Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gargaarka Koonfur Galbeed oo lagu soo dhaweeyay magaalada Xudur

Xuddur- Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo ay wehliyaan Agaasimaha guud ee Wasaarada Gargaarka Xukuumadda Soomaaliya iyo hayadaha Qaramada Midoobay ee dhanka beni’aadanimada ayaa maanta gaaray Degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.

Wafdigan ayaa ugu horeyn kormeeray xerooyinka ay ku nool yihii qaar ka mid ah barakacayaasha, halkaasi oo ay si hoose ah u wareysteen xaaladda ay ku noolyihiin barakacayaasha ku jira kaamamka ku yaala magaalada Xudur.

Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Gargaarka Koonfur Galbeed ayaa kulamo xog wareysi  ah la yeeshay Maamulada Degmooyinka Xudur, Tiyeeglow iyo wakiilada hayadaha maxaliga ee xafiisyo ku leh magaalada, waxaana maamulada laga dhagaystay xaaladda Amni iyo nolosha bulshada ku nool Xudur.

Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin ayaa sheegay in wafdiga ay uga warbixiyeen xaaladda guud ee degmada ee dhinacyada amniga iyo tan beni’aadanimo, ayna u gudbiyeen baahida ka jirta degmada Xudur.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Garkaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Abuukar Axmed ayaa sheegay in ujeedka socdaalkooda ay la xiriirtay u kuurgelidda xaaladda beni’aadannimo ee ka jirta Degmada Xudur iyo sidii wax loogu qaban lahaa qoysaska ku soo barakacay magaalada.