Xildhibaanadii ugu horeeyey ee Aqalka Sare Soomaliya oo lagu doortay Kismaanyo

Guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland, Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay natiijada kursigii ugu horreeyay ee xildhibaannada aqalka sare ee doorashadeeda ka socoto magaalada Kismaayo.

Ilyaas Baddal Gaboose ayaa noqday xildhibaankii ugu horreeyay ee loo doortay inuu ka mid noqdo xildhibaannada Aqalka Sare ee baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 2021.

Musharrax Ilyaas Baddal Gaboose waxa uu helay 55 cod, halka musharraxa kale Maxamed Axmed Maxamuud Sayid uu helay 17 cod, hal cod ayaa cilad ay ku timid oo la iska tuuray, sida uu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland,kursiga labaad ayaa waxa ku guulaystay Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo helay 73 cod, halka laba xildhibaan ka aamuseen.