Agaasime Ku-xigeenka Hay’adda Socdaalka oo kormeer shaqo ku tegay Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

Agaasime Ku-xigeenka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Kornayl Cabdifitaax Ibraahim Shaaweeye oo uu kormeerkiisa shaqo ku wehliyey Agaasimaha Waaxda Ajaanibta ee Hay’adda mudane Cabdiraxmaan Caadle, ayaa waxaa Safaaradda si diiran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen ku-simaha Safiirka Soomaaliya ee Nairobi mudane Cumar Xuseen Cali  iyo Madaxa xaafiiska Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Safaaradda mudane Xasan Nuur Xasan,  kuwaas oo uga warbixiyey xaaladihii ay Safaaraddu soo martay muddadii ay xirneyd iyo marka hadda dib loo furay howlaha shaqo ee horyaalla.

Agaasime Ku-xigeenka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa Saraakiisha Hey’adda Socdaalka ee  ka howlgasha xaafiiska bixinta baasaboorka ee Safaaradda kula dardaarmay iney si hufan ugu adeegaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee baahida weyn u qaba adeegga Hey’addu bixiso, isla markaana ay u diyaar garoobaan sidii loo daboooli lahaa culeysyada faraha badan ee horyaalla xaafiiska bixinta baasaboorada ee Safaaradda.

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federaal oo bogaadiyay hannaanka ay u dhacday doorashada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federaal Mudane Maxamed Xasan Maxamed Cirro ayaa bogaadiyay sida wanaagsan ee maanta ku qabsoontay doorashada Golaha Aqalka Sare oo ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Guddoomiye Maxamed Xasan ayaa Alle ka baryay in ay guul ugu soo dhamaato inta ka dhiman doorashooyinka, isagoo xusay in culeys weyn uu ka degay dhamaan guddiyada maadaama la doortay Xubnihii Aqalka Sare ee ugu horeeyay.

“Waxaan u mahad celinayaa Alle, waxaan dareemayaa in culays weyn uu ka degey Wadankayga, dadkayga iyo guddiyada doorashada markii maanta la doortay xubnihii Aqalka Sare ee ugu horeeyey, waxaan bogaadinayaa dadka wanaagsan ee meeshay wax marayaan soo gaarsiiyey, inta inoo hartay guul iyo wanaag ayaan Alle uga baryi.” Ayuu yiri Guddoomiye Cirro.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kormeeray dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeeray dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo Meel Wanaagsan Mareyso.

Ujeedka kormeerkan ayaa ahaa mid uu Guddoomiye Cumar Filish ugu kuurgalayay sida ay u socoto dib u dhiska waddadaas oo ah mid ay baahi weyn u qabeen Bulshada labada gobol Maadaama isticmaal keeda dhibaatooyin kala duwan lagu qabay.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhaxe Axmed Meyre Makaraan iyo Guddoomiyaha Degmada Balcad ayaa deegaanka Caliyaale kusoo dhaweeyay kolanyada Duqa Magaalada Muqdisho, waxa ayna si wadajir ah warbixin uga dhageesteen howl-wadeenada ku howlan dib-u-dhiska lagu sameynayo Waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

Kormeerkaasi kadib ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa xariga ka jaray xarun Caafimaad oo laga hirgaliyay Deegaanka Jamaal, kaas oo loogu talagalay in lagu daweeyo Hooyo iyo dhalaanka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Madaxtooyada ku qaabilay Falastiin Xasan Ibraahim

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Falastiin Xasan Ibraahim oo ah Gabadhii gashay kaalinta Seddexaad ee Imtixaanka Shahaadiga Sanad Dugsiyeedka 2020-2021.                                                                                            Madaxweynaha ayaa Falastiin u balan qaaday inuu u diraayo Jaamacad Dalka Dibaddiisa ah

Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan la qaatay Xoghayaha arrimaha dibedda ee Britain

Ra’iisul Waaaaraha Xukuumadda JFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Xoghayaha Arimaha Dibadda ee dalka Britain ,Dominic Raab kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ,arimaha amniga,xaaladda siyaasadeed iyo doorashooyinka Soomaaliya iyo la dagaalanka aragagaxisada .
Ra’isul Wasaare Rooble ayaa Dowladda UK uga mahad celiyay taageeradeda Soomaaliya ay siiso oo leh dhinacyo kala duwan.

Jubbaland oo soo gabo gabaysay wejigii koowaad ee doorashada kuraasta aqalka sare

Wejigii koowaad ee doorashada kuraasta aqalka sare Soomaliya oo maanta ka qabsoomtay maamul goboleedka jubaland ayaa goor dhowed soo gabo gabowday, Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubaland mudane, Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay natiijada afarta Senator ee maannta doorashooda la qabtay kuwaas oo ay ku guulaysteen.

1 :Senator Iftin Xasan Baasto

2: Senator Ilyaas Baddal Gaboose

3: Senator Cabdullahi Shiikh Cismaancil Fartaag

4: Senator Cabdirisaaq maxamed Cusmaan

Kuraasta maanta doorashadooda la qabtay ayaanay haba yaraatee ka muuqan qoondadii Haweenka,Xaliimo jaamac maxamed oo ahayd Haweeyneyda Kaliya ee Ka qeybgashay Tartanka ayaa Heshay 12 Cod iyada oo uu ka Guuleestay Sanater Cabdirisaaq maxamed Cismaan

Ra’iisul wasaare Rooble oo ka qayb galay falanqeyn ku saabsan waxbarashada

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka mid ah Madaxda ka qeyb qaadaneysa Shirka Caalamiga Waxbarashada ee London ayaa ka qeyb galay falanqeyn ku saabsan waxbarashada oo ay ku wehliyeen Madaxweynayaasha dalalka Sierra Leone iyo Niger.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa nasiib darro ku tilmaamay, in khilaafaadka iyo masiibooyinka dabiiciga ee ka jiray Soomaaliya sanado badan ay si weyn u ragaadiyeen waxbarshada gaar ahaan xilligii uu sida weyn sare ugu kacay Cudurka Carona dunida oo dhan taas oo ay Soomaaliya u dheer tahay dagaalka ay kula jirto kooxda argagaxisada ah ee Al-shabaab.

Xildhibaanadii ugu horeeyey ee Aqalka Sare Soomaliya oo lagu doortay Kismaanyo

Guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland, Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay natiijada kursigii ugu horreeyay ee xildhibaannada aqalka sare ee doorashadeeda ka socoto magaalada Kismaayo.

Ilyaas Baddal Gaboose ayaa noqday xildhibaankii ugu horreeyay ee loo doortay inuu ka mid noqdo xildhibaannada Aqalka Sare ee baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 2021.

Musharrax Ilyaas Baddal Gaboose waxa uu helay 55 cod, halka musharraxa kale Maxamed Axmed Maxamuud Sayid uu helay 17 cod, hal cod ayaa cilad ay ku timid oo la iska tuuray, sida uu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland,kursiga labaad ayaa waxa ku guulaystay Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo helay 73 cod, halka laba xildhibaan ka aamuseen.

Wasiirka gargaarka KG Soomaaliya oo booqday goobo muhiim ah oo ku yaalla degmada Xuddur

Wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka maamul goboleedka koofur galbeed Soomaaliya Cabdinaasir Cabbdi Caruush oo safar shaqo ku jooga magaalada Xuuddur ayaa soo Indha-indheeyay sida uu haatan u shaqeeyo Ceel biyood aasnaa oo dib loo dayactiray iyo goobo kale oo muhiim ah.

Wasiirka ayaa u kuurgalay shaqada laga qabtay Ceelka iyo sida ay bulshada halkaasi ku dhaqan uga faa’ideysanayso, isagoo warbixin ka dhagaystay guddiga arrimaha biyaha ee Degmada Xuddur oo Ceelka gacanta ku haya.

Ceelkan riigga ah oo ah midka keliya ee ay isticmaalaan dadka ku nool magaalada Xuddur oo muddo cilladaysnaa ayaa waxaa dayactir iyo dib u howlgelin ku sameeysay hay’adda ACF oo kaashanaysa maamulka Koofur galbeed Soomaaliya,

Wasiirka gargaarka ee dowlad goboleedka koofur galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush, ayaa sidoo kale booqday goobo kale oo ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah, halkaasoo ay dhowaan hay’adda ACF ugu qaybisay agab ay biyaha ku dhaansadaan, wuxuuna wasiirku si weyn ugu mahad celiyay doorka ay hay’addu ka qaadatay taakuleynta bulshada iyo dayactirka Ceelka magaalada Xuddur.

Doorashada aqalka sare oo saaka ka bilaabantay Jubaland

Doorashada qaar kamid ah kuraasta mudaneyaasha aqalka sare ee Baarlamaanka FDS ayaa goor dhaw ka bilaaban doonta xarunta shirarka Daawad ee magaalada Kismaayo.

Qudbadaha musharaxiinta ayaa socda iyadoo hadaljeedinta mudanayaasha ka dib la guda geli doono doorashada afar kursi oo ka mid ah kuraasta aqalka sare ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland, waxa sidoo kale goobta ku sugan musharaxiinta ku tartamaysa kuraasta.