Ciidanka Xoogga oo fashiliyay qaraxyo laga soo buuxiyay gaari kuwa raaxada ah

Ciidamada amniga Qaranka ee ku sugan afaafka deegaanka Bacaadweyne ee Koofurta Gobolka Mudug ayaa saaka fashiliyay weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsanayay gaari land cruiser ah oo ay argagixisada Al-shabaab doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka ku dhaqan deegaanka.

Ciidamada xoogga dalka ayaa toogtay dhagar qabihii waday gaari waxaana halkaasi ku qarxay gaarigii inau u soo gaareen halkii ay la damacsanaayeen argagixisadu

Inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday dhagar qabihii mana jiraan qasaare kale sida ay inoo sheegeen saraakiisha ciidamada xoogga dalka .

Sidoo kale ciidanka xoogga dalka,kuwa daraawiishta Galmudug iyo shacabka deegaanka oo kaashaya ayaa saakay howl-gal ka dhan argagixisada kawada deegaanno badan oo ka mid ah koofurta gobolka Mudug.

 

R/wasaare Rooble oo khadka telefonka kula hadlay dhiggiisa dalka Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo dhiggiisa Dalka Qatar Sheekh Khaalid Bin Khalifa Bin Cabdilcaziz Aala Taani, oo khadka telefoonka ku wada xiriiray ayaa ka wada hadlay xoojinta iyo horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhigiisa dalka Qatar uga warbixiyay horumarka ay dowladda ku talaabsatay ee dhinacyada Amniga iyo doorashooyinka dalka.

Wax-qabadka Booliska oo lagu soo Bandhigay Dugsiga tababarka Jeneraal kaahiye

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka qeyb galay Munaasabad lagu soo dhaweynayay Taliyeyaasha Booliska Maamul Goboleedyada dalka, laguna soo bandhigay  wax qabadka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo maanta lagu qabtay Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliiska ee Jeneraal Kaahiye.

Duqa Muqdisho ayaa ku amaanay Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir shaqada ay ka hayaan Magaalada Muqdisho iyo sida ay isaga saaraan Mas’uuliyad dheeraad ah sidi ay Magaaladaan ku noqo laheed magaalo Nabad ah.

Maamulka Gobolka Banaadir oo yeeshay kulan looga hadlayay amniga iyo wacyigelinta bulshada

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarunta Aqalka Dowladda hoose ee Xamar kulan aan caadi ahayn kula qaatay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Wakiilada Guddiga abaabulka iyo wacyigelinta Qaranka.

Kulanka ayaa looga hadlay Wecyigelinta Bulshada, Sugida Amniga Bulshada, ka hortaga Waxyaabaha Maanka dooriya iyo Bilicda Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye kuxigeenka howlaha Guud ee maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee G/Banaadir, Guddoomiyaha Guddiga abaabulka iyo wacyigelinta Qaranka iyo Agaasimeyaal ka tirsan Dowlada hoose ee Xamar.

Masuuliyiinta ka qeybgalay shirka ayaa isla gartay in Guddiyo heer kala gedisan loo xilsaaro wacyigelinta, ka hortagga mukhaadaraadka iyo sugidda amniga Shacabka, kuwaasi oo todobaadyada soo socda ka howlgali doonna Muqdisho.

Shir looga hadlayey qorshaha midaynta Manhajka Waxbarshada Dalka oo Garoowe lagu qabtay

Garoowe-Wasaaradda Waxbarashada  Dawladda Federaalka iyo Wasaaradaha waxbarashada Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka iyo Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir oo Shir muddo dhawr bari ah uga socday xarunta Wasaaradaha waxbarashada Puntland magaalada Garoowe ayna hogaaminayaan Wasiirada Waxbarashada ayaa waxaa laga soo saaray qoddobo lagu heshiiyey kuwaas oo lagu midaynayo manhajka waxabarshada dalka.

1.In la asaaso Golaha Iskaashiga iyo Wadatashiga Wasaaradaha waxbarashada.

  1. In la mideeyo qalfoofta manhajka(Curriculum Framework) loona saaro guddi farsamo midaynta Qalfoofka Manhajka( Curriculum Framework).
  2. In Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir si madax bannaan u maamushaan imtixaanka dugsiga sare, lana sameeyo guddi madax banaan oo sameeya halbeegyada Guud.
  3. In shahaadooyinka dugsiga sare laga qaato lagana bixiyo maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir loona daabacan karo hab online ah.

Shirka Madasha Garsooreyaasha oo la soo xirayo maanta

Shirkan oo shalay ka furmay magaalada Moqdisho ayaa waxa looga hadlay arrimaha Garsoorka waxaana ka qeyb galay garsooreyaasha maxkamadaha degmooyinka Gobalka Banaadir, Maxkamadda Racfaanka, Guddoomiyaha Maxkamadda Gob.Banaadir, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xeer illaaliyaha Guud ee Qaranka.

Shirkan oo uu daah-furay Guddoomiyaha Mxakamadda sare dalka Baashe Yuusuf Axmed ayey ka qeyb galayaashu kaga doodeen islamarkaana isweydaarsadeen warbixino iyo su’aalo la xiriira dembiyada dacwad fullinta.iyo falanqeyn Guud ee Garsoorka iyo cadaalad sameynta

Shirka oo maanta la soo gebo gabenayo ayaa lagu wadaa in ay ku soo biiraan mas’uuliyiinta ka socda waaxda Cadaaladda iyo Garsoorka iyagoo hadallo ka jeedin doonaan dhammaadka shirka.

Shacabka ku dhaqan tuulada Jiidow oo iska caabbiyay weerar ay ku soo qaadeen Al-shabaab

Dadka ku dhaqan tuulada Jiidoow oo hoos tagta degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa si weyn isaga caabbiyay isku day ay kooxda Al-Shabaab ku doonayeen in ay kaga qaataan xoolo sharci darro ah.

Qaar ka mid ah dadka degaankaas ayaa warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed u sheegay in ay iska caabbiyeen malleeshiyaad ka tirsanaa Argagixisada Al-Shabaab oo watay laba gaari oo Mini Bus ah, kuwaas oo doonayay in ay boobaan xoolaha ay dhaqdaan shacabka ku dhaqan Tuulada iyo nawaaxigeeda.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dadka ku dhaqan goobaha ay ku sugan yihiin ku qasba inay bixiyaan xoolo iyo lacago ay ku sheegaan Zakawaad, balse shacabka ku nool Tuulooyinka hoos taga Warsheekh iyo dhulka baaddiyaha ayaa billaabay inay iska caabbiyaan malleeshiyaadka Argagixisada, markii ay u adkaysan waayeen dhaca iyo boobka joogtada ah.

Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo Ciidanka Xoogga oo hawlgalo ka bilaabay Koonfurta Gobolka Mudug

Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa saaka Howlgalo lagu baacsanayo Argagixisada Al-Shabaab ka bilaabay Koonfurta Gobolka mudug

Ciidamada ayaa saaka ka ruqaansaday Fariisimo ay ku lahaayeen Deegaanada dhaghaye iyo Hareeri dheere halkaas oo ay Ciidanku ku lahaayeen Saldhigyo Ciidan ,Saraakiisha ayaa sheegay inay saaka Ciidanku wadaan Howlgal Argagixisada Al-shabaab looga sifaynayo Deegaanada ay ku dhuumaalaystaan ee  ka tirsan Koonfurta Gobolka mudug

Kooxda Argagixisada Al-Shabaab ayaa ka firxaday Koonfurta Gobolka mudug ka dib markii dhawaan jab xoogan kala kulmeen Dagaaladii ka dhacay Bacadweyne,Wisil iyo deegaanada ku hareeraysan oo dhamaantood Ciidamadda Dawladdu la wareegeen.

Turkiga iyo Israel oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadda

Turkiga iyo Israel ayaa ku heshiiyay in ay xoojiyaan xiriirka diblomaasiyadda ka dib markii wada hadal naadir ah oo dhanka telefoonka ku yeesheen labada madaxweyne, sida uu sheegay afhayeenka xisbiga talada haya ee AK Party.

Labada dhinac ayaa danjiriyaasha kala qaatay 2018 ka dib markii Ankara ay carro kula dhul dhacday Israel ooh ab-dhaqan aad u xun kula kacday Falastiiniyiinta degan Daanta Galbeed, iyadoo sidoo kale Israel Turkiga ku eedeysay in ay taageerto xubnaha ururka Xamaas oo maamula Jiidda Gaza.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa madaxweynaha cusub ee Israel Isaac Herzog u hambalyeeyay.

“Hanaanka ayaa soo baxay ka dib wada hadalka, kaas oo horumar lagaga gaaray arrimo dhowr ah iyo sida loo xalinayo mushkuladaha kala ee  taagan,” sidaa waxaa yiri Cumar Jelik oo ah afhayeenka xisbiga AK Party.

Waxaa uu intaas ku daray in arrinta laga wada hadlay ay kamid tahay sida uu Turkiga rabo in loo wajaho qadiyadda Falastiin, waxaa sidoo kale isla soo qaadeen, dalxiiska, ganacsiga ku saleysan wax isweydaarsi.

Ka hor wada hadalka waxaa Turkiga safar shaqo ku tagay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas. Intii uu socday wada hadalka Erdogan waxaa uu u sheegay dhigiisa Israel ahmiyadda ay gobolka u leedahay in wada hadal dhex mara labada dhinac.

Erdoğan waxaa uu ku cel celiyay taageerada uu u hayo qorshaha xalka labada dowlood oo Israel iyo Falastiin ah.

Israel ayaa had iyo jeer ku eedeysa in uu taageero xubnaha ururka Xamaas oo Israel iyo dalalka reer galbeedka ku tiriyaan urur argagaxiso.

Turkiga waxaa uu sidoo kale isku dayay in uu hagaajiyo xiriirka xumaaday oo uu la leeyahay dalalka Sacuudiga iyo Masar.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya iyo Madaxda Wasaaradaha Waxbarashada Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo Heshiis Wada gaaray.

Is-afgaradka Wasaaradda Waxbarashada ee Dawladda Federaalka iyo Wasaaradaha Waxbarashada Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shir muddo dhawr bari ah uga socday Wasaaradaha Waxbarashada Garoowe ayna hogaaminayaan Wasiirada Waxbarashada ayaa waxaa la isku afgartay qodobadaan hoos ku xusan

1. In la asaaso Golaha Iskaashiga iyo Wadatashiga Wasaaradaha Waxbarashada.

2. In la mideeyo qalfoofta manhajka (Curriculum Framework) loona saaro guddi farsamo midaynta Qalfoofka Manhajka( Curriculum Framework).

3. In Maamul Goboleed walba si madax banaan u maamusho imtixaankiisa, lana sameeyo guddi madax banaan oo sameeya halbeegyada Guud.

4. In shahaadooyinka laga qaato lagana bixiyo maamul goboleed walba loona daabacan karo hab online ah.