Bulshada Dhuusamareeb oo ciidamada ugu deeqay daawooyin samofal ah

Maamulka Galmudug iyo taliska ciidamada Xoogga ee ku sugan halkaasi,ayaa la wareehay daawooyin samofal ah oo ay ku deeqeen bulshada ku dhaqan degmada Dhuusamareeb.

Daawooyinkaan oo ah kuwo loogu talagalay ciidamada,waxaa lageeyay furimaha hore ee bariga gobolka mudug ,iyadoo kaalmadaasi daawada ah ay ku deeqeen bulshada ku dhaqan degmada Dhuusamareeb oo uu hor kacayay Dr. mahad Cabdulaahi Shiine .

Guddoonsinta daawooyinkaan,waxaa ka mahad celiyay taliyaha Ciidanka dhulka ee Xoogga dalka, wasiirka amniga Galmudug iyo saraakiisha kale ee talisyada kala duwan ee Ciidamada .

Dhinaca kale laba gantaal oo kuwa diyaaradaha ah ayaa lagu duqeeyey goobo ay Al-shabaab ka joogeen gobolkaasi, waxaana hadda horey u sii durkaya ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug.

R/wasaare Rooble oo kulan casho ah la qaatay Guddiga Doorashooyinka ee heer federaal

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magalada Muqdisho kulan casho sharaf ah ugu sameeyay Guddiga Doorashooyinka heer ee federal.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa Guddiga ku bogaadiyey dadaalka iyo hannaanka shaqo ee ay u wadaan howlaha  ku saabsan doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ,waxa uu kula dardaarmay guddigaasi in ay doorashada u maamulaan si daahfuran oo ka fog eex iyo qof jecleysi.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ahna Wasiirka Difaaca Ireland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ahna Wasiirka Difaaca dalka Ireland Simon Coveney oo maanta booqasho ku yimid Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga iyo xoojinta xariirka ladabada dowladood iyo joogteynta taageerada Midowga Yurub ee Ireland xubinta ka tahay, arrimaha doorashooyinka, taageerada amniga iyo Tageerada arragtida Soomaaliya ee ku aaddan dib u eegista Ciidanka AMISOM, Dib u eegista Xayiraadda Hubka ee muddada dheer saaran Soomaaliya, maadaama ay xubin ka yihiin golaha amniga ee Qaramada Midoobay.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo dowladda Ireland uga mahad celiyay taageereeda joogtada ah ee dib-u-dhiska iyo kobcinta dowladnimada Soomaaliya, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’antay xoojinta xiriirka ku qotoma iskaashi.

Wasiirka arrimaha Dibedda Ahna Wasiirka Difaaca Ireland Simon Coveney oo ka mahad celiyay soo dhaweynta ballaaran ayaa bogaadiyay horumarka ay dowladdu ka gaartay arrimaha doorashooyinka, amniga iyo hannaanka dowlad dhisidda Soomaaliya.

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo shaacisay natiijada Imtixaanka dugsiyada sare

Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare DFS ayaa ku dhawaaqday Natiijada Imtixaanka Sanad Dugsiyeedka 2020-2021, waxaana ka qeyb galay Sanadkaan 34908 arday oo ku kala sugan goboladda dalka iyo Caasimadda Muqdishu.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo tacliinta XFS Mudane Xildhibaan Cabdullahi Abuukar Xaaji ayaa sheegay in ay Wasaaradda Waxbarshadda masuuliyad iska saari doonto sidii loo hubin lahaay tayadda iskuuladda bixiya Waxbarshadda Dugsiga Sare sidoo kale wasiirku waxaa uu sheegay in laga bilaabo Sanadka 2021-2022 albaababadda la isagu dhufan doono iskuuladda bixiya fasalka 3aad iyo Fasalka 4aad ee Dugsiga Sare ee aanan laheyn Dugsi Sare oo rasmi ah.

Dhanka kale Wasiir Cabdullahi Carab ayaa sheegay in sii wadan karaan iskuulada Hoose, Dhexe koorsooyinka lagu dhisayo dadka ay kala wayntahay da’adooda iyo waxbarshadooda.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashadda Mudane Maxamed Caabi Xasan oo ka hadlay goobta Imtixaanka lagu soo bandhigayay ayaa u mahad celiyay ardayda ka mira dhaliyay Da’daalkoodi iyo kuwa kaalimaha hore galayna ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay  siin doonaan deeq waxbarsho oo ah heer jaamacadeed.

Agaasimaha wasaarada waxbarashada  ayaa ku dhiiri geliyay ardayda aysan u suurta gelin in ay ka gudbaan imtixaanka in aysan niyad jebin wakhtigii dheeraa oo ay wax soo barteen eyan ugu harin hal sano oo ay Imtixaan ka gudbi waayeen.

Wasaaradda Waxbarshadda ayaa Imtixaanka mideysan qaadeysa Sanadkii 7 aad oo xariir ah waxaana nasiib u yeeshay sandkaan in ay ka gudbaan Imtixaanka Qaranka arday gaareysa 30262 oo u dhiganta 87% halka ay dhaceen 4646 una dhiganta 13% waxaa nasiib wanaag ah in ay baaseen ardaydii ugu badneynd 3sano ee lasoo dhaafay.

Lifaaqa Hoose Ka akhriso War-Saxaafadeedka.

Guddoomiye Cumar filish oo kormeeray goobihii ay waxyeelleeyeen Roobabka ka da’aya Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa  kormeer ku tagay qaar ka mid ah xaafadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Waddooyinka waaweyn ee dhex mara Caasimadda xilli lagu guda jiro Maalintii 3aad ee Ciidul Adxa isla markaana Magaalada ay ka da’ayaan Roobab xagaa ah.

Duqa Muqdisho ayaa u kuur galay goobaha Roobabka uu biyo dhigay iyo bullaacadaha qaada biyaha, wuxuuna faray Agaasinka Bullaacadaha iyo Agaasinka guud ee bilicda iyo nadaafadda in la dar-dar geliyo howlaha biyo qaadista iyo nadaafadda Caasimadda Muqdisho.

Maalmihii u danbeeyay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka da’ayay Roobab xagaa ah iyadoo ay waaxyaha kala gedisan ee Maamulka Gobolka Banaadir ku mashquulsan yihiin sidii bilicda iyo Biyaha Roobka uu dhigay Magaalada wax looga qaban lahaa.

Ra’iisul wasaaraha dalka oo la kulmay kuxigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Aqalka sare

Ra’isul Wasaaraha XFS  Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan ku qabsoomay jawi wanaagsan oo ku saabsan arrimaha doorashada kuraasta Gobollada Woqooyi xafiiskiisa kula yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare  ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi  iyo Ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed

Wadatashi iyo gorfeyn ka dib waxaa la isla gartay in Guddoomiye Cabdi Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare  ku-xigeenku muddo kooban xal uga soo gaaraan kala aragti duwanaashahooda arrimaha doorashooyinka si ay u qabsoonto doorashada xubnaha labada Aqal ee gobollada Waqooyi.

Madaxweynaha Galmudug oo gaaray degaanka Qaycad

Samareeb-Madaxwaynaha maamul goboleedka Galmudug mudane, Axmed Cabdi Kaariye “QoorQoor” ayaa goordhow gaaray degaanka Qaycad oo ka mid ah furimaha hore ee ay saakay Ciidamada qalabka sida ee Galmudug kala wareegeen Argagaxisada Al-Shabaab.

Madaxweyne Qoor-qoor oo qayb ka ah hoggaaminta dagaalka ayaa horseed u noqonaya howlgallada ka dhanka ah kooxda nabad-diidka ah ee Al-Shabaab.

Howlgallada lagu baacsanayo haraadiga Argagixisada Al-shabaab ayuu ujeedkoodu yahay in malleeshiyada lagaga sifeeyo magaalo xeebeedka Xarardheere ee Gobolka Mudug iyo degaannada kale ee ay firxadka ku joogaan.

Wasiirka difaaca Soomaaliya oo Muqdisho kusoo dhoweeyay dhiggiisa dalka Ireland

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji oo uu Welhiyo Wasiirka arrimaha dibedda XFS Maxamed Cabdirisaaq ayaa waxay Muqdisho kusoo dhaweeyeen Wasiirka Wasaaradda difaaca iyo arrimaha dibedda dalka Ireland Simon Coveney TD iyo xubno kale oo la socday.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji iyo Wasiirka Gaashaandhigga iyo arrimaha dibedda Ireland ayaa si wadajir ah salaan ugu qaatay cutubyo ka tirsam Ciidanka xoogga Dalka oo u garaacay astamaha labada dowladood.

Sidoo kale Garoonka Diyaaradaha waxaa ku sugnaa oo soo dhaweynta Wafdigan qeyb ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Maxamed Saciid Samatar,Saraakiil ka tirsan XDS iyo Xubno kale .

R/wasaare Rooble oo ka hadlay qodobbo muhiim u ah dooorashooyinka dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay isu safri karaan meelkasta oo ay ka joogaan dalka gudihiisa.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la hadlay Guddiga dib u heshiisiinta Gobolka Gedo ayaa yiri “Muwaadinka Soomaaliyeed ee musharaxa ah waxa uu xaq u leeyahay in la dhowro xaquuqdiisa muwaadinimo, in la dhowro fekirkiisa, in uu xaq u leeyahay in magaalada uu rabo uu ka safro midda uu rabana u safro, waxaan farayaa hay’adaha socdaalka, waxaan farayaa hay’adaha amniga, booliska iyo NISA, warar badan baa i soo gaaray oo ah in dad la celiyay oo meelo kala duwan laga celiyay, uma dulqaadan dooni, qoftii ku soo baxdana falkaas talaabo sharci ah ayaa laga qaadayaa”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay inaan la celin karin diyaarad rakaab sida oo u socoto magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaareey ama ka imaaneysa, isagoo faray hay’adda duulista Hawada ee Soomaaliya inay la soo wadaan wixii caqabad ah ee la xiriirta diyaarad la celiyay, si looga qaado tallaaho sharciga waafaqsan.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka dalbaday guddiga inay dabagal ku sameeyeen oo ay korjoogteeyaan hirgelinta waxyaabaha ka qabsoomay qodobada ay u soo gudbiyeen xafiiskiisa.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa guddiga uga mahadceliyay dadaalka ay ku bixiyeen arrinta dib u heshiisiinta Gobolka Gedo, maadaama qodobka Gedo ay caqabad ku ahayd heshiiskii 17 September., haatanna wax badan laga qabtay oo ay harsantahay in Maamulka Gedo lagu soo saaro wareegto.

“Runtii shaqadii aan idin igmaday maanta farxad ayay na gelineysaa aniga iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed, sababtoo ah si wanaagsan oo hufan oo wadanimo ah, walaalnimo ah, saaxiibtinimo ah ayaad u soo dhameyseen”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Madaxweynaha JFS iyo Amiirka Qatar oo isweydaarsaday hambalyada Ciidul Adxaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaalka Soomaaliya  Mudane Maxmaed Cabdullaahi Farmaajo, oo khadka taleefanka kula hadlay Amiirka dowaladda Qatar, Shiikh Tamiim bin Xamad Al Thani,  ayaa ugu hambalyeyay munaasabadda Ciidda barakeysan ee Ciidul Adxa.

Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa isweydaarsiga halmbalyada kadibna waxaa uu u rajeeyay labada dal iyo dhammaan muslimiinta horumar iyo barwaaqo.