan, isla maraakan uusan waxba ka qaban karin.

Calas oo iminka gacanta dowlada ku jira 7-cisho, ayaa sheegay in uu ka soo dagaallamay deegaano ka Tirsan Galmudug oo uu kooxda kala shaqeynayay.