ISIR IYO ISLAAM NACEEBKA OO KU SII KORDHAAYO WADAMADA REER GALBEEDKA.

Inkastoo qarnigii tobnaad iyo wixii kadanbeeyey si caadi ah ay dunida oga jirtay is adoonsi iyo in laga ganacsado dadka adoomadah .

Sanadkii 1884kii ingiriiska ayaa ugu horeeyey in uu joojiyo ka ganacsigii adoomada(slave trade) iyadoo ay sidaasi tahay  ayaa hadana is xig xigay xoreenta dadkii laga ganacsanaayey taasoo ay kahoreesay awoodda Allah subxaana watacaalaa oo xureeyey dadka .

Waxaa soo ifbaxay qarnigii 20aad hab cusub oo lagu riixayo loona muujinaayo cunsuriyad dhanka midabka iyo diinta dadka u haajiray wadamada reer galbeedka iyo carabta.

Waxaa layaab leh qarnigaan 20aad oo dunida hormar dhankasta leh gaadhay ayaa hadana waxaa wali dunida kajidha cunsuriyad midab kala sooc ah .

Waxaa ugu daran sida looyaso ama looliido ee kunool markaasi dalalka Mareekanka , Australia, Canada , Ingriiska, Gariiga, iyo wadama kale oo katirsan Europe iyo Asia .

Baryahan danbe waxaa soo badanaya beegsiga dadka muslimka ah oo ay kadanbeeyaan falalkani dad xagjir ah oo madax martay islaam naceebka .

Waxaa jiray dhacdooyin xanuun badan oo lala beegsaday dadka muslimka ah ee kunool daafaha dunida sida kolkii lala beegsaday tacshiirad dad kutukanaayey masjid ku yaala dalkaasi Niyuuziland ,

Waxaa halkaas ku geeryooday kuna dhaawacmay dad badan oo muslim ah oo cibaadeesanaayey .

Inkastoo lasoo qabtay ee deesanihii falkaasi waxshinimada kadanbeeyey laakiin xukunkiisii aan lagu qancin , mana aha markii ugu horeeysay oo falal ceenkani oo kale ah lagula kaco islaamka .

Waxaa latakooraa oo il ku gubid lagu sameeyaa gabdhaha muslimka ee xijaaban qaarkoodna laturun tureeyo  oo jilbaha dhulka loodhigo qaarbadan dhaawac kasoo gaaray falkaas guracan.

Dalka Canada ayaa dhawaan kadhacay fal naxdin leh oo lagula kacay qoys muslim ah oo dariiqa faras magaalaha marayey ama socday waxaa lala beegsaday oo lagu jiidhay gaari halkaasna waxaa ku naf baxay  afar ruux oo kala ahaa Aabhii iyo Hooyadii iyo laba wiil ay dhaleen halka mid kaliya uu kabaxsaday falkaas arxandarada ah ee lagula kacay qoyskaasi muslimka ahaa tasoo dadfbadan oo kunool dalkaas ay ka careesiisay , waxaa dad badan ee dalkaasi dagan iskugu soo baxeen banana bax looga soo hporjeedo islaam naceebka oo ku soo kordhaayo dalkaasi.

Raiisal wasaaraha dalka Canada (Justin Trudeau) oo arrintaan kahadlay ayaa ku tilmaamay fal aan la aqbali Karin oo kabaxsan xoquuqul iinsaan wuxuu intaa ku daray in arintaasi oo kale in ay dhacdo laga fiirsan doono ayadoo baaris lagu sameen doono wixii dhacay.

Waxaa meelabadan ee kadhacdaa in lagu xardho ereyo kadhan ah islaamka oo lagu qoro macbadyada ama goobaha islaamka ku cibaadeestaan iyo meelaha muslimiinta ay kubadan yihiin oo warqadaha lagu dhajiyo oo muujinaayo hadalo islaam naceeb ah waana arin aan loo dul qaadan Karin.

Dadka laga tira badan yahay ee madowga ah ee kunool mareekanka ayaa sidoodaba lagula kacaa fal arxan daro ah oo lagu qaarajinaayo taasoo markii ugu horeesay ay soo ifbaxday ceebta booliiska markii laga duubay filim boliiska kula kaceen jooj folood jilibka qoorta ama luqunta jilibka laga saaray ilaa uu kanafbaxay falkani oo markii ugu horeesay maxkamd lasoo taagay eedeesanihii kowaad  kadib markii banaan baxyo layaab leh ay kadhaceen gobolo badan oo katirsan dalka mareekanka xukunka lagu riday ayaa dadbadan oo kunool wadan kaasi ay soo dhaweeyeen in kastoo dadbadan aysan ku qancin xukun kayar sodon sano waana qaabka reer galbeedka oo nafna naf loogooyn badalkeeda .

Arinta sikastaba ha ahaatee waxaa dalalka reer galbeedka ku soo badanaayo falal cusrnima ah oo iskugu jira islaam naceeb iyo midib kala sooc waana mid ee tahay in ddimaha la xaqdhowro taasoo ah mid lamna huraan ah oo ay kadhaxeeso dadka heysto diimaha  kala duwan mida kale cadaanka kama sareeyo madowga , madowgana kama sareeyo cadaanka laakiin gaalada yeelkadoodii.

WQ: Ibraahim Abuukar fanax

KA FEEJIGNOOW CUDURKA DUUMADA AMA MALLAARIYADA

Duumadu waa cudurka afka qalaad lagu yidhaahdo (Malaria). Waana mid ka mid ah xanuunnada faa- fa ee loo yaqaan (infectious diseases), sidoo kale waa mid ka mid ah xanuunnada ugu da’da wayn dunida, ee aadamaha ku dhaca.

Cudurka malaariyada waa cudur kudhaca unugyada dhiiga cas ee loo yaqaan (red blood cells) oo loosoo gaabiyo (RBC) wuxuuna aad ugu badan yahay meelaha biyo dageennada ah, malaariyada waxey kamid tahay cudurada ugu halista badan ee kudhaca dadka.

Duumadu waxay caan ku tahay dhulalka jooggoodu hooseeyo, wakhtiyada duumadu ugu sii badantahay waa xilli roobaadka, sida guga iyo dayrta.

Waqtigaan oo hadda dalkeena Soomaaliya uu ku jiro xilli roobaad waa waqtiyada cudurka Duumada ama Malariyada ay aadka u badan tahay waxayna si aad ah ugu nooshahay ama ay ka dhalataa goobaha biya dageenada ah iyadoo markaa ku faaftaa xaafadaha iyo guud ahaan deegaanka.

Habka ugu gudbinta badan ee cuddurkani Duumada ama Malariyada ku faaf-faa waa marka kaneecadu ka soo qaado dhiig qof qaba cudurka iyadoo qaniinyo kale ku dhufato qof kale oo ka fayow cudurka. waxay kasoo qaada dhiigga qofka qaba xanuunka duumada iyada oo dhiiggan wasakhaysan u gudbineysa qofkii an qabin xanuunka.

Qaadista duumada dadka u nugul waxaa kamida dumarka uurka leh waxay waxyeeli kartaa hooyada iyo ilmaha. Caruurta ayaa sidoo la sheega in ay kamid yihiin dadka u nugul cudurka duumada ama malariada.

Calamadaha ugu horeeya ee ka muuqan kara qofka duumada ama malaiyada hayso waxaa kamida Xumad aad u sareysa ama Qadh qadhyo oo ku timaada qofka marka ay ku cusubthay malariyada sidoo kale madax xanuun iyo daal ayaa kamida calaamadaha bilowga ah ee qofka iska dareemi karo.

Ka hortagga iyo wacyi galinta caafimaad ee cudurkaan waxaa ka wareesanay DR Zakariye Maxamuud Maxamed oo ka howlgala isbitaalka kalkaal waxa uu noo sheegay in cudurkaan duumada marka la raadinayo dawadiisa ay haboon tahay in marka hore la eego nooce kaneecada oo uu ula jeedo in duumada laf ahaanteeda heerar kala duwan ay leedahay taasoo lagu jaan-gooyo qofka xaddiga daawada ama daryeelka uu ubaahan yahay.

Waxa uu kale oo uu noo sheegay in cudurka looga hortagi karo ama looga gaashaaman karo xirashada shabaqa jiifka marka kaneecadu badan tahay ama waqtigeedii la joogo sida xili roobaadka, in guriga la iska jafo si aysan ugu raagin, waxaa kale oo uu noo sheegay Dr Zakariye in caruurta iyo hooyada ilmaha leh ay aad uga taxa-daraan maadaama ay u nugul yihiin cudurka.

Dr Zakariye ayaa intaa ku daray in qofka cudurka astaamihiisa isku arka in uu yareysan oo markiiba tago gooba lagu baaro ama lagu xaqiijiyo cudurka si aysan ugu balaaran oo heer aad u sareeya aysan ku gaarin.

WQ: Xuseen Xaaji Xasan (Shadoor

 

CAAWI MASAAKIINTA IYO DANYARTA OO HA U DEYMO LA’AAN

Waxaa ka soo kacnaa sariir raaxo badan oo dhex taallo qol qurux badan oo ku dhex yaallo guri ka sameysan dhagax, qaboojiye ka dhex guuxaayo, Telefishinkuna daaran yahay xilli kasta!.

Waxaa soo xiranaa dhar qurux badan, kabo kala xiran, gacanta waxaa ku soo xeranaa saacado qaalli ah, waxaan soo qaadannaa gaari ama waxaa soo raacnaa Bajaaj si aan u gaarno meel qurux badan oo leh hawo macaan, indhahana u roon!.

Ma hilmaamno in aan buuxsanno dabka telfoonkeenna qaaliga ah, si aan sawirro qurux badan ugu galno sheekada iyo Shaaha ka dib, waxaana soo galinaa Baraha Bulshada si Like, Love ama Woow la noogu saaro, taas oo ay noo dheer tahay sheeko raqiis ah oo loogu wan qalay “cadaw iska jabin”!.

Kuma fekerno in ay jiraan kuwo aan heysan sariirtaas raaxada badan oo dhul seexdo, qolkaas qurux badan, aqalkaas dhagaxa ka sameysan, koronto warkeedba daa, kuwaas oo ku hoydo cariish ka sameysan maryaha aa iska tuurno iyo Baco!.

Marnaba maankeenna kuma soo dhacdo in ay jiraan kuwo aan labbisan, isticmaalo lugahooda ‘lugeeyo’, heysan Telfoon ay Hellow dhahaan, haddii ay heli lahaayen cid sawirradooda keenta Baraha Bulshadana

Midkeenna kuma seexdo in ay jiraan kuwo nolosha kufisay, halka beddelkeeda nolosha uu Eebbe innaga noo kufiyay, waxaana ku jirnaa kibrinta naf dharagsan, halka beddelkeeda ay iyaga u dagaalamayaan helidda wax yar ay nafta ku badbaadsadaan!.

Halka meel aan ka simannahay ayaa ah xagga Allaah, waxa aan dheernahayna waa imtixaan adduun oo Eebbe naga qaadaayo, waxaa ku guuleysto imtixaankaas qofka fiirsha dhinacyadiisa iyo inta ka hooseyso, natiijadiisana waxey taallaa Eebbe agtiisa.

Kuwii imtixaankaas ku guuleystaa Allaha naga dhigo Aamiin

WQ: Cabdisalaan Maxamed Yaasiin

 

Wasaaradda Caafimaadka oo Bulshada fartay in ay ka qeyb qaataan ka hortagga faafitaanka COVID19.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa ugu baaqday Bulshada in ay ka taxaddaraan faafitaanka Corona Virus oo mar kale laga cabsi qabo wareegiisii saddexaad in uu ka bilowdo Soomaaliya.

Qoraal ay Wasaaraddu ku daabacday boggeeda Facebook-ga ayaa lagu yiri:-

“Ka hortaga Caabuqa Covid-19 waa masuuliyada nawada saaran, fadaln ka ilaali naftaada, qoyskaaga iyo Bulshadaada Caabuqa Covid-19. Si aan uga hortagno faafidda Caabuqa Covid-19, dhamaanteen aa dhaqan galino talooyinka caafimaad ee ka hortaga Caabuqa Covid-19, sida ku cad jaantuska hoose.”

Isbedel lagu sameeyay maamulka Booliska Jowhar

Taliyaha Ciidamada booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xajaar ayaa soo saaray wareegto xilkii looga qaaday taliyahii saldhiga Booliska degmada jowhar,isla markaana lagu magacaabayo taliye cusub.

Wareegtadaan oo kasoo baxday Xafiska Taliyaha ayaa waxaa xilka Taliyaha Saldhiga Booliska Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeellle looga qaaday dhame Maxamed Siyaad Cali canjeex .kaas oo haatan loo bedelay taliska ururka booliska .

Wareegtadaan ayaa waxaa taliyaha saldhigga degmadaasi loogu magacaabay Gaashaanle dhexe Bashiir Xasan Xalfooy.iyadoo taliyeyaasha hoggaanka cidanka booliska degaannada Hir-Shabeelle la faray inay la socdaan xilka qaadista iyo magacaabista xilalkaasi, isla markaana ay la Shaqeeyaan Taliyaha Cuusb.

Duulimaadkii ugu horreeyay ee sida shaqaale Afganistaan ah oo gaaray​​ Mareykanka:

Duulimaadkii ugu horreeyay ee ay la socdaan dad ka badan 221 ruux oo isugu jiray shaqaale turjubaanno ah,qoysaskooda iyo kuwo kale,isla markaana  ay ku jireen 72-caruur ah ayaa saaka oo jimco ah ka degtay garoonka diyaaradaha magalada Washington ee carigga Mareykanka,iyagoo ka ambabaxay dalka Afganistaan.

Ugu yaraan 750 reer Afgaanistaan ​​ah iyo qoysaskooda ayaa mar horeba la ansixiyay in la qaado,waxana dadkaasi oo u badan turjubaanno la sheegay in ay ahaayeen kuwao 20-kii sano ee u dambeeyay la shaqeynaayey ciidamada Mareykanka ee joogay Afganistaan.

Dad badan oo reer Afgaanistaan ​​ah oo la shaqeynayey ciidamada NATO ee Mareykanku hogaaminayo ayaa ka baqaya aargoosi kaga yimaada Taliban iyadoo ciidamada Mareykanka loo qorsheeyay inay baxaan dhamaadka bisha Agoosto.

“Mareykanku waxaa ka go’an inuu caawiyo kuwii na caawiyay waqtiyadii adkaa ee aan joognay Afghanistan ” ayuu yiri Blinken maalinimadii shalay ,xilli lagu jiray shir jaraa’id oo oo ay wadaqabteen dhigiisa Kuwait.

R/wasaare Rooble oo la kulmay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska

R/wasaaraha dalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble,ayaa magaalada Lomdon kulan muhiim kula qaatay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Dalka Ingiriiska Mr.Dominic Raab

Labada mas’uul ayaa si gaar ah uga wadahadlay xoojinta xiriirka shaqo ee labada dal iyo sidii Soomaaliya looga caawin lahaa horumaaa socda.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalka Ingiriiska Dominic Raab ayaa sheegay in xukuumadda dalkaasi ay ka go’an tahay fulinta taageerada nabadda iyo xasilloonida dalka Soomaaliya ee muddada-fog.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha UK Britain Boris Johnson

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane  Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha UK Britain Boris Johnson kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada waddan ,arrimaha amniga Soomaaliya iyo Gobolka, horumarinta waxbarashada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo gargaarka.

Kulanka ayaa waxaa Ra’isul Wasaare Rooble ku weheliyay Wasiirada Arimaha Dibadda iyo Waxbarashada, kuwaas oo Ra’iisul Wasaaraha kala qeyb galay Shirka Caalamiga Waxbarshada ee London.

Taliyaha Ciidammada Mareykanka ee AFRICOM oo booqday Xerada Kumandooska Danab ee Bali-doogle

Taliyaha Ciidammada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) Gen. Stephen J. Townsend, ayaa Booqasho ku tagey Xerada Ciidanka Kumandooska Danab ee Bali-doogle, Waxaana halkaasi kusoo dhaweeyey Taliyaha ururka 4-aad ee guutada 16-aad ee Kumandooska Danab XDS Dhamme Maxamed Cabdiqaadir Cali iyo Saraakiil kale.

Ciidanka Xoogga oo Jab Xooggan u geystay Argagixisada Alshabaab

Ciidamada Xoogga Dalka, gaar ahaan Qeybta 27aad ayaa saaka ku jarmaaday Deegaanno hoostaga Degmada Buulo-burde oo Argagaxisada ay ku dhibaateen jireen dadka shacabka ah.

Geesiyaasha Ciidanka xoogga Dalka oo adeegsanaya Xeeladaha Dagaalka ee Ciidan ayaa Dagaal culus la galay Maleeshiyaadka Argagaxisada, waxaana CXD durba aay Cadowga kala wareegeen Deegaanno dhowr ah sida Ceelbacad iyo kuwo kale.

Dagaalka ayaa intii uu socday waxay Ciidanka xoogga gacanta ku dhigeen Hub iyo Saanad Ciidan oo Argagaxisada ay ka furteen, waxaana Argagaxisada goobta Dagaalka ay uga carareen meydad badan oo isugu jira Horjoogayaal iyo dhallinyaro ay soo qaldeen.

31-kamida Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab ayaa lagu dilay Dagaalkii Maanta tiro intaa kabadana waa looga dhaawacay

Dagaalkan ayaa Ciidanka xoogga waxa ay ku furteen Hub farabadan oo ay kamid ahaayeen14-qori oo AK-47 ah 1-qori oo BKM ah iyo 1-qoriga Baasuukaha ah sida uu Warbaahinta Ciidamada u Xaqiijiyay Taliyaha Qeybta 27-aad Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya Jeneral Axmed Maxamed Calasow Treedisho oo howlgalkaasi Hoggaaminaya

Ciidanka Xoogga dalka  ayaa guulo wax ku ool ah ka gaaray Maalmihii ugu dambeeyay Dagaalada Argagaxisada ay kula galeen Deegaano badan oo katirsan Gobolka Hiiraan.