Madaxweyne Farmaajo oo bogaadiyay guulaha Ciidamada ay ka soo hooyeen howlgallada ka dhanka ah Argagixisada Al-Shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku bogaadiyay saraakiisha iyo ciidamada xoogga dalka guulaha ay ka soo hooyeen howlgallada ay ka wadaan gobollada dalka ee looga sifeynayo argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in geesiyaasha ciidamada qalabka sida ee u istaagay xoreynta dalka iyo ciribtirka argagixisada Al-Shabaab ay taariikhda xusi doonto, maadaama ay u soo dhabar adeegeen daroofo adag si ay u samata bixinaayn dalkooda oo ay uga dulqaadaan cadowga Ummadda Soomaaliyeed.

“Runtii aad iyo aad ayaan idinkaga mahadcelinayaa shaqada adag aad heysaan ee habeen iyo maalin, soo jeedka, dhaxanta, kaneecada iyo dagaalka joogtada ah ee aad kula jirtaan argagixisada iyo cadowga Ummadda Soomaaliyeed runtii aad baan idinkaga mahadcelineynaa, howsha aad ku jirtaan shaqo ma ahan ee waa waajibaad wata naftiina inaad u hurtaan oo aad naftiina u hibeysaan difaaca Ummaddiina, dalkiina iyo dowladnimadiina”. Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in howlgallda ciidamada qalabka sida ay ka wadaan qeybo ka mid ah Gobollada dalka laga gaaray guulo la taaban karo, waxaana uu ku booriyay inay labo jibaaraan howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO FARXADDA CIIDDA LA QAATAY CIIDANKA XOOGGA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta farxadda Ciidda Carafo la qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku dhiirri-geliyey sida nafhurnimada leh ee ay ugu taagan yihiin difaaca dalkooda iyo ilaalinta karaamada dadkooda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee u istaagay xoreynta dalka iyo ciribtirka arxanlaaweyaasha argagixisada ah ee Alshabaab ay taariikhdu xusi doonto, maadaama ay u soo dhabar adaygeen duruufo adag si ay u samatabixiyaan dalkooda.

Waxaad tihiin Ciidan Qaran oo u taagan difaaca dalka, dib u soo noolaynta dawladnimada iyo ilaalinta karaamada dadka Soomaaliyeed, waxaan idiinku hambalyeynayaa munaasabadda Ciidda Carafo iyo waajibka qaran ee aad gudaneysaan. Farxad gaar ah ayay ii tahay in aan munaasabadaha noocan oo kale ah idin la qaato madaama aad tihiin geesiyaasha aan ku faanno.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey hawlgallada socda ee ka dhanka ah argagixisada caadeystay gumaadka shacabka Soomaaliyeed, iyada oo geesiyaasha Xoogga Dalku ay guulo waaweyn ka soo hoynayaan howgallada ay ka wadaan deegaannada ay ku dhuumaalaysanayaan argagixisadu.

Duqeyn ka dhacday deegaanada Galmudug oo lala beegsaday Maleeshiyada Al-shabaab

Cabsidii ugu weyneyd ee Al-shabaab soo wajahday ayaa dhabowday. Maanta oo ay taariikhdu tahay 20ka Luulyo 11-ka barqanimo ayay duqeyn lala beegsaday Al-shabaab ka dhacday Deegaanada Dawlad Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya, taasoo lagu difaacayey geesiyada Ciidanka Kumaandooska ah Xoogga Dalka ee DANAB. Duqeynta lagu difaacayey Ciidanka wax dhibaato uma gaysan dadka rayidka ah. Ciidanka Xoogga Dalka iyo Danab way sii wadayaan dadaalada ay ka wadaan Dowlad Goboleedka Galmudug si ay uga xoreeyaan shacabka Soomaaliyeed falal xaasidnimada ee canaasiirta Al-shabaab. Haddii aynu wadajirno Al-shabaab wax uma dhimmi karaan shacabka Soomaaliyeed.

Muslimiinta dunida oo maanta u dabbaaldegay munaasabadda Ciidul Adxa

Muslimiinta adduunka oo dhan ayaa manta u dareeray gudashada ciidul Adxaa oo ah munaasabadda ciidda labaad ee ku weyn bulshada islaamka  ee caalamka.

Gudaha dalka Soomaaliya kumanaan ruux oo isugu jira shacab iyo masuuliyiin ayaa manta ka qeyb galay salaadda ciidda carafo oo lagu oogay magaalooyin badan oo ka mid ah gobolada dalka.

Dukashada salaadda ka dib,masuuliyiin iyo culima’udiin kale ayaa bulshada la wadaay hambalyada ciida carafo, waxayna bulshada ugu baaqeen in ay iscaawiyaan oo dadka masaskiinta ah laga farxiyo.

Munaasabadda ciidda labaad ee ay leeyihiin dadka muslimiinta ah ayaa sanadkii labaad ku soo beegantay,iyadoo ay jiraan cabsi iyo walaac laga qabo cudurka Conid 19,kaas oo dhaliyay in dalalka qaar ay jooojiyaan isu imaatinka goobaha dadweynaha.

WARARKA Magaalada Xuddur oo si weyn loogu dabaal dagay Maalinta Ciida Carafo

Boqolaal isugu jira shacab iyo masuuliyiinta deegaanka ayaa ka qeyb galay salaada Ciida Carafo oo lagu oogay garoonka kubada cagta Takhtar Waberi ee magaalada Xuddur.

Sanadkaan salaada ciida hal goob laguma wada tukan sidii ciidihii hore maadaama bulshada ay ku soo badanayso magaalada xuddur meelo kala duwan ayaa salaada ciida carafo lagu ksla oogay.

Masuuliyiinta iyo culimada ayaa salaada ka dib bulshada lawadaay hambalyada ciida Carafo waxayna bulshada ugu baaqeen in ay iscaawiyaan oo dadka masaskiinta ah laga farxiyo.

MAXAA LAGA BARTAY DOORASHADII DALKA EE 2017

In ka badan 180 Xildhibaan oo ku kulmay Hoteelka SYL Sanadkii 2017- ayaa balanqaad usameeyay Madaxweynahii hore Xasan sheekh Maxamuud  oo xilligaa ahaa Musharax Mar kale u taagan Xilka Madaxweynaha JFS, ayada oo ay ka muuqatay Dareenkiisa Inuu soo laaban Doona tilmaamayna in qabyo Ninkiisa dhameeys tirto,  Weedhaa oo ay qancisay Ka soo qeyb galayaal badan oo joogay goobtaas.

Cajiiib!
Balse taas mid ka duwan ayaa dhacday 8.02.2017. Si kasta oo qofka u soo saarto Xildhibaanno haddana  marka la gaaro Sanduuqa isaga siduu doono ayuu sameynayaa oo cidi ma ogo waxa uu go’aansanayo.

Sifadaan  Ayaan aheyn mid qurux badan oo inta balan qaad loo sameeyo qof haddana looga baxo, waa diin darro maadama aynu nahay dad islaama waxa inalagu yaqaan mar haddii aad balan qaado aad ka soo baxdo, Xaddiiskii Nabi Maxamed SCW, Ayaa ahaa «لا إيمان لمن لا أمانة له، ولا دين لمن لا عهد له» oo in badan  cadeynayo in iimaan la’aantu tahay  Amaano darro, Balan la’aantuna tahay  Diin darro.
Su’aashu??
Mar haddiiba sidaa yahay xaalku Soow ma wanaagsano in Xildhibaanno aqoon leh oo iimaan leh oo aakhiro ku weyn tahay Dalka iyo Dadkuna Anfacayo in la soo saaro kuluma wanaagsana Aqriye? si dalkan uu u helo  qofka ugu wanaagsan jaanis kaa oo noqon karo Midka jooga markaa ama kuwa kale kii markaa  Allaah calaf uga dhigo?.
Baddal uu Xildhibaan aan amaano lahayn ah oo aaminsan sidee baad howlahaaga gaarka ah ku hirgalin kareeysaa, sheekadiisuna tahay, waa sidee sida ugu  fudud ee aan fuud badan u dhuuqaa dalka sharciyadiisa iyo garsoorkiisa iyo cadaaladduna u caburiyaa.

Inta aan soo tilmaamay iyo in ka badan waxaa sababay wacyi la’aanta iyo tayada Aqoon la’aanta waana rajeeyn in waxa laga baran doona.

Dooroshada soo socoto ee Xilka ugu sareeyo Dalka waxa ay heysataa jaanisya badan laga joogo maanta oo taariikhdu tahay 13-07.2021 taa oo loo astay  in ay qabsoonta October-2021,  weeynu  arki doonaa sida ay wax noqdaan.

Marka aan ka hadlo Rayiga Bulshada Horumarka jecel waa run hadalkii Madaxweeynii hore ee dalka ka dib marka aynu aragnay wax qabadka dowlad wanaagga, oo Qabydu maanta ayeey ku wanaagsan tahay inuu dhameeystirtaa ninkeeda, Maadaama Afar sano  tahay waqti gaaban oo aan lagu gaari karin Wax qabad heer sare jooga, tusaale: marka aad socodkii la qabsato buu waqtigiina dhacayaa taa oo keento Caqabada badan iyo caburin badan dhanka horu socodka mana aha waqti Dalka iyo Dadkuba dan u ah oo haddii aynu aqbalnaa in afar sano ka badsanaa mudda xileedka  wax aynu gaari karnaa horumar wanaagsan.

Gunaanadka  Qormadeydu iyo ula jeedadeedu ayaa ah dowladnimadu nin ay wax ugu bilaaban yahiin waa ka fiican yahay kan aanan waxba ka Aqoon isla markaana soo arkin Garoonka Ciyaaraha iyo systemeska masaraxa.

Maadama dalkeenu dib udhis marayo marxaladahiisa, waana sababta aan ugu baaqayo in  markasta ka Wanaagsan yahay  mid ku cusub masraxa Siyaasadda in aan loo taagnaan si xal loo gaaro.
WQ: Afraax SONNA

MAALMAHA CIIDU AL-ADXAA

Umadd kasta oo caalamkaan ku noo kuwaasi oo aaminsan caqiido sidaydoonto ha’ahaate waxay leeyihiin maalmo farxadeed, umadda muslimka ah silamida sidaas waxay leeyihiin maalmo farxadeed.

Sanadkiiba labo maalmood ayay ciidaan ( Ciid AL FIDRI IYO CIID AL ADXAA) sidoo kale todobaadkiiba ah maalin ayay lee yihiin ( CIID AL USBUUC)

Maalmaha ay muslimiintu ciidan waa maalmo qiima badan kuwaasi oo ku soo aada xilliyo ay dadka muslimtiinta ah ay guteen mid ka mida waajibaadka Alle uu saaray kuwooda ugu qiimaha badan sida bisha Ramadaan soonkeeda ama marka qaar ka mida muslimiintu ay gudanayaan wajibaadka uu Alle saaray sida wajibaadka Xajka, dadka muslimka ah ee aan xajka tagin cududaar jira aawadeed waxaa iyagana laga rabaa inay farxaan oo ay ciidaan.

Ciidul-Adxaa waa mid kamida ciidaha ugu waa waayn ee umadda Islaamka ah ay lee yihiin, qof walba oo muslim ah waxaa laga rabaa inuu muujiyo shacaa’irta( astaamaha) Islaamka, ciidul Adxaa waxay kamid tahay astaamaha diinteena suuban, qof walbow ka qayb qaado farxadda muslimiinta.

Subixii adoo waxba soo cunin soo labiso dharka ugu qurxuun ee aad helikarto, ka qayb qaado jameecada salaadda sunada ah, marka aad soo laabato qal ama gowrac neef xoola ah si dadka ay u helaan farxad.

In darisku ay iska warqabaan, qof walba oo muslim ah waxaa laga rabaa inuu ka warhaayo jaarkiisa, waxaa kale oo lagaa rabaa inaad soo booqato dadka qaraabadaada ah, iskuugu hambayayn ciidul Adxaa iyo ismarxabayn ayaa la iska rabaa.

Muddo sadex bari ah salaadkasta oo waajib ah ka gadaal waxaa la iska rabaa Takbiir iyo Taxbiid, ruux walbow ka faa’iidayso maalmahaas farxadda ah.

Waxaa layaab ah oo arkee dad muslim ah oo aan sifiican ugu dabaal dagin maalmaha ciidda Islaamka hadana u dabaal dagaya ciid gaaleed oo laga yaabo inuusan aqoon waxa loola jeedo macnaheeda.

Kirismas-dheey ayaa dad badan oo muslimiin ah u dabaalgaan sanadkasta marka uu bilaabanaayo taariikhda Miilaadiyada, waxaa laga yaabaa inay aadaan xarumo dalxiis sida xeebaha iyo huteelada, waxay ku lee yihiin “Happy new year!” Cirmas-day waxaa loola jeeda maalinta uu dhashay nabi Ciise HS oo iyagu ay kawadaan Ilaah.

Marka qof walba oo muslim ah waxaa laga rabaa inuusan ku wareerin wax aan jirin, muslimiintu waxay lee yihiin maalmo ciid ah oo la yaqaan sida ciid Adxaa, ciid Fidri iyo ciid Usbuuc (Jimcaha)

WQ: Muuse Cabdinuur Maxamuud

Madaxweynaha Hirshabeelle oo munaasabadda ciidda ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka HirShabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa munaasabadda ciidul adxaa awgeed hambalyo u diray dhammaan Ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaan Bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Madaxweynaha HirShabeelle ayaa Alle uga baryay in Dadka Soomaaliyeed dambigooda uu dhaafo, waxaa uuna kula dardaarmay in ay iscafiyaan si Eebbe inoogu wada naxariisto, waxaana uu ugu baaqay Shacabka Hirshabeelle iney isku gargaaraan oo la caawiyo dadka liita.

Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa Eebe ugu baryay Shacabka Soomaaliyeed in Ciidaan tan xigta ay ku gaaraan Barwaaqo, Nabad iyo Horumar. Waxaa uu sidoo kale u rajeeyay in ay farxad ku ciidaan.

Qaramada Midoobay oo hambalyada Ciidul Adxa u dirtay dhammaan Ummadda Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan ayaa hambalyo ku aaadan muanasabadda ciidul Adxaa u diray shacabka Soomaaliyeed.

Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay dhammaan Soomaalida u rajaynayaan “Ciid Wanaagsan.”

“Hambalyo diirran oo ku aaddan Ciidul Adxaa ayaa idin kaga imaanaysa bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,” ayuu yiri James Swan, Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

“Waxaan dadka Soomaaliyeed kala qayb qaadanaynaa xuska maalintan iyo rajadooda ku aadan dib u heshiisiinta, naxariista, midnimada iyo nabadda. “Ciid Wanaagsan”

Madaxweynaha Jubbaland oo hambalyada munaasabadda Ciidda Carafo u diray Ummada Soomaaliyeed

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa guud ahaan shacabka reer Jubbaland, Ummada Soomaaliyeey iyo Muslimiinta Caalamka ugu hambalyeeyay maalmaha barakaysan ee munaasabadda ciidda carafo.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa tilmaamay in maalmahan barakaysan ay ku weyn yihiin Bulshada islaamka isla markana gudashada waajibkaadka xajka ee sanad walba maanta oo kale loo dareeri jiray uu sanadkan saamayn ku leeyahay xanuunka COVID-19.

“Maalmahan barakaysan waa maalmo ku astaysan khayrka iyo cibaadada, iyadoo dadka Muslimiinta ah ay ku jiraan gudashada waajibaadka Xajka, inkastoo sannadkan uu saamayn ku yeeshay dadweyne kala duwan oo tagi lahaa xajka xanuunka COVID-19 oo wali caalamka ka jira” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in la garab istaago Shacabka Soomaaliyeed ee tabaalaysan isla markana farxada maalmahan barakaysan lala qeybsado.

“Waxaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in maalmahan barakaysan aan uga faa’iidaysano caawinta dadkeena taagta daran iyo kuwa aan awoodin inay sidii la rabay ugu dabaal dagaan maalmahan barakaysan” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

 

CIID WANAAGSAN