Ciidanka Xoogga Dalka oo la wareegay Deegaannada Camaara iyo Qodqod

GALMUDUG– Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Galmudug ayaa la wareegay deegaanada Camaara. Sidoo kale Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed iyo Daraawiishta Galmudug ayaa gudaha u galay deegaanka Qod-qod oo qiyaastii 15 Km u jirta Camaara

Ciidamada ayaa saaka Howlgal ka bilaabay inta u dhaxaysa Camaara iyo Xinlabi ee Koonfurta Gobolka mudug waxaana iminka socda dagaal xooggan.

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Galmudug ayaa maalmihii la soo dhaafay hawlgalo lagu baacsanayo argagixisada ka waday deegaanada Galmudug.