Muslimiinta dunida oo maanta u dabbaaldegay munaasabadda Ciidul Adxa

Muslimiinta adduunka oo dhan ayaa manta u dareeray gudashada ciidul Adxaa oo ah munaasabadda ciidda labaad ee ku weyn bulshada islaamka  ee caalamka.

Gudaha dalka Soomaaliya kumanaan ruux oo isugu jira shacab iyo masuuliyiin ayaa manta ka qeyb galay salaadda ciidda carafo oo lagu oogay magaalooyin badan oo ka mid ah gobolada dalka.

Dukashada salaadda ka dib,masuuliyiin iyo culima’udiin kale ayaa bulshada la wadaay hambalyada ciida carafo, waxayna bulshada ugu baaqeen in ay iscaawiyaan oo dadka masaskiinta ah laga farxiyo.

Munaasabadda ciidda labaad ee ay leeyihiin dadka muslimiinta ah ayaa sanadkii labaad ku soo beegantay,iyadoo ay jiraan cabsi iyo walaac laga qabo cudurka Conid 19,kaas oo dhaliyay in dalalka qaar ay jooojiyaan isu imaatinka goobaha dadweynaha.