WASIIRU DOWLAHA MADAXTOOYADA QARANKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA DOWLADDA TALYAANIGA

Muqdisho, Luuliyo 26, 2021: Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Khaliif oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Jamhuuriyadda Talyaaniga Mudane Alberto Vecchi ayaa kala hadlay xoojinta iskaashiga labada dal.

Wasiiru Dowlaha ayaa xusay taageerada dowladda Talyaaniga, gaar ahaan mashaariicda horumarineed ay la garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxa uuna adkeeyay muhiimadda xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya Talyaaniga iyo Soomaaliya.

“Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxaa ka go’an xoojinta iskaashi ku dhisan horumar iyo xiriir diblomaasiyadeed oo sal adag leh oo ka tarjumaya danaha labada shacab, waxaanna dowladda Talyaaniga iyo shacabkeeda uga mahadcelinayaa garab istaagga ay u muujiyeen dalkeenna ”

Dhankiisa, Danjire Alberto Vecchi ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey guulaha ay ka xoojisay dhinacyada amniga, kobcinta dhaqaalaha, dib u dhiska ciidamada, abuuridda fursadaha maalgashiga, la dagaallanka musuq-maasuqa iyo argagixisada.

Guddiyada doorashooyinka Qaranka iyo Jubbaland oo arrimo muhiim ah ka wada hadlay

Kismaayo- Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland kulan ku yeeshay Xubno ka mid ah Guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo Guddiga doorashooyinka dowlad Goboleedka Jubbaland.

Guddoomiyaha Guddiga Hirgalinta doorashooyinka heer Faderaal Mudane Maxamed Xasan Cirro iyo xubnaha kale ee guddiga  ayaa kala hadlay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Dowlad Goboleed Jubaland  ahanaanka doorashooyinka ka dhacaya qeybo ka mid ah degaanada maamulka  Jubbaland iyo sida ugu wanaagsan ee loo hirgalin karo doorashada.

Guddiga doorashooyinka heer Faderaal iyo  kuwa Dowlad Goboledka Jubbaland ayaa isla qaatay in la dardargaliyo howlaha doorashooyinka oo si weyn ay indhaha ugu hayaan bulshada Soomaaliyeed iyo aduunka oo dhan.

Galmudug oo kor u qaadeysa tayada shaqaalaha wasaaradaha

Tababarkan oo socanayey mudo laba maalmood ah ayaa qabtay Shaqaalaha Wasaaradaha Galmudug gaar ahaan agaasime waaxeedyada si kor loogu qaado tayada shaqaalaha Galmudug waxaana qabanayay Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Galmudug.

Shamso C/qaadir Suufi Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Galmudug ayaa ugu horayn xiritaanka aqoon is waydaarsiga ka hadashay waxa ayna dardaaran u jeedisay ka qaybgalayaasha Tababarka si ay uga faa’iidaystaan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Galmudug Maxamed Nuur Diini ayaa sheegay in Wasaaradu diyaarisay Sharciga Shaqaalaha si qof waliba oo ka mid ah Shaqaalaha Galmudug uu u helo xuquuqdiisa una guto Waajibaadka saaran sidaa daraadeed Tababarkan loo qabtay Tayeynta Shaqaalaha.

Wasaaradaha Galmudug ayaa waxaa ka Howlgala Shaqaale badan kuwaas oo sare u qaaday Howlaha Maalin laha ah ee Dowlad Goboleedka si Bulshada loogu adeego.

Soomaaliya iyo Mareynkanka oo ka wada hadlay amniga doorashooyinka

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa Safaaradda Mareynkanka ee magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxa Siyaasadda iyo Nabadgelyada Safaaradda Mareykanka Wendy Stancer oo ay wehlinayeen masuuliyiinkale oo katirsan Safaaradda.

Kulanka ayaa looga hadlay arimaha amniga doorashooyinka  iyo mashaariicda ay isla wadaan Safaaradda Mareeykanka iyo Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Madaxa siyaasadda Madaxa Siyaasadda iyo Nabadgelyada Safaaradda Mareeykanka Wendy Stancer ayaa ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku ammaanay sida ay had iyo jeer ugu heelan yihiin sugida amniga dalka.

Madaxweynaha Tunuusiya oo xilkii ka qaaday Ra’iisul Wasaaraha Dalkaas.

Madaxweynaha dalka Tunuusiya Kais Siciid ayaa xaley ku dhawaaqay in uu xilkii ka xayuubiyey Raysal Wasaaraha dalkaas, sidoo kalena uu joojiyey dhammaan howlihii Baarlamaanka waddankaasi.

Madaxweyne Kais Siciid waxa kale uu xasaanaddii ka qaaday dhammaan xildhibaannada Baarlamanka Tunuusiya

Tallaabada madaxweynaha ayaa timi kaddib mudaharaado rabshado wata oo ka dhacaya magaalooyinka waa weyn ee Tunuusiya, taasi oo dadku ay kaga cabanayaan aafada COVID19 iyo dhaqaalaha dalkaasi oo liita.

Hase ahaatee xisbiga talada dalkaas haya iyo Baarlamanka ayaa go’aannada madaxweynaha ku tilmaamay Af-gambi.

Garoomada Diyaaradaha, Xuduudaha bad iyo berri ayaa sidoo kale la xidhay dalkaasi.

Raiisul Wasaare Rooble oo magacaabay guddiga xaqiijinta qoondada haweenka

Si loo hubiyo matalaadda haweenka ee goleyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu magacaabay guddi ka kooban 13 xubnood oo qaabilsan u ololeynta iyo xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee labada aqal ee Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya.

Wafdi ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Heer Federal oo gaaray magaalada Kismaayo

Wafdigaan ayaa ah xubnihii labaad ee ka tirsan gudiga doorashooyinka heer fadaraal oo gaaraayo magaalada kismaayo oo a caasimadda ku meel gaarka ee dowlad goboleedka jubaland.
Iyada oo wafdigii koobaad oo ka tirsan gudiga doorashooyinka ay Shalay gaaray magaalada Kismaayo wafdigaas oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Gudiga Doorashooyinka heer Fadaraal Maxamed Xasan Cirro oo ay ku wehliyeen Xubno kale oo ka tirsan Gudiga doorashooyinka ee FEIT waxeyna halkaasi u gaareen si ay goob joog ugu noqdaan doorashada Xubnaha aqalka sare ee lagu dooranaayo magaalada Kismaayo.
Sido kale Gudiga inta ay ku suganyihiin magaalada Kismaayo ayaa waxey ka shaqeyn doonaan dad-dar galinta doorasho xur iyo xalaal ah sidii loo qaban lahaa.

Wafdi ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Heer Federal oo gaaray magaalada Kismaayo

Wafdigaan ayaa ah xubnihii labaad ee ka tirsan gudiga doorashooyinka heer fadaraal oo gaaraayo magaalada kismaayo oo a caasimadda ku meel gaarka ee dowlad goboleedka jubaland.
Iyada oo wafdigii koobaad oo ka tirsan gudiga doorashooyinka ay Shalay gaaray magaalada Kismaayo wafdigaas oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Gudiga Doorashooyinka heer Fadaraal Maxamed Xasan Cirro oo ay ku wehliyeen Xubno kale oo ka tirsan Gudiga doorashooyinka ee FEIT waxeyna halkaasi u gaareen si ay goob joog ugu noqdaan doorashada Xubnaha aqalka sare ee lagu dooranaayo magaalada Kismaayo.
Sido kale Gudiga inta ay ku suganyihiin magaalada Kismaayo ayaa waxey ka shaqeyn doonaan dad-dar galinta doorasho xur iyo xalaal ah sidii loo qaban lahaa.

Taliyaha Ciidanka Booliska oo u magacaabay Afayeenka Ciidanka Booliska Gaashaanle Cabdifataax Aadan

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa u magaacabay Afayeenka Ciidanka Boolisk Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan, oo beddelaya Col, Sadiiq Duudisho oo hore u ahaa afayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Koonfur Galbeed oo magacowday xubnaha Xildhibaanada ee qabashada doorashada Aqalka Sare

Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Dr Cali Saciid Faqi ayaa Magacabey Xubnaha Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Qabashada Doorashada Aqalka Sare.

Halkan ka aqriso qoraalka magacaabista.