Wax-qabadka Booliska oo lagu soo Bandhigay Dugsiga tababarka Jeneraal kaahiye

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka qeyb galay Munaasabad lagu soo dhaweynayay Taliyeyaasha Booliska Maamul Goboleedyada dalka, laguna soo bandhigay  wax qabadka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo maanta lagu qabtay Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliiska ee Jeneraal Kaahiye.

Duqa Muqdisho ayaa ku amaanay Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir shaqada ay ka hayaan Magaalada Muqdisho iyo sida ay isaga saaraan Mas’uuliyad dheeraad ah sidi ay Magaaladaan ku noqo laheed magaalo Nabad ah.