Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shacabka gobolka Banaadir ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidda Carafo

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Hambalyo ku aaddan Ciidda Carafo u diray Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir ee Caasimadda Muqdisho.

Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa eebe ugu baryay Shacabka Gobolka Banaadir in ciidaan tan xigta ay ku gaaraan Barwaaqo, Nabad iyo Horumar. Waxaa uu sidoo kale u rajeeyay in ay farxad ku ciidaan.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidul Adxa

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa  Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay munaasabadd Ciidul Adxa oo berri ku beegan.

“Dhamaan shacuubta Islaamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo aad joogtaan waxaan rabaa inaan halkan idinkaga hambalyeeyo ciida barakeysan ee ciidul Adxa, waxaan idin leeyahay ciid wanaagsan”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay gacan isa siiyaan oo ay u kaalmeeyaan dadkooda tabaaleysan.

“Shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo aad joogtiin waxaan idinka codsanayaa inaad gacan isa siisaan, waxaad tihiin shacab wanaagsan kiina hantida leh waxaan rabaa in uu wax siiyo kiina aan waxba heysan, gaar ahaan agoonta, masaakiinta iyo dadka danyarta ah”. ayuu yiri Ra’iisul.

Wasaare Rooble ayaa hadalkiisa ku daray “in Ciidan ay ku soo aaday xilli dalka uu ku jiro doorasho, Insha Allah aniga iyo Xukuumadeyda waxaan rajeyneyna in doorashadan noogu qabsoonto si cadaalad ah, oo xaq ah oo hufnaan ah”.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ugu hambalyeeyay Shacabka Soomaaliyeed Ciidda Carafo

Guddomiyaha golaha shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman ayaa guud ahaan Ummdda Muslimiinta gaar ahaan Shacabka Soomaliyeed meelwalba oo ay joogan uga hambalyeeyey Ciida Carafo Islamarkana u rajeeyey inay farxad ku ciidaan.

Guddomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman oo ku hadlaya afka mudanayaasha golaha shacab ayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed waxaa uu ku bogaadiyey inay is garab istaagan islamarkana ay ka shaqeeyaan nabada, horumarka iyo xasiloonida dalka.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha ayaa Ummadda Soomaaliyeed u rajeeyey in sanadkan sanadkiisa ay ku gaaran nabad, horumar iyo isku duubni.

WAAXDA QORAALKA IYO WARGEYSKA OO MUNAASADDA IIDUL ADXAA UGU HAMBALYEYNEYSO DHAMMAAN UMMADDA SOOMAALIYEED

Maamulka iyo Shaqaalaha Waaxda Qoraalka iyo Wargeysyada ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska waxay Hambalyada munaasabadda Eidul Adxa awgeed udirayaan Madaxda Qaranka, Shacabka Soomaaliyeed iyo dhamaan Musliminta Caalamka meel walba oo ay Dunida ka joogaan.

Guud ahaan Maamulka iyo Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Waxay Rabbi ka baryayaan in uu dalkeena Soomaaliyeed amni nooga dhigo quluubta shacabka Soomaaliyeedna isu soo jeediyo.

Ciid Mubaarak ciidaan ciideeda kale Rabbi ha nagu gaarsiiyo  Nabad iyo Barwaaqo.

Ugu dabeyn dhamaan Muslimiinta gaar ahaan Shacab weynaha Soomaaliyeed waxaan ugu baaqeynaa in lays cafiyo la iskuna naxaristo oo masaakiinta gacanta loo taago inta lagu guda jiro maalmnaha farxadda ee Ciidda.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO UGU HAMBALYEEYAY SHACABKA SOOMAALIYEED CIIDDA CARAFO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan Ciidda Carafo u diray Shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta Caalamka ee u dabbaal-degaya farxadda Ciiddan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay fadliga ay leeyihiin maalmahan barakaysan ee Ciidda Carafo, waxa uuna ku bogaadiyey dadka Soomaaliyeed in ay is kaalmeeyaan, kana shaqeeyaan danta guud oo amnigu uu ugu horreeyo.

“Waxaan ku boorrinayaa dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan xujeyda Soomaaliyeed ee qorshaynayey sannadkan in ay gutaan rukniga xajka ay beddelkiisa ku dadaalaan bixinta sadaqada iyo kaalmaynta dadka danyarta ah oo iyaduba ka mid ah acmaasha ugu wanaagsan ee Rabbi loogu dhawaado.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa farriin iyo hambalyo gaar ah u diray Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u huraya difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay in ay sannadkan sannadkiisa ku gaaraan horumar, barwaaqo, amni iyo isku duubni, isagoona ku dhiirri-geliyey dib u dhiska dalka, xoojinta dowladnimada iyo la dagaallanka cadawga u taagan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.

Turkiga oo badbaadiyey Tahriibayaal

Markab laga leeyahay dalka Turkiga, oo ku guda jiray waajibaadkiisa kormeerka meel ka baxsan biyaha xeebaha Liibiya, ayaa soo badbaadiyey 80 tahriibeyaal ah sida ay xaqiijisay Wasaaradda Gaashaandhiggu Axaddii.

Markabkan ayaa ku dhaqaaqay markii uu helay macluumaadka muhaajiriinta iyadoo Diyaarad helicopter ah oo saaran markabka “TCG Gediz” ay durbadiiba bilowday dadaallo indha indheyn ah, Liibiya ayaa ah barta ay ka baxaan inta badan tahriibayaasha ka sii gudbaya badda halista ah ee badda Mediterranean.

Turkiga ayaa goor sii horeysay ka codsaday bulshada caalamka inay xal u helaan xididaada tahriibka isla markaana ay la wadaagaan culeyka si siman kadib markii 43 qof la waayey markii doon ay la socdeen 127 tahriibeyaal ah ay ku degtay badda Mediterranean.

xigasho: Daily sabah.

Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee XFS oo fasaxday Shaqaalaha Dowladda

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , oo ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeenaysa munaasabadda Ciidul Adhxaa ayaa  waxay ku wargalinaysaa dhammaan Shaqaalaha Dawladda iyo kuwa gaarka ah Saddex maalmood oo fasax ah oo billaabanaysa Talaadada berri.

Shaqaalaha weynaha Soomaaliyeed waxaan u rajeynaynaa inay farxad kula ciidaan qoysaskooda.

Ciidanka DF oo howlgal qorsheysan ku dilay 15-ka tirsan argagixisada Al-Shabaab

Ururka 5-aad, Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab ayaa howlgallo qorsheysan waxay ka fuliyeen deegaano argagixisada ay ku dhuumaaleysanyeen oo  ka tirsan gobolka Jubbada hoose.

Howlgalka inta uu socday ayay ciidanka Kumaandooska Danab waxay ku bur buriyeen fariisimo maleeshiyada Al-Shabaab gambaad ka dhigan jireen,islamarkaana ka abaabuli jireen falalka gurracan ee Shacabka ay ku dhibaateeyaan.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalka lagu dilay in kabadan 15-dhagar-qabe oo ka tirsan Kooxda Alshabaab.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa sii laba jibaaray howlgalada ka dhan ah argagixisada iyagoo ugu dhacaya goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

Cutubyo ka tirsan Gorgor oo dhameystay tababar militeri ayaa maanta la dhaariyey

Cutubyo ka tirsan Guutada 9-aad ee ciidamada kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gorgor ayaa maanta tababar loogu soo xiray xerada tababarrada ciidamada Soomaaliya ee Turkisom.

Munaasabad lagu dhaariyey ciidamada soo dhameystay tababarka ay ku qaateen dugsiga tababarka militeriga Soomaaliya ee TurkiSom ee magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay xeradaas.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka qeyb galay xaflada dhaarinta ciidamadaan oo qeyb ka noqonaya kumandooska xoogga Soomaaliya ee Gorgor.

Tababarro iyo tayeyn xoog leh ayaa ku socota ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya, waxayna haatan ciidamadii horay u soo dhameystay tababarrada ay gobollada dalka ka wadaan howlgallo ka dhan ah argagixisada.

Kulan looga hadlaayey xoojinta xiriirka Garsoorka iyo Booliska oo Muqdisho lagu qabtay

Kulankan oo shir guddoominayay guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, guddoomiyaha gobolka Banaadir,Taliyaha ciidanka Booliska, Taliyaha Qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirada ka dhexeeya Booliska  iyo ha’adaha Garsoorka si loo dardar galiyo fulinta awaamiirta ka soo baxda Maxkamadaha Dalka.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ayaa ugu horayn warbixin ka dhagaystay Guddiga fulinta arrimaha madaniga ah ee Maxkamada iyo saraakiisha Booliiska ee ka shaqeeya Gobolka banaadir, iyagoo soo bandhigay caqabadaha taagan ee ubaaahan in la dhaqaajiyo xalintooda

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud   ayaa Sheegay in ay muhiim tahay in hay’ad kasta ay ogaato in sharcigu  maamulo loona baahanyahay in loo hogaansamo sharciga.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Soomaaliya Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo shirka furay ayaa sheegay in Garsoorka iyo poliska ay isku tiirsanyahiin oo uuna midna midka kale la’aantii shaqo usuurto galaynin.