Mareykanka oo Hindiya kala hadlaya hagaajinta xuquuqda aadanaha

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken, ayaa Arbacadan maanta ah la kulmaya dhigiisa dalka India ka hor kulan oo la qaadan doono ra’isul wasaare Narendra Modi, xilli Shiinaha uu doonayo in la xoojiyo iskaashiga kala dhexeeya isla markaana Meesha laga saaro kala mad madowga.

Waa safarkii ugu horeeyay oo Blinken, uu ku tago Hindiya tan iyo markii uu ku biirey maamula madaxweyne Biden, waxyaabaha ay ka wada hadli doonaan waxaa kamid ah tallaalka safmarka COVID-19, xaaladda amni dalka Afghanistan iyo arrimaha xuquuqda aadanaha ee Hindiya.

Xoghaye Blinken, waxaa uu sheegay in xiriirka Mareykanka iyo Hindiya uu yahay mid aad muhiim u ah, hadalkan ayuuna ka sheegay kulan magaalada New Delhi kula qaatay qaar kamid ah madaxda ururada bulshada rayidka ah.

“Dadka Hindiya iyo kuwa Amerikaan ah waxay rumeysan yihiin sharafta bani aadanimada, u sinnaanta fursadaha, ku dhaqanka sharciga, xoriyadda diimaha.. sidoo kale dhammaan kuwani waa aas aaska dimoqraadiyada aan jecelnahay,” ayuu yiri.

Safarkiisa New Delhi waxaa laga filanayaa in aad looga hadli doona arrimaha xuquuqda aadanaha Hindiya oo ay ku jirto sharciga jinsiyadda dalkaas oo aad looga soo hor jeestay, maadaama takoorey malaayiin muslimiin ah oo wadankaas ku nool.

Xukuumadda Modi, ayaa wajahaysa eedeymo ku saabsan caburinta u ololeeyeyaasha xuquuqda aadanaha iyada oo talada dalkaas majaraha u hayaan xisbiga mayalka adag oo ay ku fogaatay Hinduusnimada.

Xoghaye Blinken ayaana la qorsheeyay in maanta gelinka dambe uu la kulmo dhigiisa Hindiya Subrahmanyam Jaishankar.

Waxay ka wada hadli doonaan arrimaha gobolka oo quseeya danaha labada dalka, cudurka safmarka ah ee COVID-19, xaaladda amni ee sii xumaaneysa ee dalka Afghanistan.

Arrimaha gobolka ee Indo-Pacific ayaa falanqeeyeyaashu leeyihiin waxaa isa soo saraya awooda militiri ee Shiinuhu soo bandhigayo, labadan dal waxay Beijing u arkaan khatar ku soo food leh.

Wada hadalka New Delhi sidoo kale, waxaa lagu faaqidi doonaa kulan madaxeedka affar geesood ah oo dhammaadka sanadkan Hindiya marti gelin doono, kaas oo u dhexeeyay, Australia, India, Japan iyo Mareykanka.

Dalalkan ayaa isu garabsanaya sidii ay uga hor tagi lahaayeen awoodda Shiinaha uu ku leeyahay gobolka Indo- Pacific.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, waxaa sidoo kale socdaal ku tagi doonaa dalka Kuwaite.