Madaxweynaha Hirshabeelle oo munaasabadda ciidda ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka HirShabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa munaasabadda ciidul adxaa awgeed hambalyo u diray dhammaan Ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaan Bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Madaxweynaha HirShabeelle ayaa Alle uga baryay in Dadka Soomaaliyeed dambigooda uu dhaafo, waxaa uuna kula dardaarmay in ay iscafiyaan si Eebbe inoogu wada naxariisto, waxaana uu ugu baaqay Shacabka Hirshabeelle iney isku gargaaraan oo la caawiyo dadka liita.

Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa Eebe ugu baryay Shacabka Soomaaliyeed in Ciidaan tan xigta ay ku gaaraan Barwaaqo, Nabad iyo Horumar. Waxaa uu sidoo kale u rajeeyay in ay farxad ku ciidaan.