Ciidanka kumandooska Danab oo dilay horjooge Al-shabaab ah

Ciidanka kumandooska danab ee xoogga dalka somaliyeed ayaa degaanka caliyoow baroow ku dilay horjooge amiir u ahaa argagixisada alshabaab laguna magacaabi jiray Nuux Dhagool ,sida warbaahinta uu u xajiiyey ku simaha taliyaha guutada 16aad ee kumaandooska danab dhame Xasan Maxamed Cismaan.

Howlgalkaan lagu dilay horjoogahaasi ayaa dhacay habeenimadii xalay ee saqdii dhexe,waxaana ninkaasi uu kooxda Al-shabaab u qaabilsanaa ururinta lacagaha baadda ah ee laga qaado shacabka .

Ujeedka hawlgaladaan ay samaynayaan ciidamada kumaandooska danab ee xoogga dalka Somaliyeed ayaa ah mid shacabka  looga badbadinayo waxa loogu yeeray sakawaadka sida baadda ah looga qaado umadda.