Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka tacsiyeeyay geerida Sheekh Aadan Cali

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Cismaan Abuukar Dubbe waxa ayaa ka tacsiyeynayaa geerida ku timid Allaha u naxariistee Sheekh Aadan Cali Xasan oo ku geeriyooday degmadda Kaxda ee gobolka Banaadir.

Sheekh Aadan waxa uu ahaa daaci inta badan noloshiisa ku bixiyay inuu wacyigalin iyo duruus diini ah bulshada Soomaaliyeed marsiiyo, wuxuuna muddo dheer ka howlgalayay Radio Muqdisho.

 

Cutubyo ka mid ah Xoogga Dalka oo hawlglo ka wada Buulo-burte

Ciidanka Xoogga Dalka soomaliya ee ka hawl gala dagmada Buulo-burte ayaa saaka howlgal qorsheysan waxay ku qaadeen deegaanka Afcad oo hoos yimada degmada Buulo-burte

Ciidanka oo aroornimadi hore ee saaka weerar ku qaaday fariisimaha kooxda Argagixisada Al-shabaab iyadoo goobta laga maqlayo dhaawaqa jug culus.

Howlgalka ayaa waxa hogaminay taliyaha qeybta27 Ganaral axmed maxamed calasow (taredisho) iyadoo goobta lagu dagalamay tahay goob dhawan ay ciidanka ku dilen 15 kamid ah Argagixisada lagana bur buriyay fariisimihii ay ku lahaayeen.

 

 

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gargaarka Koonfur Galbeed oo lagu soo dhaweeyay magaalada Xudur

Xuddur- Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo ay wehliyaan Agaasimaha guud ee Wasaarada Gargaarka Xukuumadda Soomaaliya iyo hayadaha Qaramada Midoobay ee dhanka beni’aadanimada ayaa maanta gaaray Degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.

Wafdigan ayaa ugu horeyn kormeeray xerooyinka ay ku nool yihii qaar ka mid ah barakacayaasha, halkaasi oo ay si hoose ah u wareysteen xaaladda ay ku noolyihiin barakacayaasha ku jira kaamamka ku yaala magaalada Xudur.

Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Gargaarka Koonfur Galbeed ayaa kulamo xog wareysi  ah la yeeshay Maamulada Degmooyinka Xudur, Tiyeeglow iyo wakiilada hayadaha maxaliga ee xafiisyo ku leh magaalada, waxaana maamulada laga dhagaystay xaaladda Amni iyo nolosha bulshada ku nool Xudur.

Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin ayaa sheegay in wafdiga ay uga warbixiyeen xaaladda guud ee degmada ee dhinacyada amniga iyo tan beni’aadanimo, ayna u gudbiyeen baahida ka jirta degmada Xudur.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Garkaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Abuukar Axmed ayaa sheegay in ujeedka socdaalkooda ay la xiriirtay u kuurgelidda xaaladda beni’aadannimo ee ka jirta Degmada Xudur iyo sidii wax loogu qaban lahaa qoysaska ku soo barakacay magaalada.

 

Safiirka Soomaaliya ee dalka Shiinaha oo booqday xarumo amni oo ku yaalla dalkaas

Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha Cawaale Cali Kulane, ayaa magaalada Beijing kula kulmay madaxa Jaamacadda Booliska ee dalka shiinaha Ma Jinqi.

Laba mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka dhanka tababarrada Booliska ee Soomaaliya iyo Shiinaha iyo cilaaqaadka guud ee labada dowladood.

Danjire Cawaale Cali Kullane Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo ay wehliyaan qaar ka mid ah safiirrada wadamada caalamka ee ka howlgalaya dalka Shiinaha ayaa booqosho ku tagay xarumo amni iyo kuwa sharciga ee dalka Shiinaha.

Safiirrada ayaa booqday Jamacadda Booliska Shiinaha, Xarunta dhowrista Sharciga iyo Waaxda Garsoorka amniga guud ee Beijing.

Ujeedka boqashada oo ah sidii ay safiirada dalalka caalamka u arki lahaayeen sida Shiinaha u ilaaliyaan sharciga, ugana hortagaan dambiyada kala duwan ee bulshada.

Booqashada oo sidoo kale ay qayb ka ahaayeen qaar ka mid ah Diblomaasiyiin ka socday hay’adaha dowliga ah ayaa waxa ay kulan la qaateen dhammaan Safiirada iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Guud ee dalka Shiinaha Mudane Wang Xiaohong.

Ra’isul wasaare Rooble oo kulan la yeeshay guddiga qoondada haweenka

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, oo habka fogaan aragga kulan kula yeeshay Guddiga Xaqiijinta Qoondada haweenka ee Goleyaasha BFS, waxaana ku bogaadiyay howsha loo igmaday, isagoo kula dardaarmay inay si dhaw ula shaqeeyaan Guddiyada doorashada, Madaxda dowlad-goboleedyada & bulshada rayidka ah.

Maalmo ka hor ayay aheyd, markii ra’isul wasaaraha uu magacaabay 13 xubnood oo ka shaqeyn doono xaqiijinta qoonddada haweenka ee doorashada xubnaha baarlamaanka labada aqal.

Guddiga hirgellinta doorashada K/G oo UNSOM kala wareegay qalabka doorashada

-Guddiga hirgellinta doorashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta qalabka Doorashada kala wareegey hay’adda UNSOM xafiiskeeda Baydhabo, kaas oo isugu jira sanduuqii lagu codeen lahaa iyo qalab kale, waxaana qalabka la wareegey xubno ka tirsan guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qalabkan maanta guddiga lagu wareejiyey ayaa muhiim ah howlaha shaqo ee qabashada Doorashada, waxana Guddiga gudagaleyaa diyaar garow iyo wadatashi ku qotama qabashada Doorasho xor iyo xalaal ah oo si nabdoon ku qabsoonta.

Madaxweyne Lafta-gareen oo maanta dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed mudane, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo safar ugu maqnaa dalka Turkiga ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweyne Lafta-gareen oo muddoo kooban ku hakaday garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa usii ambabaxay magaalada Baydhabo oo ah xarunta ku-meel gaarka ah ee maamul goboleedka koonfur galbeed.

Mareykanka oo Hindiya kala hadlaya hagaajinta xuquuqda aadanaha

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken, ayaa Arbacadan maanta ah la kulmaya dhigiisa dalka India ka hor kulan oo la qaadan doono ra’isul wasaare Narendra Modi, xilli Shiinaha uu doonayo in la xoojiyo iskaashiga kala dhexeeya isla markaana Meesha laga saaro kala mad madowga.

Waa safarkii ugu horeeyay oo Blinken, uu ku tago Hindiya tan iyo markii uu ku biirey maamula madaxweyne Biden, waxyaabaha ay ka wada hadli doonaan waxaa kamid ah tallaalka safmarka COVID-19, xaaladda amni dalka Afghanistan iyo arrimaha xuquuqda aadanaha ee Hindiya.

Xoghaye Blinken, waxaa uu sheegay in xiriirka Mareykanka iyo Hindiya uu yahay mid aad muhiim u ah, hadalkan ayuuna ka sheegay kulan magaalada New Delhi kula qaatay qaar kamid ah madaxda ururada bulshada rayidka ah.

“Dadka Hindiya iyo kuwa Amerikaan ah waxay rumeysan yihiin sharafta bani aadanimada, u sinnaanta fursadaha, ku dhaqanka sharciga, xoriyadda diimaha.. sidoo kale dhammaan kuwani waa aas aaska dimoqraadiyada aan jecelnahay,” ayuu yiri.

Safarkiisa New Delhi waxaa laga filanayaa in aad looga hadli doona arrimaha xuquuqda aadanaha Hindiya oo ay ku jirto sharciga jinsiyadda dalkaas oo aad looga soo hor jeestay, maadaama takoorey malaayiin muslimiin ah oo wadankaas ku nool.

Xukuumadda Modi, ayaa wajahaysa eedeymo ku saabsan caburinta u ololeeyeyaasha xuquuqda aadanaha iyada oo talada dalkaas majaraha u hayaan xisbiga mayalka adag oo ay ku fogaatay Hinduusnimada.

Xoghaye Blinken ayaana la qorsheeyay in maanta gelinka dambe uu la kulmo dhigiisa Hindiya Subrahmanyam Jaishankar.

Waxay ka wada hadli doonaan arrimaha gobolka oo quseeya danaha labada dalka, cudurka safmarka ah ee COVID-19, xaaladda amni ee sii xumaaneysa ee dalka Afghanistan.

Arrimaha gobolka ee Indo-Pacific ayaa falanqeeyeyaashu leeyihiin waxaa isa soo saraya awooda militiri ee Shiinuhu soo bandhigayo, labadan dal waxay Beijing u arkaan khatar ku soo food leh.

Wada hadalka New Delhi sidoo kale, waxaa lagu faaqidi doonaa kulan madaxeedka affar geesood ah oo dhammaadka sanadkan Hindiya marti gelin doono, kaas oo u dhexeeyay, Australia, India, Japan iyo Mareykanka.

Dalalkan ayaa isu garabsanaya sidii ay uga hor tagi lahaayeen awoodda Shiinaha uu ku leeyahay gobolka Indo- Pacific.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, waxaa sidoo kale socdaal ku tagi doonaa dalka Kuwaite.

Xuska Maalinta caalamiga ah ee Cagaarshowga (WORD HEPATITIS DAY)

Dhibaato intee le’eg ayuu cudurka Cagaarshowga ku hayaa Bulshada?
Cudurka Cagaarshowga ama jooniska waa cudur dhibaato weyn ku haya bulshada caalamka ku dhaqan, sidaas darteed sanad kasta 28 July maanta oo kale waxaa loo asteeyay maalinta cagaarshowga Adduunka (World Hepatitis Day) si bulshada loogu wacyi galiyo qatarta iyo ka hortaga cudurkaan halista ah oo sida aamusan dadka u dila (Silent Killer). Hal-ku-dhigga caalamiga ah ee sanadkan 2021 waa “Hepatitis Can’t Wait” oo la macno ah (Inaan la sugin oo la ciribtiro Cagaarshowga)

Cagaarshowga noociisa B iyo C wuxuu qorshuhu yahay in caalamka laga ciribtiro sanadka 2030, taasoo ka hortageysa iney caabuqa cudurka qaadaan 36 milyan oo qof, isla markaana badbaadineysa 10 milyan oo naf.

Cudurka Cagaarshowga waxaa sababa feyrusyo kala duwan kuwaasoo keena burbur iyo dhaawac ku dhaca unugyada beerka (Hepatitis), feyrusyadaas waxaa ka mid ah: Virus A, B, C oo ah kuwa ugu badan iyo D, E.

Cagaarshowga A ( Hepatitis A Virus – HAV).

Waa nooca ugu badan sanadkii wuxuu ku dhacaa tiro dhan 1.4 milyan, wuxuu ku badan yahay caruurta, dadka waaweyna wuu ku dhacaa, hab saf mar ah ayuu leeyahay (Outbreak). Wuxuu ku badan yahay goobaha nadaafadoodu hooseyso dadka badana ay ku nool yihiin (Crowded area) sida xeryaha qaxootiga IWM.

Feyruska wuxuu soo raacaa saxarada, waxaana gudbiya gacmaha kadib marka la cuno cunto, khudrad, miro oo aan si fiican loo nadiifin iyo marka la cabo biyo aan nadiif aheyn oo jeermiga ku jiro.

Cagaarshowga A (HAV) marka qofka dhiigiiso galo ilaa calaamooyinka ka soo if baxayaan waxey qaadaneysaa mudo dhan qiyaastii 30 maalmood, xiligaas qofka saxarada ayuu ku gudbinayaa cudurkii ama feyruskii.

Noocan A dhaqso ayaa looga bogsadaa, wax raagis ahna ma yeesho (Chronic Form).

Cagaarshowga B (Hepatitis B Virus – HBV)

Cagaarshowga noocaan waxaa keena feyrus B (HBV), wuxuuna ka mid yahay kuwa ugu qatarsan. Cudurkan waxa uu keenaa in qofka uu ku noqodo mid wakhti kooban haya (Acute) ama joogta ah (Chronic). Wuxuu cudurkaan horey ugu soo dhacay qiyaas ahaan 2 bilyan oo qof, waxaa cudurkan la nool ama qabta dad gaaraya 257 milyan (Chronic Infection) waxaana sanadkii u dhimata tiro ku dhow hal milyan.

Marku feyruska dhiiga galo ilaa iyo calaamooyinka ka soo ifbaxayaan waxay qaadaneysaa muddo dhan qiyaas ahaan 75 maalmood. wuxuuna leeyahay raagis (Chronic infection).

Cagaarshowga nooca B wuxuu ku gudbaa dhiiga iyo dheecaanka qofka jiran marka uu gaaro dhiiga qofka fiyow sida:-

 Hooyada uurka leh oo cunuga u gudbin karta xiliga dhalmada (Perinatal Transmission) xiligaas oo ah kan ugu badan ee raagista yeesha 90%.

 Dhiig ku shubid (taasoo waayahan yaraatay).

 Cirbid lagu duray qof jiran oo qof kale loo isticmaalo.

 Qalabka ama Sakiinta Gar-xiirka, madax xiirka oo wadar loo isticmaalo.

 Wuxuu ku gudbi karaa galmada (Sexual Intercourse).

 Wuxu kaloo ku gudbaa qalabka daawo dhaqameedka loo isticmaalo sida:-

– Dalqa goynta, qun goynta, ilka bixinta , gudniinka fircooniga, gudniinka ragga si wadajir ah, dhalma dhaqameedka, sarsarmada, toobinta oo intaba qalabka loo isticmaalayo aan la jeermi dilin.

Cagaarshowga nooca B waxaa halis u ah:-

– Bukaanada dhiig dareerka qaba (Hemophilia) oo mar kasta dhiig lagu shubo.

– Bukaanada kelyaha ka jiran oo la dhaqo (Renal Dialysis)

– Shaqaalaha caafimaadka iyo kuwa sheybaarka

– Bukanada HIV qaba oo difaacooda hooseeyo.

Waxaa xusid mudan in cagaarshowga B (HBV) uu boqal jeer (100%) ka dhaqsiyo badan yahay HIV xowliga fiditaanka cudurka.

Feyruskan cagaarshowga B, todoba maalmood ayuu dibada ku noolaan karaa asagoo waqtigaas ku gudbin kara cudurka.

Cagaarshoowga C (Hepatitis C Virus – HCV).

Waxaa keena feyruska cagaarshowga C (HCV), tirada aduunka qabta cagaarshowga nooca C-ga waa 71 milyan oo qof; sanad kasta tirada bukaanka cusub uu ku dhaco sanadkiiba waxey gaareysaa 1.75 milyan. Waxaana sanad kasta u dhimata 400,000 qof.

Feyruska cagaarshowga nooca C-ga waxaa la helay ama la ogaaday sanadkii 1989, horay waxaa la dhihi jirey (non-A, non-B hepatitis) oo aan ahayn cagaarshowga noocyada A iyo B, taariikhdaas wixii ka horeeyay, wuxuu aad ugu gudbi jiray dhiiga dadka lagu shubo, asagoo keeni jiray cagaarshowga ka yimaada dhiig ku shubida (Post-transfusion hepatitis).

Wuxuu ku gudbaa dhiiga iyo dheecaanka qofka jiran marka uu gaaro qofka fiyow.

Marku feyruska dhiiga galo ilaa iyo calaamooyinka ka soo ifbaxayaan waxay qaadaneysaa muddo dhan qiyaas ahaan 60 maalmood (45 -180 maalmood).

Cagaarshowga nooca C (HCV) wuxuu yeeshaa raagis (Chronic Hepatitis) 75% ilaa 80%, khatarta kale uu leeyahay waxaa ka mid ah in calaamooyinkii cudurka badanaa aysan soo If baxin 60% ilaa 80% (Asymptomatic), taas ayaana keentay magaca la siiyay oo ah dilaaga aamusan (Silent Killer).

Calaamooyinka Cudurka Cagaarshowga.

Calaamooyinka cudurka waxaa loo qeybiyaa 3 qeybood:-

Qeybta Hore :Waa xiliga cagaarkii wali soo if bixin (Pre-icteric Phase): Xiligaas bukaanka wuxuu qabaa calaamooyinka sida labo-labo, bog xanuun, madax xanuun, matag, cuntada uu qaadan kari waayo, daal badan, xumad, quun xanuun, murqo xanuun, xubno xanuun, shuban yar. Calaamooyinkaas waxay ay jiri karaan muddo dhan 10 ilaa 14 casho.

Qeybta labaad: Waa xiliga cagaarka muuqanaayo (Icteric Phase): Xiligan waxa soo muuqanaayo cagaarki indhaha, oogada, kaadida oo gaduud noqota sida shaah rinji ah (Dark Urine), saxarada oo midab cadaata iyo kor cuncun. Xanuun yar oo dhinaca beerka ku aadan iyo qanjiro barar. Calaamadahaan waxay jiri karaan muddo dhan 2 ilaa 3, 4 usbuuc.

Qeybta Sadaxaad: waa xiliga ka bogsashada cudurka (Convalescence Phase): Xiligaan calaamooyinkii cudurka waa yaraanayaan ilaa ay ka baaba’aan sida cagaarka indhaha iyo oogada, bukaanka waa ka soo fiicnaanayaa calaamadihii hore laakiin taas macnaheedu ma ahan in bukaanku ka reystay cudurkii balse beerkii wali waa dhaawacan yahay oo waa bukaa waxeyna qaadaneysaa bogsashadiisa buuxda muddo 2 ilaa iyo 4 bilood ah.

Dabka iyo Cagaarshowga:

Bulashada Soomaaliyeed qaar badan waxay aminsanyihiin in cudurka Cagaarshowga lagu daaweeyo dabka bukaanka la gubo.

Hadaba dabka iyo cudurka cagaarshowga haba yaraatee wax xariir ah oo ka dhaxeeya ma jiraan.

Arintaas si cilmi ah hadaan u fasirno, waa tii horay aan u soo xusney saddexdii qeybood ee calaamooyinka gaar ahaan xiliga cagaarka indhaha iyo oogada ay soo if baxdo inuu jiri karo 2,3 ilaa 4 usbuuc kadibna ay baabi doonaan calaamooyinkaas oo dhan, hadaba waxaa isku soo beegmaya xiliga bukaanka la gubo iyo dhamaadka caadiga ahaa ee calaamooyinka taas ayaana keentay in dadka qaarkiis u qaataan in bukaanka uu dabka ku reestay, taasaana waxay keeneysaa in bukaanku dib u bilaabo socod iyo dhaqdhaqaaqiisii nolol maalmeed midaasoo sii xumeyn doonto xaalada Caafimaad ee Beerka ayadoo bilooyin kadib (6 bilood) uu cudurkii u gudbaayo nooca raagiska yeesha (Chronic Hepatitis).

Cawaaqibta Dambe ee Cudurka Cagaarshowga Cudurka cagaarshowga noocyada B (HBV) iyo C (HCV), wuxuu noqon karaa nooca cusub (Acute Hepatitis) iyo nooca raagista yeesha (Chronic Hepatitis).

Cagaarshowga nooca B infekshankiisa cusub (Acute Hepatitis) badanaa waa laga reystaa muddo kadib , waxaana ugu wacan difaaca qofka 90%, halka 10% uu noqdo kan raagiska yeesha (Chronic Hepatitis).

25% – 30% wuxuu u gudbayaa nooca beerka adkaada (Liver Cirrhosis) caloosha oo biyo galaan (Ascites) (20% – 25%) wuxuu u gudbaa kansarka beerka ku dhaca ( Liver Cancer – HCC).

Cagaarshowga nooca C (HCV) 75% – 80% wuxuu noqdaa kan raagiska yeesha (Chronic Hepatitis). 20% – 25% wuxuu u gudbaa beerka adkaada calooshana biyo galaan (Liver Cirrhosis) iyo kansarka beerka ku dhaca (Liver Cancer – HCC).

Ka hortago Cudurka Cagaarshoowga

Ka hortagga cudurka cagaarshowga waxaa muhim ah in laga fogaado qaabkii aan soo sheegnay uu cudurka ku gudbo.

Ugu horeyn waa in la xoojiyaa nadaafada gacmaha cuntada ka hor iyo markii musqusha la galo, waa in la xoojiyaa nadaafada guriga iyo musqusha, waan in si fiican loo mayraa qudaarta, waa in la ilaaliyaa nadaafada raashinka la cuno. Waxaa kaloo muhiim ah cirbadaha leysku duro, sakiinta garxiirka iyo cadayga ilkaha in aan wadar loo isticmaalin, laguna tuurin dibadda. Sidoo kale waxaa muhiim ah qalabka loo isticmaalo ilka bixinta, dalqa goynta, quun-gooynta, gudniinka wiilasha, dhaga durista, uu nadiif yahay lana jeermi dilo taasoo laga helo xarumaha caafimaadka. Lamaanaha is-guursanaya waa inay iska baaraan feyruska Cagaarshowga nooca B.

Ka hortagga ugu muhimsan waa tallaalka cagaarshowga nooca A (HAV) iyo nooca B (HBV), oo ka hortagaya in cudurka cagaarshowga qofku haleelo wuxuuna siinayaa awood difaac oo joogto noqota.

WHO waxay xoogga saareysaa ka hortaga cagaarshowga nooca B (HBV) ee hooyadu u gudbiso dhallaanka, iyadoo la adeegsanayo tallaalka xilliga ilmaha dhalanaayo.

Sidoo kale Tallaalka Cagaarshowga B ee (HBV) 95-98% ayuu ka hortagaa in cudurkii u gudbo ama yeesho raagis (Chronic Hepatitis) ama u gudbo Beerka oo adkaada biyana galaan (Liver Cirrhosis) ama u beddelmo kansarka bani’aadamka khatarta ku ah ee beerka ku dhaca (Liver Cancer).

Tallaalkaan nooca B ee (HBV) waxaa la soo saaray 1982 helitaankiisa waddamada soo koraaya waa ka wanaagsan yahay waqtiyadii hore, waxaana loo qaataa marka hore bil kadib 6 bil kadib (0, 1, 6), Ururka caafimaadka adduunka wuxuu ku daray oo laga mid dhigay tallaalada joogtada ah ee caruurta la siiyo (EPI) isagoo la raacsiiyey tallaalka DTP looguna magac daray Pentavalent kaasoo waddaankeena soomaaliya maanta laga heli karo.

Talo-siinta qofka qaba cudurka Cagaarshowga

Bukaanka qaba cudurka cagaarshowga waxaan kula talinayaa marka uu cudurka isku arko ama iskaga shakiyo in durbadiiba uu la xiriiro dhaqtar, isla markaasna qaato talada iyo daawada uu siiyo dhaqtarka.

Ugu horeyntii waxaa la farayaaa:

1-Nasasho dheer oo sariirta korkeeda uu ku nasto, wax shaqo ahna uu ka fogaado muddo dhan ugu yaraan 3 ilaa 4 usbuuc.

2-Raashinka: Qofku haduu afka wax ka qaadan karo waa in uu badsadaa qaadashada cuntada macaan ama malabka shinnida si uu helo tamar badan (energy). Dabcan arrimahaas aan soo sheegnay waa ka reebban yihiin qofka kaadi-macaanka qaba.

3-Waa inuu aad u yaraystaa cunista subagga iyo cuntada shiilan. Brotiinka qiyaas ayuu u qaadan karaa. Waa inuu ka fogaado bukaanku cabidda khamriga, sigaarka iyo cunidda daawo aan dhaqtar u qorin.

Ugu dambeyntii waxaan ku soo gunaanadayaa in bulashadeena Soomaaliyeed ay xoojiyaan ka hortagga cudurrada faafa iyagoo kordhinaaya wacyigooda caafimaad si loo helo bulsho caafimaad qabta. Waxaana hubaal ah in ka hortagga cudurrada ka wanaagsan yahay daaweynta.

Waxaa Diyaariyey:

Prof/Dr. Osman Mohamud Dufle

Moqdisho, Soomaaliya

Dad kuleyl dartiis ugu geeriyooday wadanka Japan

Labaatan iyo saddex (23) ruux ayaa u dhintay kuleyl daran oo ku dhuftay dalka Japan isbuuc gudihiis, sida ay sheegtay Wakaaladda maareynta masiibooyinka ee dalkaas.

Wakaaladda ayaa ku sheegtay warbixin ay soo saaartay in 8,122 qof oo wax yeelo kasoo gaartay kuleyka in la geeyay isbitaalada si loo daweeyo.

Wakaaladda ayaa intaas ku dartay in dad kor u dhaafaya 3,000 ay ku jiraan xaalad liidata .
Dadkan ku jira isbitaalada ayaa inta badan ka weyn da’da 60 sano, sida warbixinta lagu sheegay.