War-murtiyeed: Baaqa Xaaladaha Bini-aadanimo ee Soomaaliya

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa walaac aad u xooggan waxay ka muujisay xaaladda bini-aadanimo ee Soomaaliya oo aad isku soo tarayay.

Shir deg deg ah oo u dhaxeeyay Wasaaradda Gargaarka Federaalka, Wasaaradaha Dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa  lagu sheegay in laga walaacsan yahay xaaladda 5.9 Milyan oo Soomaali ah kala bar tirada dadka Soomaaliyeed ay wajahayaan xaalado adag.

  War-murtiyeedka Xaaladaha Bini-aadanimo ee Soomaaliya:-

Jadwalka doorashada Aqalka sare ee K/galbeed oo la shaaciyay

Iyadoo madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen uu shaaciyay Liiska xubnaha u tartamaya Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadana dhinaca kale waxaa la soo saaray jadwalka faah faahsan ee qabashada doorashada Aqalka sare.

Maanta oo sabti ah waxaa la shaaciyay magacyada musharaxiinta, beri oo axad ahna waxaa la qabanayaa codsiyada tartamayaasha halka isniinta oo ku beegan 2-bisha Agoosto kulansaneyso jeedinta khudbadaha musharaxiinta xubnaha Aqalka sare iyo qabashada doorashada,sida ay sheegeen guddiga maamulka doorashada heer Dowlad goboleed koonfur galbeed.

 Halkaan hoose ka Akhriso Jadwalka doorashada oo faah faahsan:-

Madaxweynaha K/galbeed oo soo saaray Liiska xubnaha musharaxiinta Aqalka sare

Baydhabo.(SONNA):- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa soo saaray liiska xubnaha musharaxiinta ee u tartamaya kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Halkaan Hoose ka Akhriso magacyada xubnaha la shaaciyay:- 

Madaxweyne Farmaajo oo Tababar u soo xiray Saraakiil iyo Saraakiil Xigeen ka Qalin-Jabiyay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TURKSO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay munaasabad tababar loogu soo xirayey Dufcaddii 3-aad ee Layli Saraakiil  iyo Dufcaddii 4-aad ee  Layli Saraakiil Xigeen ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo ka qalin-jebiyey Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TurkSom ayaa abaal-marinno guddoonsiiyey Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada galay kaalmaha hore.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada maanta qalinjabiyey looga baahan yahay in ay hormuud u noqdaan qorshaha Qaran ee dhismaha Ciidammada Qalabka Sida, safka horena ka galaan dagaalka lagaga xoreynayo dalkeenna argagixisada.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka, qalabayntooda iyo tayeyntooda, si dib loogu soo celiyo cududda iyo tayada ay ku tilmaaman yihiin Cidiimmada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in dowladdu ay ku guuleysatay barnaamijka tababarka iyo tayeynta Ciidamada Xoogga Dalka, iyada oo dugsiyada tababarka ee gudaha dalkeenna lagu leylinayo Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno hanan kara tayeynta iyo hoggaaminta Ciidanka.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga dadaalka ay ku bixiyeen in saraakiishan lagu carbiyo dalka gudihiisa, waxa uuna xusay in xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi mug weyn.

Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Mehmet Yilmaz, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud, Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga  Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabbaas Amiin Cali, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Wasaaradaha Gargaarka dalka oo walaac ka muujiyay Xaaladda Bini’aadanimo ee dalka

Kullan ay soo agaasintay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS oo ay qeyb ka ahaayeen Wasaaradaha gargaarka maamul-goboleedyada ayaa looga arinsaday Xaaladda Bini’aadannimo ee dalka.

halkan ka aqriso Baaq ay si wadajir ah u soo saareen.

Dib u eegista Siyaasadda Qaran ee dhalinyarada oo Dhuusamareeb looga arinsanayo.

Kullan looga arinsanayay dib-u-eegista siyaasadda Qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed oo ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah dhalinyarada reer Galmudug ayaa magaalada Dhuusamareeb lagu qabtay maanta.

Kullankan ayaa waxaa si wadajir ah u soo agaasimay Wasaaraddaha dhalinyarada iyo Ciyaaraha heer Federaalka iyo heer maamul goboleed ee Galmudug.

Muddo labo maalmood ah ayuu kullankan uga socon doona ka qayb galayaal isugu jira rag iyo hablo si gaar gaar ah us oo gudbin doona aragtiyadooda wax galka ah ee muhiimka u ah ku biirinta dib u eegista siyaasada qaran ee dhalinyaradda Soomaaliyeed oo fadhigan ay wadajir u soo agaasimeen Wasaaraddaha dhalinyarada iyo Cayaaraha Federaalka iyo Galmudug.

Agaasimaha Guud ee wasaarada Dhallinyarada iyo Cayaaraha Galmudug ayaa kula dardaarmey dhalinyarada ka qayb galeysa shirkan in ay la yimaadaan wax ku biirin baaxad leh, si la mid ah shan sano ka hor doorkii Galmudug ay ku yeelatey siyaasada qaran.

Guddiga doorashooyinka KGS oo Saraakiisha Amniga Kala hadlay sugida Amniga goobaha doorashada

Guddiga Hirgellinta Doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta Shir looga Hadlayey sugidda amaanka Goobaha Doorashooyinka la qaatey Saraakiishada Ciidamada Loo xilsaarey Amniga Doorashooyinka  Booliska Soomaaliya  AMISOM iyo  UNSOM.

Guddiga iyo saraakiisha ayaa iska xog wareeysatay sida ugu wanaagsan ee loo sugi karo Amniga Goobaha ee doorashada Aqalka sare ay ka dhici doonto,si loo xaqiijiyo Amniga Gobahaasi

Dhanka kale Guddiga Hirgellinta Doorashada heer Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Xubnaha Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Qabashada Doorashada Aqalka Sare ayaa Shir ku yeeshey Magaalada Baydhabo.

Waxana Shirka Shir Gudoomiyey Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka KGS Mudane Yusuf Abdulkadir Mohamed Waxana Looga Hadley Dardar Gelinta Howlaha Shaqo ee Labada Gudi iyo Xoojinta Wadashaqeynta Guddiyada ..

Xubna Ka Socda Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Oo Gaaray Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga doorashooyinka heer Federaal Mowliid Mataan ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo waxana Garoonka diyaaradaha shaati Guduud  ee magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay xubnaha Guddiga hirgelinta doorashooyinka Koonfur Galbeed iyo xubna kale oo maamulka katirsan.

Ujeedka Guddiga ee gaaray Baydhabo ayaa ah dardar-gelinta shaqooyinka Arrimaha doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee ka dhaceysa Baydhabo.

Xubnaha  ayaa sidokale wararku waxa ay sheegayan in kulama ay la qaadan doonaan Madaxweyne Cabdcasiis Xasan lafta-gareen iyo xubnaha Guddiyada hirgelinta doorashooyinka Koonfur Galbeed oo ay kala hadli donaan qabashada doorashada Aqalka sare.

WARBIXIN: KU SAABSAN CUNTADA CARUURTA U WANAAGSAN

Dad badan oo waa weyn waxay dareemi lahaayeen caafimaad haddii ay cunista dufanka yareeysan lahaayeen.

Dufanka aan dhaqso u milmin waxaa laga helaa xoolaha. Dufankaa aan dhaqso u milmin waxeey ku jiraan caanaha dufanka badan, garoorka, subagga burcadka ah, hilibka baruurta leh, labeenta, jallaatada iyo shukulaatada.

Sido kale dufanka aan dhaqso u milmin waxaa laga helaa saliida dhirta sida saliida qumbaha iyo geed hindiga.

Dufanka aan dhaqso u milmin wuxuu siyaadiyaa khatarta cudurrada wadnaha iyo xiddidada.

Dufanka dhaqso umilma wuxuu u wanaagsan yahay jirka. Wuxuuna yareeyaa khatarta cudurrada wadnaha iyo xiddidada.

Dufanka dhaqso u milma waxaa laga helaa saliidda dhirta badankeed, subagga dareeraha ah, mallaayga, iyo noocyada lawska.

Khudaarta iyo cagaarka waxaa laga helaa maaddooyin jirku u baahan yahay, sida fiitamiinno, macdan.

Khudaarta ay ka mid yihiin digirta iyo noocyada kabashka waxaa ku jiro fiiberka. Waa wanaagsantahay in maalin walba la cuno khudaar iyo cagaar.

Mallaayga iyo xayawaanka badda waxaa ku badan fiitamiinada iyo macdanta. Waxaa kaloo mallaayga laga helaa dufan lagu magacaabo omega 3, wuxuuna u wanaagsan yahay wadnaha, dhiigga iyo cadaadiska dhiigga aad dooneyso in miisaankaagu uu noqdo mid caafimaad leh, ha badsan cuntada ay ku jirto sonkorta iyo dufanka.

Sidaas darteed, iska ilaali cabidda cabitaannada aashitada sokorta leh iyo cunida nacnaca, bardhada shiilan, doolshaha iyo shukulaatada.

Talooyin ku socdo caruurta Caruurta waxay u ubahan yihiin in la siiyo cunto nafaqo leh kuna cunaan xilliyo go’an.

Si ay si six ah ugu koraan oo ugu weynaadaan, dhallanka cuntada ugu fiican waa caanaha-hooyada (caanaha naaska) ama caanaha loo qaso caruurta yar.

Rugaha daryeelka caruurta waxaad ka heli kartaa warbixin dheeraad ah oo ku saabsan cunto caruurta uu wanaagsan.

Dhaqdhaqaaqa iyo jimicsiga Bani aadanku wuxuu caafimaadkiisa ugu baahan yahay in uu dhaqdhaqaaqo.

Jimicsiga waxuu yareeyaa cudurro badan oo ay ka mid yihiin cudurrada wadnaha iyo xiddidada, iyo cudurrada kansarka qaarkood, Jimicsiguna wuxuu kugu kordhinaa farxad.

Jiifka ayaa ku wangaasamaayo, kadeedka ayaa ka yaranaayo, miisaankaaguna ma kuugu kordhaayo.

Dadka waa weyn waa in ay dhaqdhaqaaq socod sameeyaan 30 daqiiqo maalin walba, uma baahnid in aad samayso jimicsi badan si aad u caafimaaddo, waxaa kugu filan adigoo lugeeya.

Carruurtu waxay u baahan yihiin dhaqdhaqaaq ka badan kan dadka waa weyn, Si ay u caafimaad-qabaan waxay ubaahan yihiin 60 daqiiqo oo dhaqdhaqaaq ah maalin walba.

Kadeed: dad badan ayaa waxay dareemaan kadeed (isteriska), Taasina ma u baahna in ay noqoto arrin khatar ah, Kadeedka wuxuu qofka siiyaa awood badan oo uu ku xalliyo xaaladooyin adag, laakiin haddii uu kadeedkaagu bato wuxuu khatar ku noqon karaa caafimaadka.

Haddii aad dareemeyso kadeed, waxaa wanaagsan in aad marka hore fahanto sababta, markaas waxaa isku dayi kartaa in aad xaaladdaada wax ka baddasho.

Astaamaha lagu garto kadeedka waxay yihiin hurdo xumi iyo adigoo dareensan farxada oo yaraato.

Waxaa kuugu adkaan karta in aad wax isku taxallujiso, xasuustaada ayaa xumaan karta oo waxaa kugu dhici kara calool-xanuun, madaxanuun iyo xanuun qeeybo kale ee jirka ka tirsan.

Haaddii aad dhaqdhaqaaqa badsato, cunto fiican cunto oo in kuugu filan seexato, waxaad jirka ku caawineeysaa in uu ka badbaado kadeedka.

Hurdada Waa muhiim in aad hesho hurdo wanaagsan si aad u dareeynto ficnaansho.

Qofka weyn wuxuu u baahan yahay lix ilaa sagaal saacadood afar iyo laabatankii saacba, Caruurta iyo dhallinyarada waxay u baahan yihiin waqti intaa ka badan.

Waa caadi in qofku dhibaato kala kulmo hurdada, waxaana sabab u noqon karta arrimo badan oo ay ka mid yihiin tubaakada, iyo wax yaabaha kale ee maanka dooriya, cudur, welwel iyo kadeed ama cuntada la cuno xilli danbe.

Waxaad si gaar ah uu sameyn karta si ay hurdada kugu sii ficnaato waa in aad seexato qol mugdi ah, aan buuq laheyn isla markaana qandac ah.

Hurdada waxey ku sii sahlanan kartaa haddii aad iska ilaaliso cunto cunida xilliga aad seexa rabtid, haddii aad seexato aadna soo kacdo maalin walba isla waqtigaas, waxey kuu sahli kartaa in aad hesho hurdo fiican.

Haddii aad xilli dheer hurdada dhibaatooyin kala sii kulantid waxaa fiican in aad raadsatid daryeel caafimaad oo dhakhtarka aad la xiriirto.

WD: Ibraahim Warsame Xuseen

BARAHA BULSHADA GAAR AHAAN TIK TOK-GA OO ISU BEDDELAY BADEECO WAA TII BANAAN TAAL

Baraha bulshada ujeedkii ay ka lahaayeen khubarradii soo aliftay waxay ahayd si loo horumariyo arrimaha bulshada in la helo adeegsi baro bulshadu ay ku kulanto leyskuna dhaafsado aaraada kala duwan iyo firkradaha, taasoo sababtay in adduunka oo dhan dadka ku nool ay noqdaan kuwo hal qol kuwada jira, wixii meel ka dhacana ilbiriqsiyo gudahooda lagu maqlo laguna arko, waa horumar loo baahnaa waana marka laga fiiriyo dhanka horumarka iyo faa’iidada.

Dhanka kale, Waxay Soomaalideennu tiraahdaa Nimco kastaba Nusqaanteed leh, isticmaalkii baraha bulshada waxaa loo adeegsaday si aysan ugu tala gelin dadkii soo ikhtiraacday, waxaana haatan is garab socda u isticaal si khaldan iyo u isticmaal si saxan.

You tube-ka ayaa dadka haatan isticmaala waxay u badan yihiin dhallinyaro iyagoo ka sameeya lacag muqaallada ay soo dhigaan baraha ay ku leeyihiin You tube-ka.

Sidoo kale, Aaladaha leyska arko iyo Mareegaha Internetka, ayaa dunida waxay ku soo kordhiyeen horumar aan caadi marnaba ahayn taasi oo ah tillaabo horay loo qaaday dunidana ay ku diirsatay.

Haddaba, ujeedka maqaalkeyga waxaan uga gon leeyahay kuna saabsan yahay marka laga tago kuwa sida wanaagsan iyo ka faa’iideysa u qaata, waxaa jira in ay soo baxeen dhallin si khaldan oo aan aqlaaqda ku wanaagsaneyn u isticmaala waayadan dambe, gaar ahaan dhallinteenna, waxaana igu kalifay inaan maanta si ficil ah uga hadlo in marka aad aragto dhallintii soomaaliyeed qaarkood oo baraha bulshada soo dhigaya wax aan ku wanaagsaneyn sumcadda ummadda soomaaliyeed, waayo annagu waxaan nahay ummad islaam ah, adduunkuna nagu yaqaan inaan nahay dad boqolkiiba boqol islaam ah oo muwaxidiin ah.

Haddaba, marka qof soomaali ah uu ku dhiirado in uu soo dhigo baraha bulshada wax aqlaaqda ka fog, taasi waxay naga bixineysaa aragti aan la mahdin.

Qofka islaamka ah waxaa looga baahan yahay in uu ilaaliyo sumacaddiisa, Diintiisa iyo tan Waddankiisa.

Haddaba, waxaan si aada ula hadlayaa dhallinta tik tok-ga isticmaasha oo waayadan dambe caadeystay in ay soo dhigaan wax aan lagu farxi Karin kana turjumeynin quruxda soomaalida iyo asluub wanaagga ummadda islaamka ah ee soomaaliyeed.

Waxaa si aada usoo badanaya tik tok-yada gabdhaha soomaaliyeed ay soo dhigayaan baraha bulshada iyagoo halkaasi ka raadinaya waxa loo yaqaanno fiyuus, haddaba walaal fiyuus miyaad quruxdaada iyo jirkaada u soo bandhigeysaa oo caalamka wada tuseysaa, markaad furtaba you tube waxaa kugu soo boodaya wiilal iyo gabdho wada Niikinaya sidii gaaladiina isku xoqonaya.

Waxaa aad u batay niikada waxa loo yaqaanno, niikadu Af Carbeedka haddii loo fiiriyo waxay yeelaneysa magac aad u xun oo wasaqeysan.

Waxaad kaloo arkeysaa dhallinyaro ku dhiiratay in ay soo dhigaan iyagoo sameynaya wax u ek inay dusha iska saaran yihiin, taasoo ay dadka u tusayaan in soomaaliya ay wax waliba iska caadi yihiin oo gabdha iyo wiilasha sidaasi isugu dheg-dhegaan.

Sidoo kale, waxaa jira You tube-yo loo furtay in lagu fasahaadiyo gabdhaha iyo wiilasha soomaaliyeed kuwaasoo sameeya waxa loo yaqaanno Niikada una ek meel si gaar ah looga shaqeysto si looga soo saaro mar waliba filim cusub oo Niiko ah, waa wada macruuf oo qofkii you tube-ka gala uu markiiba arki karo, taasi ma ku tilmaami karnaa anshax iyo Sharaf, adduunkuse managa yeelayaa dad dhowrsan inaan nahay, intaasi oo khaladaad ah waxaa sababaya lacagta fasahaadsan ee loo yaqaanno fiyuuska laga sameeyo you tube-ka.

Waxaa jira dad si wanaagsan uga soo saarta fiyuuska iyagoo u maraya dariiqyo nadiif ah, balse dadka qaarkiis waxay ka gudbeen xeradii iyo xadduudkii loogu tala galay anshaxa, haddaan haatan la qabanna waxay u dhaadhici doonaan oo ay sameyn doonaan wax lama arag iyo lama maqal ah.

Haddaba, inta ay goori goor tahay waxaa habboon in wax laga qabto dhallinta fakatay ee ku dheeleysa magaca ummaddan sharafka badan ee soomaaliyeed una yeelaya waji aysan lahayn.

Aad bay u mahadsan yihiin dhallinta ku faanta magacooda dalkooda iyo calankooda kuwaasoo dunida baraya soomaali waxay ay tahay iyo qaninimada ay ku sugan tahay, kuwa muujiya horumarka iyo quruxda dalka waa kuwa aan aad ugu amaanayo in ay yihiin kuwii qaaday dariiqa saxda ah.

Balse kuwa ardaalka ah ee aan waxba reebin, waxaan leeyahay ka waantooba ficilka xun ee aad la dhex-joogtaan you tube-ka, waayo you tube-ka waxaa fiirsada caalamka oo dhan waa halka ay dunida ka barato waxa aa tahay soomaalinimadaada, dhaqankaada, diintaada iyo horumarkaadaba.

Marka hore, waxaan u sheegayaa dowladda soomaaliyeed in ay fiiro gaar ah u yeeshaan kuwa sumacadda umadda beddelaya, dhaqankeenna iyo diinteenana fool xumeynaya, waana dhallinta ku jirta youtubka gaar ahaan kuwa isticmaala tik tok-ga, waxaana ka codsanayaa in ay ka howlgalaan hay’adaha ku shaqada leh gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Ciidamada Asluubta qeybaha anshaxa iyo qeybihii faafreebka ee Wasaaradda Warfaafinta, kuwaasoo la dagaallami jiray soona xir xiri jiray kuwa ku dheelaya anshax wanaagga iyo sumacadda Qaranka.

Dhallinta ku howlan arrintan waxaan uga digaya in ay ka waantoobaan suurad xumeynta dhaqanka suuban ee soomaalida.

Qof soomaali ah hadduu ka soo muuqdo aaladaha leysku yiraahdo baraha bulshada waa inuu u muuqdaa qof Sharaf leh oo qurux badan isagoo ka turjumaya dhammaan ummadda soomaaliyeed, waayo adiga ka muuqda aaladda waxaad u taagan tahay soomaali, markaa walaal haddiiba ay dhacayso inaad ka soo muuqaneyso muuji hankaada iyo qiimaha dalkaada oo ku faan, kuna faafi wax wanaagsan oo dunida kaaga dayato, waayo Meesha waxbaa leysku dhaafsadaa, hanoqdeen waxa aad gudbineyso wax u cuntama dadka ku daawanaya ee dhakac dhakac hala soo istaagin Meesha.

Waxaan rajeynayaa in loo qaato waano iyo wacyigelin dhallinta soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa aan kor ku soo xusay in ay wax ka beddelaan hab dhaqanka ay ku socdaan iyo waxa aan ka soo hadalnay oo aan lagu dheelin sumacadda wiilasha iyo gabdhaha soomaaliyeed ee quruxda badan sharafkooda iyo sida loo arko.

WQ:Osman Dhiblaawe