Ciidanka Xoogga oo fashiliyay qaraxyo laga soo buuxiyay gaari kuwa raaxada ah

Ciidamada amniga Qaranka ee ku sugan afaafka deegaanka Bacaadweyne ee Koofurta Gobolka Mudug ayaa saaka fashiliyay weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsanayay gaari land cruiser ah oo ay argagixisada Al-shabaab doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka ku dhaqan deegaanka.

Ciidamada xoogga dalka ayaa toogtay dhagar qabihii waday gaari waxaana halkaasi ku qarxay gaarigii inau u soo gaareen halkii ay la damacsanaayeen argagixisadu

Inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday dhagar qabihii mana jiraan qasaare kale sida ay inoo sheegeen saraakiisha ciidamada xoogga dalka .

Sidoo kale ciidanka xoogga dalka,kuwa daraawiishta Galmudug iyo shacabka deegaanka oo kaashaya ayaa saakay howl-gal ka dhan argagixisada kawada deegaanno badan oo ka mid ah koofurta gobolka Mudug.