Guddiga xalinta khilaafaadka arrimaha Gedo oo Kismaayo gaaray.

Kismaayo– Guddi Wasiiro ah oo ka kooban afar maamul-goboleed yada dalka ka tirsan ayaa maanta u ambabaxay magaaladda Kismaayo si ay u dhamaystiraan dib-u-heshiisiinta arimaha Doorashooyinka ee gobolka Gedo.

Guddigan oo uu Guddoomiye u yahay Wasiirka Arimaha Gudaha Hirshabelle caadle ayaa kulamo la qaadan doona Maamulka Jubaland, Odayaasha dhaqanka, Waxgaradka iyo Ururada Bulshada ee jubaland.

Guddigaan ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo, iyaga oo kulamo la qaadanayay masuuliyiinta iyo wax-garadka Gobolka Gedo.

 

Ciidanka Xoogga Dalka oo la wareegay Deegaannada Camaara iyo Qodqod

GALMUDUG– Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Galmudug ayaa la wareegay deegaanada Camaara. Sidoo kale Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed iyo Daraawiishta Galmudug ayaa gudaha u galay deegaanka Qod-qod oo qiyaastii 15 Km u jirta Camaara

Ciidamada ayaa saaka Howlgal ka bilaabay inta u dhaxaysa Camaara iyo Xinlabi ee Koonfurta Gobolka mudug waxaana iminka socda dagaal xooggan.

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Galmudug ayaa maalmihii la soo dhaafay hawlgalo lagu baacsanayo argagixisada ka waday deegaanada Galmudug.

 

Maxkamadda Sare ee Dalka iyo Taliska Booliska oo ka wada-hadlay xoojinta wada shaqeynta labada hay’adood

Kulan looga hadlayo xoojinta wada shaqeynta Garsoorka iyo Booliska iyo hirgalinta go’aanada ka soo baxa maxkamadaha ayaa ka furmay magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa guddoominaya Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, waxaana ka qeyb galaya Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Taliyaha ciidanka Booliska, Taliyaha Qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho xariga ka jaray jid muhiim u ah isu socodka Moqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha lagu sameeyay wadada Laamiga ee hormarta Warshada Caanaha ee Degmada Hodan.

Wadadaan oo aheyd mid bur-bur ku yimid isla markaana dhibaato xoogan oo dhanka isku socodka ah ay ku qabeen shacabka ayaa muddo kooban lagu dhisay iyadoo laga jawaabayo cabashada Shacabka.

Duqa Muqdisho ayaa kula dardaarmay Bulshada in ay ka shaqeeyaan sidii ay u ilaashan lahaayeen Dhismaha lagu sameeyay Wadadaan Laamiga ah isla markaana ay ugu shaqeyn lahaayeen Bilicda iyo Nadaafada.

Maamulka Gobolka Banaadir ee uu Hogaamiyo Guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa horey u fuliyay Mashaariicyo badan oo dib u dhis loogu sameenayo wadooyinka Laamiga ah ee Magaalada Muqdisho si ay shacabka ugu fududaato isu socodka isla markaana kaabayaasha dhaqaalaha uu dib usoo laabto iyadoona Qorshahan uu qeyb ka yahay Horumarinta iyo dib-u-dhiska Caasimada Muqdisho.

Hawlgallo lagu baacsanayo Argagixisada Al-shabaab oo ka socda Koonfurta Mudug

Galmudug- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed qeybta 21-aad ayaa hawlgalo looga sifaynayo Argagixisada Al-shabaab ka wada deegaamada Koonfurta gobolka Mudug.

Ciidanka milatariga soomaaliya iyo daraawiishta Galmudug ayaa u ruuqansaday Dhanka degaanka Camaara ee gobolka Mudug oo 7km u jirta degaanka Bacaadweyn.

Magaalada Bacaadweyn iyo Tuulooyinka ku hareeraysan ayaa gabi ahaan ba laga sifeeyey Argagixisadda Al-shabaab, hawlgaladan ayaa waxa wada jir u fulinaya Ciidanka Xoogga iyo Ciidanka Daraawiishta Galmudug.

warbixin: Mileteriga Mayanmaar oo dilay 75- caruur ah

Guddiga xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa jimcihii sheegay inay heleen macluumaad lagu kalsoonaan karo oo sheegaya in 75 carruur ah la dilay ku dhowaad kun qof oo kalana la dhigay xabsiyada Myanmar tan iyo 1-dii Febraayo.

Guddiga xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay, in shantii bilood ee la soo dhaafay mileteriga Mayanmaar ay dalka galiyeen qalalaaso siyaasadeed,taasina ay u dheer tahay xaalad deg deg ah oo uu keenay cudurka faafa ee COVID-19.

Warbixinta aya lagu yiri “Carruurta waxay la kulmaan rabshado aan kala sooc lahayn, toogasho aan kala sooc lahayn iyo xarig aan loo meel dayin maalin kasta,”.

Mudaharaadyo waawayn oo ay dhigayaan dadka Mayanmaar ayaa ka socda magaalooyinka dalkaasi,laakiin waxay la kulmeen jawaab militari oo aad u daran tan iyo afgambigii xukunka looga tuuray hogaamiyihii rayidka Aung San Suu Kyi.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo soo dhaweeyey Jadwalka doorashooyinka ee ay soo saareen Guddiga Hirgelinta doorashada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay jadwalka hannaanka doorashooyinka labada aqal ee BFS ee uu soo saaray Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT.
“Waxaan soo dhaweynayaa oo bogaadinayaa jadwalka ay shaaciyeen guddiga maamulka doorashooyinka ee heer federaal, kaas oo si faahfaahsan u qeexaya xilliyada iyo qaabka ay u dhaceyso doorashada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo dowlad-goboleedyada dalka uga mahadceliyay dadaalkooda iyo dabacsanaanta ay muujiyeen, ayaa ku boorriyay in ay ku dhaqsadaan hirgelinta qabsoomidda doorashada.
“Shacabka Soomaaliyeed waxa ay naga sugayaan doorasho nabdoon, daahfuran oo ka fog eex iyo qof jecleysi, kuna dhacda xilligii lagu heshiiyay, sidaas darteed waa in aan iska wada xilsaarnaa hirgelinta howshaas muhiimka ah, si aan dib u dhac lahayn” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble oo mar kale shacabka Soomaaliyeed uga mahad celiyay dulqaadka iyo sidii ay ugu garab istaageen dadaalladii uu hormuudka ka ahaa ee horseeday heshiiska doorashooyinka dalka.
Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa beesha caalamka uga mahadceliyay kaalintooda nabadeynta iyo dowlad dhiska Soomaaliya, waxa uuna ugu baaqay in ay taageeraan howsha hirgelinta doorashada.

Ciidanka kumandooska Danab oo dilay horjooge Al-shabaab ah

Ciidanka kumandooska danab ee xoogga dalka somaliyeed ayaa degaanka caliyoow baroow ku dilay horjooge amiir u ahaa argagixisada alshabaab laguna magacaabi jiray Nuux Dhagool ,sida warbaahinta uu u xajiiyey ku simaha taliyaha guutada 16aad ee kumaandooska danab dhame Xasan Maxamed Cismaan.

Howlgalkaan lagu dilay horjoogahaasi ayaa dhacay habeenimadii xalay ee saqdii dhexe,waxaana ninkaasi uu kooxda Al-shabaab u qaabilsanaa ururinta lacagaha baadda ah ee laga qaado shacabka .

Ujeedka hawlgaladaan ay samaynayaan ciidamada kumaandooska danab ee xoogga dalka Somaliyeed ayaa ah mid shacabka  looga badbadinayo waxa loogu yeeray sakawaadka sida baadda ah looga qaado umadda.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo Shaaciyey Jadwalka Guud ee Doorashada Baarlamaanka Labada Aqal ee JFS

Si waafaqsan mas’uuliyadda Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal (GDHF) ka saaran hirgelinta doorashooyin degdeg ah, waqtigooda ku dhaca, xor iyo xalaal ah iyo baahida loo qabo in la bilaabo geeddi-socodka doorashooyinka iyada oo laga hor tegayo dib u dhac dambe, GHDHF wuxuu shaacinayaa jadwalka ugu dambeeya ee doorashooyinka iyadoo la raacayo shaxda doorashada 29 Juun, habraacyaddii 17 Sebtember iyo 27 Maajo lagu heshiiyay oo ay si wada jir ah u wada saxiixeen dhammaan madaxda maamullada Dowlada federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaarihii Dalka Lubnaan oo iscasilay

Ra,iisel wasaaraha la magacaabay Saad Hariri ee Lubnaan ayaa xilka ka degay khamiistii kadib markii uu ku guul dareystay inuu soo dhiso dowlad sideedii bilood ee la soo dhaafay.

Xariiri ayaa iscasilay kadib kulan kooban oo uu kula qaatay Madaxweyne Michel Aoun qasriga Baabda.

Maalintii Khamiista, Xariiri wuxuu u sheegay wariyeyaasha in Madaxweyne Michel Aoun uusan aqbalin safkiisa ugu dambeeyay ee Golaha Wasiirada wax ka yar 24 saacadood ka dib markii uu saddex jeer ra’iisul wasaaraha soo gudbiyay soo jeedinta.

“Intii wadahadalku socday waxaan soo jeedinay in madaxwaynuhu qaato waqti dheeri ah si uu uga fikiro soo jeedinta, wuxuuna (Aoun) yidhi waxay umuuqataa inaynaan aqbali doonin,” ayuu Hariri usheegay wariyeyaasha kadib kulanka 20 daqiiqo.

“Sababtaas darteed ayaan uga fadhiistay dhisidda dowladda. Ilaah ha caawiyo dalkan,” ayuu raaciyay.

Bayaan uu soo saaray xafiiska madaxtooyada Lubnaan wuxuu shaki geliyay rabitaanka Xariiri ee ah inuu dhiso dowlad.