Ciidanka Xoogga oo soo af-jaray Dhagar-qabayaal xalay Hoobiyeyaal ku weeraray Aw-dhiigle

Hoobiyeyaasha ay arxan-laawayaashu ku soo tureen deegaankan ayaa khaasaro hantiyeed iyo dhaawac u geystay dadka deegaanka.

Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan Aw-dhiigle ayaa weerar ku qaaday qaaday maleeshiyadii Hoobiyeyaasha ku soo weeraray deegaankaas, kuwaa oo qorsheynayay in Hoobiyeyaasha kedib ay weerar fuleynimo ah ku qaadaan.

Ciidamada ayaa sheegay in ay soo af-jareen Maleeshiyadaas oo ku dhuumaaleysanayay meel ka baxsan Aw-dhiigle, waxa ayna ciidanku guulo la taaban karo ka gaareen hawlgalkaas.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa toddobaadyadii ugu danbeeyay gobolada dalka ka waday hawlgalo culus oo lagu baacsanayo dhagar-qabayaasha Al-shabaab, waxaana laga xoreeyay deegaano badan oo ka tirsan Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubaland.

Danjire Cawaale oo la kulmay shirkado ka howlgala wax soo saarka shiidaalka iyo tiknolojiyada

Safiirka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane,ayaa kulan fogaan arag ah uga qeybgalay heshiis ay si wadajir ah u galeen labada shirkadood oo ah kuwa ka howlaga dhanka shiidaalka iyo xagga tiknolojiyada.

Kulanka lagu martiqaaday Danjiraha,ayaa yimid xilli ay heshiis wax wadaqabsi ah kala saxiixdeen labada shirkadood ee International Energy Exchange center (GBA)  iyo Ali Cloud.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane oo kulankaasi ku gudbiyay farrin,waxa uu ugu  baaqay  labada shirkadood in ay ka qeybqaataan horumarka dalka,isla markaana ay maalgashi ku sameeyaan dalka Soomaaliya.

Danjire Cawaale ayaa xusay in Soomaaliya ay ku taallo meel istaraatiiji ah,ayna tahay albaabka ugu wey n ee kaliya oo laga geli karo dhammaan dalalka Afrika

Danjiraha waxa uu qiray in labada shirkadood ay heystaan fursado ay wax kula qeybsan karaan dadka Soomaaliyeed,sidaa daraadeed,waxa uu ku taliyay in ay ka faa’ideystaan fursadaha ganacsi ee ka jira Soomaaliya.

Labada shirkadood ee International Energy Exchange center (GBA)  iyo Ali Cloud,waxa ay ka shaqeeyaan dhanka soo saaridda shidaalka iyo dhinaca tiknolojiyadda aaladaha casriga ah ee Internetka.

Guddoomiyaha gudidda hirgelinta doorashooyinka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar ugu baxay Jubaland

Xubno kamida Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) oo uu hoggaaminaayo guddoomiyaha GHDHF mudane Maxamed Xasan Cirro ayaa safar shaqo ugu baxay magaalada Kismaayo ee dowlad goboleedka Jubaland.

Safarka ayaa la xidhiidha dardar gelinta doorashada Aqalka Sare oo dhawaan ka bilaabmi doonta dowlad goboleed ka Jubaland

Ciidamada NISA oo howlgal ka fuliyay degaanno hoostaga degmada Balcad

Ciidamo ka tirsan Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, gaar ahaan kuwa howlgallada gaarka ah fuliya ee Duufaan ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ka fuliyay deegaanno hoos taga degmada Balcad iyo Magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa Tuulooyinka hoostaga degmada Balcad gaar ahaan kuwa ku teedsan Hareeraha laamiga ka sameeyay howlgallo baaritaan Guri guri ah, oo Amaanka lagu xaqiijinaayo.

Saraakiisha Ciidamadda horkaceysay ayaa sheegay in ujeedkooda uu ahaa baacsiga Argagixisadda ay suuragal tahay inay meelahaasi ku dhuumaalaysanayaan.
Wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ka socda Dhismo, iyada oo dhismahaas ay amnigiisa sugayan Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska gaarka ah ee loo yaqaanno Haramcad.

Ilhaan Cumar oo Xukuumadda Mareykanka kula talisay in la abuuro Gola degaan oo la dagaalama Islaam Naceybka

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka, ayaa soo bandhigtey qorshe ah in la abuuro gole degaan oo qaabilsan la dagaallanka Islaam naceybka.

Ilhaan iyo koox Xildhibaana ah oo ku fakar ah ayaa ugu baaqay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken, inuu yagleelo Xafiis gaar ah oo ka shaqeeya howshaas, xilli dembiyada la xiriira Islaam naceybka ay kusii fidayaan Gudaha Mareykanka iyo qeybo ka mid ah caalamka.

Farriin ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay Ilhaan Cumar ku tiri: “Waa in aan ku baraarugnaa Islaam naceybka ka jira halkan, taana waxaa looga bixi karaa in aan sameyno wixii karaankeenna ah si aan u cirib-tirno sifadan foosha xun.”

“Waxaan aragnaa inuu sare u kacay Islaam naceybka, uuna ka jiro meel walba oo ka mid ah dunida, Taas ayaa ah sababta aan u dalbaneyna in la sameeyo xafiis gaar ah oo looga hortago Islaam naceybka,” ayay Ilhaan ku tiri qoraalkeeda.

Warqadda loo diray Blinken ayay Ilhaan Cumar iyo 23 xildhibaan oo kale oo ka tirsan xisbiga Dimuqrdaaddiga ku codsadeen in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay sameyso Hay’ad la mid ah midda ka shaqeysa la dagaallanka Yuhuud naceybka, sida uu shaaciyay wargayska Daily Mail.

Ilhaan, oo ka mid ah saddexda xildhibaan ee Muslimiinta ah ee Aqalka Wakiillada Mareykanka, oo hor kacaya dadaalkan, ayaa sidokale waxaana barbar taagan wakiilka matala gobolka Illinois, Jan Schakowsky.

Xildhibaannada kala ah Karen Bass, Judy Chu iyo Jim McGovern, ayaa sidoo kale saxiixay warqadda loo diray dowladda, Sidoo kale waxaa qayb ka ah Rashida Tlaib oo ah haweeneyda labaad ee Muslimka ah ee Aqalka Wakiillada ka tirsan.

Mareykanka oo 100-milyan u qorsheeyay dib u dejinta qaxootiga Afghanistan

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ogolaaday ilaa 100-milyan doolar oo loogu talagalay in lagu maareeyo kumanaan qof oo reer Afghanistan ah oo dalbaday fiisooyinka socdaalka gaarka ah,iyagoo cabsi ka qaba kooxda Taliban,sababo la xiriira in ay ahaayeen shaqaale la shaqeeya ciidamada Mareykanka ee ku sugan Afganistaan.

Mareykanka ayaa isku diyaarinaya inuu bilaabo daad gureynta qeybtii ugu horeysay ee dadkaasi oo la geynayo Fort Lee, oo ah saldhig milatari oo ku yaal gobolka Virginia, halkaas oo ay ku sugi doonaan codsiyada fiisaha.

Maamulka Biden wuxuu dib u eegis ku sameynayaa xarumaha kale ee Mareykanka ee gudaha iyo dibedda, halkaasoo la dejin karo codsadayaasha iyo qoysaskooda.

Fiisooyinka soogalootiga qaaska ah waxaa heli kara dadka reer Afghanistan ee ku shaqeeyay turjumaan ahaan ama qabtay shaqooyin kale, wixii ka dambeeyay duulaankii Mareykanka uu horkacayay 2001-dii.

Maalintii Khamiista ee la soo dhaaafay Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa soo saaray sharci balaarinaya ilaa 8-kun tirada codsadayaasha  ee la siin karo fiisaha, kaasoo dabooli doona dhammaan baahiyada dadka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo xilka ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA iyo Taliyihii Nabad Sugidda garoonka Aadan Cadde

-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka jawaabaya tallaabadii muwaadiniin Soomaaliyeed looga horjoogsaday in ay ka dhoofaan garoonka Aadan Cadde, ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA Cabdullaahi Kullane iyo Taliyihii Nabad Sugidda ee garoonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sheekh Cali.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble markuu arkay qodobka 21aad ee dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, faqradiisa 1aad ee dhigaya qofkasta oo si sharci ah u degan Jamhuuriyadda waxa uu xaq u leeyahay in uu si xor ah u degi karo, ugu dhex socon karo meelkasta oo dalka ka mid ah kana bixi karo”. Ayuu yiri Afhayeenka Xakuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimuu oo Warbaahinta u akhriyay bayaan ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Afhayeenka Xukuumadda ayaa hadlakiisa ku daray “Iyadoo la tix raacayo amarkii uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble 21 July 2021, ee sida cad u qeexaya in qof muwaadin ah aan laga hor joogsan Karin in uu u safro ama ka soo dego deegaan ama gobolka ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, lagana jawaabayo falkii maanta muwaadiniin Soomaaliyeed looga horjoogsaday si sharci darro ah inay ka dhoofaan garoonka Aadan Cadde, taasi oo xad gudub ku ah amarkii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda iyo xaquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniintaas”.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA Cabdullaahi Kullane iyo Taliyihii Nabad Sugidda ee Garoonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sheekh Cali, iyadoo muwaadiniitnta Soomaaliyeed oo ay ku jiraan kuwii maanta safarka laga xayiray inay xor u yihiin socdaalkooda, waxaana uu Ra’iisul Wasaaraha markale ku celiyay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidkasta oo ku xad gudubta dastuurka dalka, kuna dhiirata carqaladeynta geeddi socodka doorashooyinka.

Shuhaddadii ku shahiiday musiibadii ka dhacday Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar 24 July 2019 oo kulan duco ah loo sameeyay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo mas’uuliyiin kale ayaa xarunta Mu’asasada Macalin Nuur ee Degmada Hodan kaga qeybgalay xus iyo duco loo sameeyay Shuhadadii ku shahiiday musiibadii ka dhacday Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar 24 July 2019.

Allaha u Naxriisto Guddoomiyahii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho AUN Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) La-Taliyeyaal Sare, Guddoomiyeyaal Degmo iyo Agaasimeyaal ayaa ku shahiiday Musiibadaasi, iyadoo maalinta bari oo ku beegan 24 July Xarunta Aqalka Dowlada Hoose lagu qaban doonno Duco loo sameyn doonno Shuhadadaasi.

Duqa Muqdisho Mudane Cumar Filish iyo culamadii ka qeyb-gashay Xuska iyo Ducada maanta lagu qabtay Mu’asasada Macalin Nuur ayaa halkaasi ugu Duceeyay Shuhadada.

Maleeshiyaadka Al-shabaab oo looga adkaaday dagaal maanta ka dhacay Mudug

Ciidamada Xoogga iyo kuwa Daraawiishta ee Galmudug ayaa ku guuleystay dagaal dhan ka ah maleeshiyaad Al-shabaab ee ku haray deegaanka Qod-qod oo ka tirsan Mudug.

Ciidamada oo isbaheysanaya ayaa maleeshiyaad Al-shabaab ka saaray deegaanka Qod Qod ee gobolka Mudug,halkaasi oo ay si dhuumaakeysi ah ku joogeen kooxdaasi.

Saraakiisha Howgalka Hogaamineysay ayaa Xaqiijayay in dagaalkii manta looga adkaaday kooxdaasi,isla markaana laga saaray deegaanka Qod Qod.

, Wasiirka Amniga Galmudug mudane Axmed Mucalim Fiqi,ayaa Wakaaladda Wararka SONNA u xaqiijiyay in ay sii socon doonaan dagaalada kooxdaasi looga saarayo deegaanada Mudug iyo Gaalgaduud.

Duqeyn ka dhacday meel u dhexaysa Xarardheere iyo Qaycade oo lala beegsaday argagixisada Al-shabaab

markale ayay Ciidanka Xoogga Dalka,Danab iyo bahwadaagtooda ayaa jab culus u gaysteen argagaxisada Alshabaab.

Saakay barqadii abbaaro 10:21, meel u dhaxeysa magaalada Qaycad iyo degmada Xarardheere ayaa duqeyn cirka ah lagula helay argagaxisada Al-shabaab.

Duqeyntan ayaa asiibtayAl-shabaab iyo hubkooda iyada oo aan shacabka halkaa ku dhaqan waxba yeelin.

Al-shabaab marna ma gaari karaan xeeladda ciidan ee Danab iyo Ciidanka Xoogga Dalka.
Ciidanka XDS,Danab ayaa imanka u ruqaansaday inay ka sifeeyaan haraadiga Alshabaab ee ku harsan deegannada Galmudug.

Midna waa in maanka lagu hayo, Ciidanka Xoogga Dalka iyo Danab marna joojin maayaan baacsiga Al-shabaab ilaa ay Aslhabaabku waayaan meel ay ku dhuuntaan.