Maxkamadda Sare ee Dalka iyo Taliska Booliska oo ka wada-hadlay xoojinta wada shaqeynta labada hay’adood

Kulan looga hadlayo xoojinta wada shaqeynta Garsoorka iyo Booliska iyo hirgalinta go’aanada ka soo baxa maxkamadaha ayaa ka furmay magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa guddoominaya Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, waxaana ka qeyb galaya Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Taliyaha ciidanka Booliska, Taliyaha Qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale.