Dad kuleyl dartiis ugu geeriyooday wadanka Japan

Labaatan iyo saddex (23) ruux ayaa u dhintay kuleyl daran oo ku dhuftay dalka Japan isbuuc gudihiis, sida ay sheegtay Wakaaladda maareynta masiibooyinka ee dalkaas.

Wakaaladda ayaa ku sheegtay warbixin ay soo saaartay in 8,122 qof oo wax yeelo kasoo gaartay kuleyka in la geeyay isbitaalada si loo daweeyo.

Wakaaladda ayaa intaas ku dartay in dad kor u dhaafaya 3,000 ay ku jiraan xaalad liidata .
Dadkan ku jira isbitaalada ayaa inta badan ka weyn da’da 60 sano, sida warbixinta lagu sheegay.