CAAWI MASAAKIINTA IYO DANYARTA OO HA U DEYMO LA’AAN

Waxaa ka soo kacnaa sariir raaxo badan oo dhex taallo qol qurux badan oo ku dhex yaallo guri ka sameysan dhagax, qaboojiye ka dhex guuxaayo, Telefishinkuna daaran yahay xilli kasta!.

Waxaa soo xiranaa dhar qurux badan, kabo kala xiran, gacanta waxaa ku soo xeranaa saacado qaalli ah, waxaan soo qaadannaa gaari ama waxaa soo raacnaa Bajaaj si aan u gaarno meel qurux badan oo leh hawo macaan, indhahana u roon!.

Ma hilmaamno in aan buuxsanno dabka telfoonkeenna qaaliga ah, si aan sawirro qurux badan ugu galno sheekada iyo Shaaha ka dib, waxaana soo galinaa Baraha Bulshada si Like, Love ama Woow la noogu saaro, taas oo ay noo dheer tahay sheeko raqiis ah oo loogu wan qalay “cadaw iska jabin”!.

Kuma fekerno in ay jiraan kuwo aan heysan sariirtaas raaxada badan oo dhul seexdo, qolkaas qurux badan, aqalkaas dhagaxa ka sameysan, koronto warkeedba daa, kuwaas oo ku hoydo cariish ka sameysan maryaha aa iska tuurno iyo Baco!.

Marnaba maankeenna kuma soo dhacdo in ay jiraan kuwo aan labbisan, isticmaalo lugahooda ‘lugeeyo’, heysan Telfoon ay Hellow dhahaan, haddii ay heli lahaayen cid sawirradooda keenta Baraha Bulshadana

Midkeenna kuma seexdo in ay jiraan kuwo nolosha kufisay, halka beddelkeeda nolosha uu Eebbe innaga noo kufiyay, waxaana ku jirnaa kibrinta naf dharagsan, halka beddelkeeda ay iyaga u dagaalamayaan helidda wax yar ay nafta ku badbaadsadaan!.

Halka meel aan ka simannahay ayaa ah xagga Allaah, waxa aan dheernahayna waa imtixaan adduun oo Eebbe naga qaadaayo, waxaa ku guuleysto imtixaankaas qofka fiirsha dhinacyadiisa iyo inta ka hooseyso, natiijadiisana waxey taallaa Eebbe agtiisa.

Kuwii imtixaankaas ku guuleystaa Allaha naga dhigo Aamiin

WQ: Cabdisalaan Maxamed Yaasiin