Madaxweyne Farmaajo oo bogaadiyay guulaha Ciidamada ay ka soo hooyeen howlgallada ka dhanka ah Argagixisada Al-Shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku bogaadiyay saraakiisha iyo ciidamada xoogga dalka guulaha ay ka soo hooyeen howlgallada ay ka wadaan gobollada dalka ee looga sifeynayo argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in geesiyaasha ciidamada qalabka sida ee u istaagay xoreynta dalka iyo ciribtirka argagixisada Al-Shabaab ay taariikhda xusi doonto, maadaama ay u soo dhabar adeegeen daroofo adag si ay u samata bixinaayn dalkooda oo ay uga dulqaadaan cadowga Ummadda Soomaaliyeed.

“Runtii aad iyo aad ayaan idinkaga mahadcelinayaa shaqada adag aad heysaan ee habeen iyo maalin, soo jeedka, dhaxanta, kaneecada iyo dagaalka joogtada ah ee aad kula jirtaan argagixisada iyo cadowga Ummadda Soomaaliyeed runtii aad baan idinkaga mahadcelineynaa, howsha aad ku jirtaan shaqo ma ahan ee waa waajibaad wata naftiina inaad u hurtaan oo aad naftiina u hibeysaan difaaca Ummaddiina, dalkiina iyo dowladnimadiina”. Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in howlgallda ciidamada qalabka sida ay ka wadaan qeybo ka mid ah Gobollada dalka laga gaaray guulo la taaban karo, waxaana uu ku booriyay inay labo jibaaraan howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.