Shil sababay dhimasho badan oo ka dhacay Hindiya

Ugu yeraan 18 qof oo shaqaale muhaajiriin ah ayaa dhimatay ka dib markii gaari weyn jiirey rakaab la socday bas marayay gobolka waqooyiga India ku yaala ee Uttar Pradesh.

Masaafarada socdaalkooda oo aheyd 1,300km ayaa ka soo bilaabatay magaalada Haryana ayagoo ku sii jeeday xarunta gobolka ee Bihar, shilka ayaana ka dhacay degmada Barabanki.

Shilka ayaa dhacay saacadihii hore ee Arbacadan maanta ah, qaar kamaid ah shaqaalaha ku dhex jirey Baska halka kuwa kalena jiifeen gaariga gedaashiisa xilliga shilka uu dhacayay.

Yamuna Prasad oo ah kormeere guud oo ka tirsan booliiska degmada Barabanki, ayaa BBC u sheegay in gaariga lagu soo raray wax ka badan tankiisa.

Wadaha gaariga Baska ah, ayaa isku dayay in uu hagaajiyo cilad ku timid gaariga, hase ahaatee waxaa si lama filaan ah u dul-maray gaari weyn, sida ay sheegeen saraakiisha booliiska.

“Waa shil nasiib daro ah. Buska waxaa la soo saaray 140 qof iyadoo 65 qof oo kali ah loogu talagalay. Waxaan qiimeynaynaa xaaladda qoysaska,” ayuu yiri.

Mr Prasad waxaa uu intaas ku daray, in Buska uusan laheyd dariishad ama daaqad, sababtoo ah waxaa uu lahaa qaboojiye taas oo keentay, in qaar kamid ah rakaabka waddada bartankeeda jiifsadaan.

Ugu yeraan, 30 kamid ah rakaabka oo qaarkood dhaawacyo halis ah qaba ayaa lagu daweynayaa isbitaalka magaalada Barabanki.

Ra’isul wasaaraha dalka India, Narendra Modi ayaa Twitter ugu tacsiyeeyay ehelada dadka mashaqada ku hab-satay, isagoo balan qaaday in 200,000 rupee oo u dhiganta 2,686 oo dollar oo mag-dhow ah la siin doono qoysaska dadka dhintay halka kuwa dhaawacmay heli doono 50,000 rupee oo lacagta India ah.

Dadka ka soo jeeda magaalada Bihar, waxay badanaa aadaan gobolada hodanka ah oo ay kamid yihiin Haryana iyo Delhi si shaqooyin ugu helaan halkaas.

Shaqaalaha muhaajiriinta ah waxay badanaa isticmaalaan tareenno iyo basas, oo ah hab raqiis ah oo laga adeegsado Hindiya, si ay guryahooda ugu laabtaan markay ka nasanayaan ​​shaqooyinka.

Qaar ka mid ah Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo Kismaayo u ambabaxay

Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya Cabdullahi Abyan Nuur iyo wafti uu horkacayo ayaa saaka ku wajahan Dowlad Goballeedka Jubbaland.

Xubnahan Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee u safraya Jubaland oo ka kooban 5 xubnood ayaa goobjoog unoqon doona Doorashada Aqalka sare ee senitorada kasoo baxaya Dowlad Goboleedka Jubalanad oo maalinta Khamiista ka dhici doonta Magaalada Kismaayo.

Waxaa hore ugu sugnaa Jubaland Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo xubno ka tirsna guddigaas

WararkaGudaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida oo magacaabay saraakiil baaraya kiiska Ikraan

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Genaraal Cabdullaahi Buulle Kamay ayaa u magacaabay Sadax Sarkaal oo ka kala Socda Xafiiska Xeer ilaalinta, Booliiska & Nabad-Sugidda Baaritaanka Kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la la’ yahay tan iyo 26-kii June Sanadkan.

Xeer Ilaaliyaha ayaa Faray Taliska NISA in ay ula shaqeeyaan Saraakiisha magacaaban Wadda kasta oo lagu Gaari karo Danta Cadaaladda ee Ikraan.

Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa aqbalay furashada Gal-Dacwadeed ay u soo gudbisteen Ehelka Maqanad Ikraan Tahliil.

Maamulka Gobalka Banaadir oo shaaciyay xiliga la qabanayo Cayaarta Finalka ee Horyaalka Kubadda Cagta Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Xarunta Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar Kulan kula qatay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya, Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Xiriika Kubadda Cagta  iyo Xubno Kale Oo ka Shaqeenaya Qabsoomida Cayaarta Finalka ee Horyaalka Kubadda Cagta Soomaaliya taasi oo dhex-mari doonta Kooxaha MMC iyo Horseed.

Madaxda ayaa isku raacday in Cayaartaan ay dhacdo 2-da Bisha Augosto 2021, kana dhacdo Garoonka Eng. Yariisow Stadium.

Dowladaha Labada Kuuriya oo dib u furayo khadadka isgaarsiinta ee ka dhaxeeyay labada Dal.

Labada Kuuriya oo ku heshiiyay inay soo celiyaan xiriirkii ka dhaxeeyay
Kuuriyada Waqooyi ayaa ku dhawaaqday subaxnimadii hore ee saakay in dib loo furayo khadadka isgaarsiinta ee kala dhaxeeyay Kuuriyada koonfureed.

Wakaaladda wararka Kuuriya Waqooyi, ayaa shaaca ka qaaday in dhankooda ay diyaar u yahiin in dib losoo celiyo xiriirkii walalknimo ee ka dhaxeeyay Kuuriyada Woqooyi iyo tan Koonfureed.

Bayaan ay si wada jir ah u soo sareen ayaa lagu sheegay in leysku raacay furitaanka dhammaan khadadka xiriirka ee labada Kuuriya.

Sidokale Bayaanka waxaa lagu xusay in hoggaamiyeyaasha Waqooyiga iyo Koonfurta ay isku raaceen in ay qaadaay Mas’uuliyadda hirgalinta tallaabo dib loogu soo celinayo kalsoonida labada dhinac iyo kor u qaadista dib-u-heshiisiinta, iyadoo loo marayo isweydaarsiga farriimaha Diblomaasiyadeed ee labada dal.

Tallaabada ugu horeysa ee lagu soo celinaya xiriirk laban dal ayaa lagu sheegay in ay tahay isu furida Khadadka Isgaarsiinta, kaa oo lagu eedeeyay in xukuumadda Pyongyang sanadkii la soo dhaafay ay guud ahaanba meesha ka saartay khadkii Isgaarsiinta ee ay la laheed deriskeeda Kuuriyada koonfureed iyadoo u sababeysay xiriirka labada dal oo xilligaas kacsan.

Horumarrada laga sameeyay howlaha doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaare Rooble

Horumarrada laga sameeyay howlaha doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

May 27 2021: Waxaa la saxiixay heshiiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ee arrimaha doorashooyinka.

May 30 2021: Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddi u magacaabay xaqiijinta xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee cabashada laga keenay.

May 31 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu qaabilay xubno ka socda Midowga Musharaxiinta oo ay ku jiraan Madaxweynayaashii hore, si uu uga dhageysto cabashadooda iyo talooyin.

June 19 2021: Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa magacaabay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal, heer dowlad Goboleed iyo Xalinta khilaafaadka.

June 29 2021: Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa soo saaray jadwalka arrimaha Doorashooyinka Dalka.

June 29 2021: Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa magacaabay Guddiga dib u heshiisiinta Gedo.

July 5 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka oo uu kala hadlay hirgelinta, Amniga Doorashooyinka iyo taageerada laga doonayo.

July 7 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu socdaal 4 cisho qaatay ku tegay magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaareey, si loo dhammeystiro dib u heshiisiinta Gedo.

July 21 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku dhawaaqay xalkii laga gaaray arrinta Gedo.

July 22 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu la kulmay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo uu kula dardaarmay inay dooraahada u maamulaan si hufan oo ka fog eex.

July 22 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu isu keenay Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, si loo xalliyo faraqa u dhexeeya ee doorashada kuraasta Gobollad Waqooyi.

July 25 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu magacaabay guddiga xaqiijinta qoondada Haweenka 30% ee labada Aqal ee Baarlamaanka.

July 25 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu habka fogaan arragga kula shiray Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo uu ku booriyay inay doorashada dedejiyaan, maadaama la gaaray xilligii lagu balamay in ay bilaabato.

Guddiga Doorashooyinka oo warbixin siiyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Ahmed Mohamed Islaam, ayaa xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay masuuliyiinta Guddiga hirgalinta doorashada ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland, isagoo ka dhagaystay duruufaha iyo marxaladaha shaqo ee ay ku jiraan iyo sida ay ilaa hada shaqadu u socoto.
Madaxweynaha ayaa sheegay in rajo wanaagsan uu ka qabo in shaqada Guddiga ay u dhacdo si hufan oo daah furan sida ugu dhakhsiyaha badan.
Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayuu ku amaanay Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam shaqada adag ee ay hayeen Guddiga maalmihii lasoo dhaafay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo casho sharaf u sameeyey Ku-xigeenka Ergayga QM ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada Puntland xalay Casho Sharaf ugu sameeyay iyo Wafdi ka socda Safaarada Finland ee Soomaaliya.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Xubno ka mid ah goleyaasha dowladda iyo Saraakiil Madaxtooyo.
Qaramadda Midoobay ayaa marwalbo dadaal xoogan ku bixiso caawinta iyo garab istaaga Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Xubinta ka ah Dowlada Federaalka.

Duqa Muqdisho oo dardar gelinaya bilicda caasimadda

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeeray waddada Daalo oo kamid ah wadooyinka uu saameeyay roobabkii maalmihii lasoo dhaafay ka da’ay Magaalada Muqdisho.

Kormeerkan waxaa duqa Magaalada Muqdisho ku wehelinaaye Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo taliyaha ciidanka ilaalinta waddooyinka ee Boliiska.

Sidoo kale, masuuliyiintan iyo saraakiisha amniga ayaa kormeeray xaafadaha ku teedsan Waddada Daalo si ay ugu kuur galaan shaqada ay Dowladda Hoose e Xamar ka waddo Waddadaas oo ka mid ah kuwa ugu muhiimsan ee Caasimadda.

Xudeyfi oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab oo isa soo dhiibay

Taliska Booliska Degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo waxaa goordhow isku soo dhiibay Cabdirisaaq Cabdullaahi Maxamuud oo magaciisa Afgarashada uu Yahay (Xudeyfa).

Xudeyfa wuxuu ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab gaar ahaan dhalinyarada la qalday, wuxuuna Alle mahadii gartay in hab Dhaqanka guracan ee Al-Shabaab uusan ahayn mid u adeega Diinta iyo Dhaqanka suuban ee islaamka.

Cabdirisaaq ayaa argagaxisada la shaqeynayay muddo lix sano ah.