Wasiirka gargaarka KG Soomaaliya oo booqday goobo muhiim ah oo ku yaalla degmada Xuddur

Wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka maamul goboleedka koofur galbeed Soomaaliya Cabdinaasir Cabbdi Caruush oo safar shaqo ku jooga magaalada Xuuddur ayaa soo Indha-indheeyay sida uu haatan u shaqeeyo Ceel biyood aasnaa oo dib loo dayactiray iyo goobo kale oo muhiim ah.

Wasiirka ayaa u kuurgalay shaqada laga qabtay Ceelka iyo sida ay bulshada halkaasi ku dhaqan uga faa’ideysanayso, isagoo warbixin ka dhagaystay guddiga arrimaha biyaha ee Degmada Xuddur oo Ceelka gacanta ku haya.

Ceelkan riigga ah oo ah midka keliya ee ay isticmaalaan dadka ku nool magaalada Xuddur oo muddo cilladaysnaa ayaa waxaa dayactir iyo dib u howlgelin ku sameeysay hay’adda ACF oo kaashanaysa maamulka Koofur galbeed Soomaaliya,

Wasiirka gargaarka ee dowlad goboleedka koofur galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush, ayaa sidoo kale booqday goobo kale oo ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah, halkaasoo ay dhowaan hay’adda ACF ugu qaybisay agab ay biyaha ku dhaansadaan, wuxuuna wasiirku si weyn ugu mahad celiyay doorka ay hay’addu ka qaadatay taakuleynta bulshada iyo dayactirka Ceelka magaalada Xuddur.