Shir looga hadlayey qorshaha midaynta Manhajka Waxbarshada Dalka oo Garoowe lagu qabtay

Garoowe-Wasaaradda Waxbarashada  Dawladda Federaalka iyo Wasaaradaha waxbarashada Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka iyo Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir oo Shir muddo dhawr bari ah uga socday xarunta Wasaaradaha waxbarashada Puntland magaalada Garoowe ayna hogaaminayaan Wasiirada Waxbarashada ayaa waxaa laga soo saaray qoddobo lagu heshiiyey kuwaas oo lagu midaynayo manhajka waxabarshada dalka.

1.In la asaaso Golaha Iskaashiga iyo Wadatashiga Wasaaradaha waxbarashada.

  1. In la mideeyo qalfoofta manhajka(Curriculum Framework) loona saaro guddi farsamo midaynta Qalfoofka Manhajka( Curriculum Framework).
  2. In Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir si madax bannaan u maamushaan imtixaanka dugsiga sare, lana sameeyo guddi madax banaan oo sameeya halbeegyada Guud.
  3. In shahaadooyinka dugsiga sare laga qaato lagana bixiyo maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir loona daabacan karo hab online ah.