Taliye Biixi oo kormeeray tuulooyin ka tirsan Gobolka Mudug

Gaalkacyo- Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi iyo Saraakiil uu hoggaaminayay ayaa kormeeray tuulada Dheghaye oo u dhaxeysa Wisil iyo Bacaadweyne gobolka Mudug.

Taliye Biixi ayaa saraakiisha iyo ciidamada halkaasi ka wada howl-gallada ka dhanka ah Argagixisada ku bogaadiyay guulaha ay kasoo hooyeen baacsiga haraadiga Al-Shabaab.

Ciidanka Xoogga qeybta 21 iyo Daraawiishta Galmudug ayaa wada qorshe malaeshiyada Argagixisada ee Al -shabaab looga saarayo Koonfurta gobolka Mudug.