Doorashada aqalka sare oo saaka ka bilaabantay Jubaland

Doorashada qaar kamid ah kuraasta mudaneyaasha aqalka sare ee Baarlamaanka FDS ayaa goor dhaw ka bilaaban doonta xarunta shirarka Daawad ee magaalada Kismaayo.

Qudbadaha musharaxiinta ayaa socda iyadoo hadaljeedinta mudanayaasha ka dib la guda geli doono doorashada afar kursi oo ka mid ah kuraasta aqalka sare ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland, waxa sidoo kale goobta ku sugan musharaxiinta ku tartamaysa kuraasta.