Guddiga hirgellinta doorashada K/G oo UNSOM kala wareegay qalabka doorashada

-Guddiga hirgellinta doorashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta qalabka Doorashada kala wareegey hay’adda UNSOM xafiiskeeda Baydhabo, kaas oo isugu jira sanduuqii lagu codeen lahaa iyo qalab kale, waxaana qalabka la wareegey xubno ka tirsan guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qalabkan maanta guddiga lagu wareejiyey ayaa muhiim ah howlaha shaqo ee qabashada Doorashada, waxana Guddiga gudagaleyaa diyaar garow iyo wadatashi ku qotama qabashada Doorasho xor iyo xalaal ah oo si nabdoon ku qabsoonta.