Ciidanka Xoogga oo Jab Xooggan u geystay Argagixisada Alshabaab

Ciidamada Xoogga Dalka, gaar ahaan Qeybta 27aad ayaa saaka ku jarmaaday Deegaanno hoostaga Degmada Buulo-burde oo Argagaxisada ay ku dhibaateen jireen dadka shacabka ah.

Geesiyaasha Ciidanka xoogga Dalka oo adeegsanaya Xeeladaha Dagaalka ee Ciidan ayaa Dagaal culus la galay Maleeshiyaadka Argagaxisada, waxaana CXD durba aay Cadowga kala wareegeen Deegaanno dhowr ah sida Ceelbacad iyo kuwo kale.

Dagaalka ayaa intii uu socday waxay Ciidanka xoogga gacanta ku dhigeen Hub iyo Saanad Ciidan oo Argagaxisada ay ka furteen, waxaana Argagaxisada goobta Dagaalka ay uga carareen meydad badan oo isugu jira Horjoogayaal iyo dhallinyaro ay soo qaldeen.

31-kamida Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab ayaa lagu dilay Dagaalkii Maanta tiro intaa kabadana waa looga dhaawacay

Dagaalkan ayaa Ciidanka xoogga waxa ay ku furteen Hub farabadan oo ay kamid ahaayeen14-qori oo AK-47 ah 1-qori oo BKM ah iyo 1-qoriga Baasuukaha ah sida uu Warbaahinta Ciidamada u Xaqiijiyay Taliyaha Qeybta 27-aad Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya Jeneral Axmed Maxamed Calasow Treedisho oo howlgalkaasi Hoggaaminaya

Ciidanka Xoogga dalka  ayaa guulo wax ku ool ah ka gaaray Maalmihii ugu dambeeyay Dagaalada Argagaxisada ay kula galeen Deegaano badan oo katirsan Gobolka Hiiraan.