Duqeyn ka dhacday deegaanada Galmudug oo lala beegsaday Maleeshiyada Al-shabaab

Cabsidii ugu weyneyd ee Al-shabaab soo wajahday ayaa dhabowday. Maanta oo ay taariikhdu tahay 20ka Luulyo 11-ka barqanimo ayay duqeyn lala beegsaday Al-shabaab ka dhacday Deegaanada Dawlad Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya, taasoo lagu difaacayey geesiyada Ciidanka Kumaandooska ah Xoogga Dalka ee DANAB. Duqeynta lagu difaacayey Ciidanka wax dhibaato uma gaysan dadka rayidka ah. Ciidanka Xoogga Dalka iyo Danab way sii wadayaan dadaalada ay ka wadaan Dowlad Goboleedka Galmudug si ay uga xoreeyaan shacabka Soomaaliyeed falal xaasidnimada ee canaasiirta Al-shabaab. Haddii aynu wadajirno Al-shabaab wax uma dhimmi karaan shacabka Soomaaliyeed.