Doorashada kuraasta shan senatar oo maanta ka dhaceysa Baydhabo

Baydhabo- Maanta oo isniin ah ayaa lagu wadaa in ay magaalada Baydhabo ka dhacdo doorashada Sanataro ka tirsan Xildhibaanada Aqalka Sare ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in maanta ay magaalada Baydhabo ka dhacayso doorashada shan sanator oo  ka mid ah xildhibaanada aqalka sare ee laga soo doorto Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.

Sabtidii la soo dhaafay, ayaa madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed wuxuu soo gudbiyay musharixiinta ku taartamayo Shan ka mid ah kuraasta Aqalka Sare oo ay deegaan doorashadooda tahay Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maamulka Koonfur Galbeed u rajeeyay in doorashada ay ku qabsoonto jawi nabdoon oo hufan.

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya oo ku wajahan Baydhabo+

Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya Cabdullahi Abyan Nuur iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka ku wajahan Dowlad Goballeedka Koonfur Galbeed.

Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee ku wajahan Baydhabo oo ka kooban 6 xubnood ayaa goobjoog u noqon doona Doorashada Aqalka sare ee maanta lagu wado in ay ka dhacdo magaaladaas.

Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad goboleed Koonfur Galbeed ayaa sabtidii shaaciyay jadwalka doorashada xubnaha Aqalka sare oo maanta isniin ah dhaceysa.

Shirka dib u eegista siyaasada Qaran ee dhalinyarada oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Gunaanadka shirka Dib u eegista Siyaasada Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo maanta u aheyd maalintiisii labaad ayay ka qayb galeen hablo loo soo xulay ku biirinta soo jeedino la xiriiro dib u eegista siyaasada qaran ee dhalinyaradda Soomaaliyeed oo magaalada Dhuusamareeb ay wadajir ugu qabteen Wasaaraddaha dhalinyarada iyo Cayaaraha dowladda Federaalka iyo Galmudug.

Calas Cabdinuur Barre Gudoomiyaha dhalinyarada Caasimada iyo Caruuse Macalin Maxamed Gudomiyaha ururka Dhallinyarada Galmudug ayaa ugu horeyn ka waramay talada dhalinyarada ee siyaasadan qaran.

Cabdullahi Cabdi Maxamed Xiirey agaasimaha waaxda dhallinyarada ee Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlada federalka ayaa dhalinyarada reer Galmudug ku bogaadiyey talo soojeedintooda muga leh.

Ugu dambeyntii Cumar Cabdi Maxamed Agaasimaha Guud ee wasaarada Dhallinyarada iyo Cayaaraha Galmudug ayaa kula dardaarmey dhalinyarada ka qayb galeysa shirkan in ay sii wadaan dhiiranaantooda oo ay qayb kasii noqdaan talooyinka lagu biirinayo shuruucda dalka.

 

Madaxweyne Deni oo goob joog ka noqday heshiis ku kacaya $7.4 Million oo ay kala saxiixdeen laba wasaaradood

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta goobjoog ka ahaa heshiis dayactir ah wadooyinka Puntland lagu sameynayo, kaas oo ku kacaya $7.4 Million, waxaana la sheegay in lacagtaas ay bixinayso Puntland .

Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday Wasaaradda Maaliyadda oo bixinayso Lacagta iyo Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gadiidka oo fulinaysa, waxaana u kala saxiixay labada Wasiir ee Wasaaradahaasi Mudane Xasan Shire Cabdi iyo Mudane Axmed Bashiir Muuse iyadoo sidoo kale uu kulanka  ka qeybgalay Wasiirka Qorsheynta Mudane Cabdiqafaar Xaange.

Wadooyinka la dayactirayo ayaa kala ah:

Juurile- Boosaaso

Qardho – Garoowe

Garoowe- Brita dheer

Garoowe-Falaryaale.

Qorshaha horumarinta kaabayasha dhaqaalaha wuxuu qeyb ka yahay siyaasada tayeynta iyo horumarinta Puntland, waxaana kharashka ku baxaya dhammaan dayactirka wadooyinka oo dhan $7.4 Million bixinaysa Dowlad goboleedka Puntland .

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo Gaaray Caabudwaaq

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa soo gaaray magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud oo si weyn loogu soo dhoweeyay .

Guddoomiya ku-xigeenka ayaa markii uu soo gaaray Caabudwaaq waxa sii diiran ugu soo dhaweeyay Maamulka Degmada Caabudwaaq Wasiiro  iyo Mudanayaal Ka tirsan Galmudug iyo qeybaha bulshada.

Mudane Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyay Madaarka Diyaaradaha Degmada waxaa uu ka mahad ceshay soo dhaweynta loo sameeyay.

Dowladda oo faafaahin ka bixisay duqeyntii maanta Dhagar-qabayaasha Alshabaab lala beegsaday.

Dhuusamareeb – Dowladda Soomaaliya ayaa faafaahisay duqeyn maanta lala beegsaday Kooxda Argagixisada Alshabaab.

War-saxaafadeed ay dowladdu soo saartay ayaa lagu faafaahiyay sida loo beegsaday Argagixisada iyadoo la dhowrayo in shacabka deegaanadaas aanu waxba gaarin.

Qoraalka ayaa u dhignaa sida tan.

Muqdisho, 1-da Agoosto, 2021, Mar labaad ciidamada Danab, SNA iyo saaxibadood ayaa duqeeyay maanta abaarahii 10:22 barqanimo inta u dhaxeysa magaalooyinka Bacaadweyn, Cammaara iyo Wasil nawaaxigooda ee maamul-gobaleedka Galmudug.

Iyada oo duqeyntan lagu xoojinayey howlgalka Ciidanka Danab ay ka fulinayeen aaggaas, ayaysan wax dhib ah ka soo gaarin shacabka ku dhaqan deegaanka. Tan ayaa ka dhigan dharbaaxo xoogan oo lagu wiiqayo awoodda Alshabaab, si meesha looga saaro falalkooda gurracan ee ay la eegtaan dadka Soomaaliyeed.

Duqeytaan ayaa lagu burburiyey dhufeysyada Al-shabaab ka sameysteen jiidda hore iyo difaacyadooda afka hore si ay ugu fududaato Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo SNA inay galaan xarumaha Alshabaab.

Howgaladaan ayaa looga gol leeyahay in lagu yareeyo dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ku dhibaateyn karaan Bulshada Soomaaliyeed. Qaar ka mid ah kuwii u dagaalamayey Al-shabaab oo aad u badan ayaa ka soo goosanaya kooxdan argagaxisada ah, maadaama ay Alshabaab la kulmayaan jab is daba-joog ah ayay xubnaha Alshabaab isu soo dhiibayaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Kumaandooska Danab, iyada oo lagu soo dhaweeyo si sharfan iyo gacmo furan.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa si geesinimo leh uga dagaalamaya Deegaannada Maamul Goboleedka Galmudug waxayna u garabsanaayaan hawlgalkooda duqeymaha iyaga oo difaacaya shacabka Soomaaliyeed ee halkaa ku dhaqan.”

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dalka oo Xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddoomiyaha gobolka Banaadir

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo xafiiskiisa ku qabtay  Shir looga hadlayay dhismaha Wadada Jaziira oo ka tirsan Degmada Wadajir,shirkan ayaa waxa ka qayb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish)

Shirkaan oo uu Shir Guddoominayay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaarada Maaliyadda DFS iyo Danjiraha Dowladda Turkia u fadhiya Soomaaliya.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dadaal ugu jira sidii loo dhisi lahaa Wadada Jaziira oo muhiim u ah isu socodka.

Duqeyn lala beegsaday dhagar-qabayaasha Alshabaab

Dagaal iyo duqayn dhanka cirka ayaa ka socota saldhig kale oo kooxda argagixisada Shabaab ay ku lahaayeen aagga u dhexeeeya Qaycad iyo Xarardheere, ayadoo ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug ay hadda ay galeen saldhigga la duqeeyey.

Duqaynta saakay ayaa noqonaysa tii saddexaad oo deegaanada koofurta Mudug ka dhacda saddexdii todobaad ee la soo dhaafay, ayadoo argagixisada Shabaab ay soo waajahday xaalad adag iyo dagaal qaraar.

Dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa waxaa si wadajir ah uga qeyb-galaya ciidamada Qaranka ee kala duwan, kuwa Galmudug, naftood hurayaasha deegaanka iyo diyaaradaha Maraykanka.

Midowga musharaxiinta Haweenka Soomaaliyeed oo ku baaqay in la ilaaliyo qoondada Haweenka ee 30%

Shir ay isugu yimaadeen midowga musharaxiinta Gabdhaha Soomaaliyeed ayaa lagu ammaanay hoggaaminta hufan ee Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu u wajahayo hanaanka qabsoomida doorashooyinka , waxayna haweenkan madaxda Qaranka ka codsadeen ilaalinta qoontada haweenka ee doorashooyinka Soomaaliya.

Shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen midowga musharaxiinta haweenka ayaa ugu dambeyntii waxaa laga soo saaray ilaa iyo afar qodob oo lagu xaqiijinayo qoondada haweenka ee 30%.

  1. In Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya uu soo saaro bayaan cad oo lagu xaqiijinayo Qoondada Haweenka 30%.
  2. In kuraasta Haweenka loo soo horumariyo doorashada.
  3. In la magacaabo guddi ka socda Xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo si gaara ah u daba gala xaqiijinta qoondada haweenka 30%.
  4. ugu dambeynta Haweenka ayaa ka dalbaday Ra’iisal wasaaraha inuu siiyo fursad ay kula kulmaan si ay uga dhaadhiciyaan rabitaankooda doorasho.

Guddiga Hirgalinta doorashaa heer Federaal oo la kulmay Guddiga xaqiijinta Qoondada Haweenka

Guddiga Hirgalinta Doorashadda Heer Federaal oo uu Hogaaminayo Gudoomiye Guddiga Maxamed Xasan Cirro, ayaa caawa la kulmay Guddiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka ee uu dhawaan magacaabay Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Kulankan ayaa ahaa mid ku qotomay is xogwaraysi iyo talo is waydaarsi ku aadan sidii loo xaqiijin lahaa qoondada Haweenka ee Doorashada Soomaaliya.